Thursday September 24th, 2020
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

Madaxweynaha lama tartamayno, markuu na tartansiiyo, waanu tartamaynaa.

0
Saturday September 05, 2020 - 11:34:32 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 277
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha lama tartamayno, markuu na tartansiiyo, waanu tartamaynaa.

    Madaxweynaha lama tartamayno, markuu na tartansiiyo, waanu tartamaynaa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha lama tartamayno, markuu na tartansiiyo, waanu tartamaynaa.
Diyaaraddii aan ka soo raacay Landhan, Soomaalidii saarnayd, waxay u badnaayeen qoysas u soo xiisooday dalkooda, waxaa hoggaaminayey siyaasi Cabdilaahi Jawaan iyo Fanaanadda weyn ee Maandeeq.

Waxaan si xushmad leh u gacan qaaday siyaasi, oday Cabdilaahi, wuxuu fadhiyey meesha dadku marayeen. Waxaan Ku idhi, Aniga oo hoos ugu foororsanaya ' ma Cabdilaahi baa, sow nabad ma aha' inta uu halacsi daymo kor ii yare jaleecay, wuxuu yidhi ' haa, adigu kuma ayaad ahayd' waxaan idhi Bashiir Tarabbi, waxaan isaga dhaafey xagii Maandeeq iyadoo si weji furan ii salaantey, Odaygu waxaan is idhi ma in aan waraaq CID-da uga sido ayuu u maleeyey. Intaasi waxay ka dhacday duulimaad kayagii Addis iyo Hoyga Fanka iyo Saxaafadda Soomaalida ee Hargeysa.


Waxaase kaa ka horreeyey safarkayagii Landhan iyo Addis. Ragga Soomaalidu waxay si xilkasnimo la'aani ka muuqato isula taagnaayeen oo ku sheekaysanayeen marinka yar ee u dhexeeya kuraasta, iyaga oo fadhi in ay salka dhigaan diidey, dumarku waxay ka wada sheekaysanayeen kuraas kala durugsan, si qaylo dheer, caruurtu way oohin badnaayeen, kuwa ku ciyaarayey qalabka madadaaladuna waxay u muuqdeen kuwo maqan oo maan doorsoomay. Haddii dadkii kale ee aan Soomaalida ahayn,kabaheena loo geliyo,waxay odhan lahaayeen, waa garac meher la'aan ku dhashay.

Hablihii edaabta badnaa ee noo shaqaynayey, waxay ahaayeen kuwo ay ka muuqatey wax xeerin iyo khalkhal nafsadeed oo culays soo wajahay, aad bay u adkayd in hablahaasi u shaqeeyaan si farxad leh, waxayse xanshaashaq ay hoos u guuxayeen laga dareayey xagga hore iyo dambe ee ay wax ku maamulaan, marka ay isku keliyaystaan.

Wax badan baa Iska bedelay dhalinyarada shandadaha garoonka Cigaal ka shaqaysa iyo tagaasidaba, isbedel togan. Koleyba hawada Soomaalilaan way Iska wadataa farxadda iyo ilowshaha wadadii dheerayd ee daalka iyo qalada badnaa, indhaha muwaadinkuna way qawad yaraadaan, istareex.

Bashiir Tarabbi Oogle,
Somalilaan.
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
Halkan Ka Daawo: FULL BARNAAMIJ Dabaaldega Ciidanka Melateriga Ee Ku Sugan Gobolka Togdheer Oo Si Cajiiba Usoo Bandhigay Awoodooda Ciidan.
DAAWO: ABWAAN AADAN DIGAALE OO GABAYO CAJIIB AH RIRIYAY KUWAAS OO ISUGU JIRA NABADA JACAYLKA IYO ARIMO KALE WARAYSI DHEER OO LALA YEESHAY
WAREYSIYO