Tuesday August 04th, 2020
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

SOOMAALIYA OO DOONAYA INAY MARLABAAD U KHIYAAMAYSO SOOMAALILAND SI FOOLXUN

0
Saturday August 01, 2020 - 17:30:17 in Maqaallo by Wariye Khaliil Barre
  • Visits: 411
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    SOOMAALIYA OO DOONAYA INAY MARLABAAD U KHIYAAMAYSO SOOMAALILAND SI FOOLXUN

    SOOMAALIYA OO DOONAYA INAY MARLABAAD U KHIYAAMAYSO SOOMAALILAND SI FOOLXUN

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

SOOMAALIYA OO DOONAYA INAY MARLABAAD U KHIYAAMAYSO SOOMAALILAND SI FOOLXUN
Waxaad si weyn ula wada socotaan in heshiisyadii ay soomaaliya iyo soomaaliland wada galeen aanay soomaaliya halmid keliya ka hirgelin oo ay intay marba dib usoo celiso miiska soo dhigayso inay hirgelinayso iyadoo ku sida qodobo kale oo ay u baahan tahay inay ku lifaaqdo si soomaaliland loogu khasbo inay hirgiso iyadoon iyadu midnaba hirgelin


Waxaa jira qodobkii hawada in soomaaliland loosoo bandhigay inay dhaqaale ku heleyso hargeysana xarunteedu noqonayso si aanay u diidin inay saxeexdo kadibna markii saxeexin laga helay inta la qaatay iyadii dib loogu karbaashey oo hawadeeda laga mamnuucay inay dayaarad soo galaan taasoo ah mid aanay ahayn inay saxeexdo inta heshiis buuxa laga gaadhayo qodobka masiirka oo lagu heshiinayo isutag ama Kala tag kaasoo ay midwaliba sida loogu heshiiyo u RAACI lahayd waxna ugu qaybsan lahayd ahna khalad siyaasadeed oo dawladu gashay Markay saxeexaysey soomaaliyana u isticmaashay siyaasad ahaan oo cidwalbana kula dagaalantay soomaalilandna garan weydey inaanay ahayn dawlad la aqoonsan yahay oo sharcigu ogolaanayn hadaanay soomaaliya kamid ahayn sidaana soomaaliya kula wareegtey.

Hadaba hadda waxaa kusoo fooleh in soomaaliland la hordhigo deyn cafinta oo lagu yidhaahdo waxaad qaadanaysaan lacagta la qaadanayo qaybtiina sidii qodobkii hawada isla markaana waxay la socotaa in heshiisyadii hore lawada hirgeliyo iyadoon soomaaliya marnaba heshiisyada soomaaliland aanay hirgelinayn oo aanay siyaasadeedaba ahayn ku wajahan soomaaliland marka soomaaliland saxeexdana intay soomaaliya ku qaadato waxay doonayso iyadoo sheeganaysa inay tahay dawladii soomaaliya kula dagaalami doonto soomaaliland Kuna maalgelin doonto dad iyada u dagaalama oo soomaaliland dhex jooga taasina way imanaysaa hubanti haddii soomaaliland saxeexa bixiso.

Hadaba waxaan soomaaliland siweyn ugula talinayaa in ay qodobka deyn cafinta soomaaliya rabto ee gacantiina ku xidhan sidii qodobkii hawada inaanay saxeexin laguna xidho inmarka hore laga heshiiyo qodobka masiirka dibna loo aaminin ee sicad wax looga goosto. Soomaaliya ciday doonto hasoo kaxaysato dawladaha aduunka si aad ugu saxeexdaan qodobkaas hadaad saxeexdaan wixii idiinku dhaca waxaa kamasuul ah madaxweyne muuse biixi oo dalka aanu u dooran ay kulana xisaabtamiye doonaa.
Waxaan marlabaad ku celinayaa qodobkaasi waa sidii qodobkii hawada saxeexbaa laydinka rabaa waana laydiinku dilayaa soomaaliyana waa lagu dilayaa ciddii saxeexda waa Cid duminaysa soomaaliland ee ha ogaato ama dawladu shacabka hawcadayso inay soomaaliya kamid yihiin oo ayka laabteen gooni isutaagii lasoo noqoshadii xoriyadooda.

Qore: maxamed aadan
Baadhe siyaasadeed.
 
 
 
 
 
 
 
ReplyForward
 
 
 
 
 
 
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
Halkan Ka Daawo: FULL BARNAAMIJ Dabaaldega Ciidanka Melateriga Ee Ku Sugan Gobolka Togdheer Oo Si Cajiiba Usoo Bandhigay Awoodooda Ciidan.
DAAWO: ABWAAN AADAN DIGAALE OO GABAYO CAJIIB AH RIRIYAY KUWAAS OO ISUGU JIRA NABADA JACAYLKA IYO ARIMO KALE WARAYSI DHEER OO LALA YEESHAY
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland 2019.
WAREYSIYO