Sunday August 09th, 2020
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

Muhiimada taariikhda

0
Saturday August 01, 2020 - 17:19:04 in Maqaallo by Wariye Khaliil Barre
  • Visits: 204
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muhiimada taariikhda

    Muhiimada taariikhda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muhiimada taariikhda
Ciid Mubaarik dhamaantiin!
Idam Alle, Sannadka sannadkiisa farxad iyo caafimaad ku gaadha dhamaantiin.
Taariikhdu waa waxa ummadaha aduunka is dhaafiyay, waa waxa ay reer galbeedku ku guulaysteen ee ay maskaxda aduunyada ku hantiyeen, waa waxa caruurta isku ayniga ah is dhaafiyay, waa waxa taariikhdiinii, iyo tii xadaaradii islaamka masaxay ee caruurteenu Michelangelo iyo John Adams u yaqaanaan balse ayna aqoon u lahayn taariikhdoodii, taariikhdii islaamka sida,casrigii RASUULKA (SCW) (1-11H) (622-632CD), tii KHULAFADA (11-40H) (632-661CD) iyo geeridii Rasuulka (SCW) ka dib, tii UMAWIYIINTA (41-132H) (661-750CD) iyo tii CABBAASIYIINTA (132-656H) (750-1258CD), tii MAMAALIIKTA (648-922H) (1250-1517CD), iyo tii CUSMAANIYIINTA (1517-1924CD) toona.

Teenana haddalkeedaba daa, haddana reer hebel iyo qabyaalad lagu shaqaysto ay u yaqaanaan.
Koroonaa aduunkii helay oo sannadkan markay in aan waddankeenii imaado ii suurtoobi weyday bal taariikhdaadii iyo halkaad ka bilowday Sweden uun caruurta iyo reerka soo tus baan is idhi, baabuur baan kaxaystay oo meel kasta oo taariikh igu leh waddankan Sweden waan geeyay, halkii maalintaan imid aan iska dhiibay, halkaan iskuulkii ugu horeeyay ka bilaabay,halkaan shaqadii ugu horeyasay ka bilaabay iyo halkaan hooyadood ku bartayba waan soo tusay.
Kolba taariikh iyo meel la qurxiyay oo dalxiis loogu talo galay oo iswiidhishu samaysteen ayaa iga soo dhex gala oo iyana bal soo eeg aan is idhaa.
Dal tabyaa i dishee kolba taloow aniguna waddankayga , maxaynu taariikhdiisii u qori weynay ayaa i igu soo dhacda oon is idhaa.
Dib ayaan haddana iskugu noqdaa oo horta ummadan imisaa aabahood taqaan oo si dhab ah u taqaan, oo uga sheekayn karta taariikhdoodii, awoowgood iska daaye,ayaan isdhaa, iyo wax yar iyo hadaa waa maxay taariikhda aad raadinaysaa ayay naftu i tidhaa.
Ummad marka uu aabahood soo socdo caruurta lagu yidhaa, Aabo ayaa soo socdee guriga gala oo aamusa, iyo Aabo ayaa hurdee shanqada ka yareeya ee iyaga iyo aabahood la ka ilaaliyo, sidey isku baran karaan oo taariikh ugala hadhi karaan ayay naftu igu tidhaa..
Ilaahay baan kugu dhaarshee inteed aabaaha taariikhdiisa oo run ah ka haysaa, wey yar tahay walaahi. Taariikhna jiri mayso caruurta oo waalidkood u sheekaayan mooyaane.

Berigii caddaanku madowga cabiidsanayay, wixii koowaad ee uu jaray waxay ahayd taariikhdooda oo magacooda ka ayuu ka bilaabay oo John iyo Edwerd ayuu u bixiyay intuu kii aabahood ka bedalay , taariikhdii aabihiina u diiday xasuustiisa.

Stockholm oo aad 1989 degtid is lahaa( Malmö ayaan degay) ayaan geeyay fasaxan geeyay caruurta iyo reerka si aan u soo tuso meeshaan is lahaa waagaa aad degtid, anigoo tus tusidii magaalada ku jira ayaanan soo hor maray ninkan iminka boqorka ka ah Sweden oo malaha awoowgiisii shanaad uu taalo qurux baddan oo dadku ku xasuustaan uga sameeyay faras magaalaha Stockholm, qasrisgiisa hortiisa, ( isagu waa gaal ee sanam ayuu u samaystay).
Markiiba waxa i soo hor maray sidii aniga oo taariikhdii awoowgay raadinaya aan 2016kii Hargeisa uga tagay ilaa Jiidaali si qabrigii awoowgay aanu u soo salaano.
Ninkan Swedishka ahi haddaba taariikhdii awoowgii oo dhan oo waliba tafatiran oo uu waliba macaaneeyay oo uu ku qoray ( Nin dhaqanka jecel buu ahaayoo intaasoo masxar ayuu Sweden ka sameeyay….iyo qaar kaloo baddan ayuu ku xardhay) iyo taariikho baddan oo kale oo wadda maalin heblaayo leh oo uu yidhi awoowgay ayaan kala hadhay ayuu ku xardhay taalada awoowgii .
Anigana waddaadayda(reerka) oo waaggaa aan Jiidaali awoowo ugu tagay, ila socotay waxa laga reebay oo ay igu tidhi ( markay wadadii rafka ahayd uu wadnuhu afka yimid)
" Maxamed walaaal, awoowgaa meel banaan oo tan dhaanta muu waayay, muxuu rafkan ka soo doonay” …

Sow taariikhdeena innagu ma aynaan weynay weynin ayuun baan uga jeedaa qoraalkan, iyo in aan ogaataan in caruur eber ahi inaga dambayn doondo.

Waar hooy taariikhdu waa waxa rag is dhaafiyee ubadkeena aynu taariikhada barno. Waar hooy.
Ciid Mubaarik dhamaantiin
Maxamed Yusuf
No description available.
No description available.
No description available.
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
Halkan Ka Daawo: FULL BARNAAMIJ Dabaaldega Ciidanka Melateriga Ee Ku Sugan Gobolka Togdheer Oo Si Cajiiba Usoo Bandhigay Awoodooda Ciidan.
DAAWO: ABWAAN AADAN DIGAALE OO GABAYO CAJIIB AH RIRIYAY KUWAAS OO ISUGU JIRA NABADA JACAYLKA IYO ARIMO KALE WARAYSI DHEER OO LALA YEESHAY
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland 2019.
WAREYSIYO