Thursday September 24th, 2020
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

Xafiiskii Xisbiga KULMIYE Ee Gobolka Togdheer Oo Xaaladiisa Laga Dayrinaayo

0
Monday September 07, 2020 - 15:20:34 in Wararka by Wariye Khaliil Barre
  • Visits: 629
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xafiiskii Xisbiga KULMIYE Ee Gobolka Togdheer Oo Xaaladiisa Laga Dayrinaayo

    Xafiiskii Xisbiga KULMIYE Ee Gobolka Togdheer Oo Xaaladiisa Laga Dayrinaayo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xafiiskii Xisbiga KULMIYE Ee Gobolka Togdheer Oo Xaaladiisa Laga Dayrinaayo
'Wey Dayaceen barxadii qeybta ka ahayd guusha Kulmiye'

Sida ay U ilaaween inay Xafiisyadooda Dayactirtaan ayey Adeegyadii Shacabku ka sugayeen U dayaceen!

Isbadelada siyaasadu ay sameyso ayaa ka qeyb ka noqdo in aynu aragno,waxay ku kala duwan yihiin Aragtidaha iyo qorshayaasha Ay dejisteen hogaamiyayaasha xisbiyada Qaranka kala hogaaminaya ee la hor keeno indhaha shacabka.Bilowgii 
Xisbiga Kulmiye,Wuxuu ahaa mid ay kamuuqato dadaal aan joogsi lahayn oo suuragal ka dhigay inuu hantida shacabiga hantiyo iyadoo qaarkoodna ay dhismayaal ku yaala faras magaalaha magaalooyinka dalka ugu deeqeen,si ay xisbiga ugu noqdaan xaruumaha xudunta u ah ololaha iyo goobaha shaqo ee xisbiga.Xisbiga Kulmiye,Wuxuu kamid noqday xisbigii ugu horeeyey xisbiyada Jamhuuriyada Somaliland ee taageeradii ugu badnayd ka helay shacbiga Jamhuuriyada Ee ku nool guddaha iyo dibada dalka.


Wadajirku,Wuxuu mar walba qeyb ka yahay horumarka iyo guulaha ay sameeyaan xisbiyada qaranka Somaliland Laakiin,waxaa soo baxa marka ay xisbiyadeenu guuleystaan in aan dib loogu soo noqon golayaashii ay talada ku kala qaadan jireen,waxaana cadeyn u ah sida ay siyaasiyiin badan oo saaxiibo ahaa ugu kala tagaan fagaarihii ay falaadhaha daran kasoo gani jireen,xisbiga Kulmiye ayaa noqday xisbigii ugu horeeyey ee caadadan guran shacbiga hor keenay,waliba
 kulmiyihii tallada dalka la wareegay sannadkii 2017 kii Ee uu Hogaaminayey Mudane Madaxweyne Muuse biixi Cabdi,waxay si toosa u badaleen aragtidii ay shacbigu ku doorteen,waxayna kordhiyeen tixgelin la’aan ay ku sameeyeen saraakiil badan oo halgan dheer usoo maray xisbiga Kulmiye,se maanta dibada ka jooga xisbiga.

Hogaanka Sare xisbiga Kulmiye sidii ay u ilaaween,una lumiyeen Saaxiibo garab adag u ahaa xisbiga oo kala soo dabaashay duruufo ay adkeyd in uu xisbigu kasoo gudbo,si lamida ayey u ilaaween inta badan xafiisyadii iyo Xaruumihii dhexe ee xisbigu ku lahaa Magaalo madaxyada dalka,waa hubaal in aanay jirin dhaqaale yaraan ama la’aan heysata xisbiga Kulmiye,sababta oo ah,Wuxuu taageero badan ka helay xukuumadihii Kulmiye Ee tallada dalka u kala danbeeyey.Halkani,waa xafiiska guud ee xisbiga Kulmiye ku leeyahay magaalo madaxda gobolka Togdheer ee burco,Wuxuu ahaa ama kamid ahaa xafiisyadii ugu horeeyey Ee bilowga iyo Aasaaska qaran u ahaa soo bixitaankii xisbiga,waxaan filaa inuu xafiisku yahay xafiiska ugu barxada balaadhan Xafiisyada xisbigu uu dalka ku leeyahay.

Hogaamiyihii hore Ee xisbiga Kulmiye Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Madaalayaashii tirada yaraa Ee la shaqeynayey,waxay ahaayeen kuwo si guud iyo gaara ula socday hawlaha shaqo ee ka Soconayey xafiisyada iyo xaruumaha guud ee uu xisbigu ku lahaa guddaha dalka iyo dibadiisa,waxayna gaadheen heer ay jaaliyadaha dibadu dhaqaale aanay dawlada ku taageerin ay ugu soo deeqaan xisbiga Kulmiye,ka dib markii ay arkeen hufnaanta shaqo ee ka Soconaysay xafiisyada xisbiga.Xukuumadii iyo hogaankii hore ee xisbigu,waxay si Xilile ah u dayactiri jireen xafiisyada xisbiga,xafiiska guud ee xisbiga Kulmiye ku leeyahay magaalada burco 
Waxa uu ahaa mid ka suntanaa xafiisyada xisbiyadii dalka soomaray ay ku lahaayeen magaalada burco,waxaa qof kasta oo wadooyinka waaweyn ee hormara xafiiska soo jiidan jiray Astaanta gaarka ah iyo baadisoocdii xisbiga ee ahayd ‘’Xisbiga midnimada iyo Horumarinta Jamhuuriyada Somaliland ’’,waxa uu mararka qaar hog ay kusoo degaan u ahaan jiray kooxaha Kubada Cagta oo ka kala iman jiray gobolada dalka,balse maanta,wax dayactira kama muuqdo iskadaa inay marti usoo hoyatee,waxaad arkeysaan inuu noqday xafiis ay ka maarmeen oo aanay wax rejjo ah ka lahayn,waa dhacdo ku cusub xisbiyada muxaafidka ah ee dunida in mid kamida xafiisyadoodi waaweyn U noqdo mid ay awoodi kari waayeen inay dayactirtaan,si ay taageerayaashoodi ugu faanaan xafiiskii ay kusoo halgameen,una ilaashadaan Taariikhda ay xafiisyadoodu ku leeyihiin jiritaanka xisbigooda.

Xafiiska guud Ee xisbiga Kulmiye,waxa uu ku martiqaaday barxadiisa inta badan hogaanka sare iyo saraakiil xisbiga sumcad ku lahaa oo ay saameyn yeesheen khudbadihii ay taageerayaasha iyo shacbiga reer burco halkan kula wadaageen,waxaan ka xusi karaa Hogaamiyihii hore,ahaana Aasaasihii xisbiga Kulmiye Mudane Madaxweyne Axmed Maxmed Maxamuud (Axmed Siilaanyo) dhaliilo culculus oo uu fagaaraha xafiiskan uga diri jiray xukuumadii iyo xisbigii Udub ee uu Hogaaminayey Mudane Madaxweyne Daahir rayaale kaahin,waxayna Eedaymahaasu sabab u ahaayeen in Shacabka reer burco ay kalsoonidii kala noqdeen xukuumadii iyo xisbigii udub ee dalka maamulayey,ugu danbeyntiina xisbiga Kulmiye kaga adkaaday doorashooyinkii Madaxtooyada ee dalka ka Dhacay sannadkii 2010 kii.

Sannadkii 2007dii,waxaa xusid mudan oo aan si wanaagsan u xasuusanahay Khudbad balaadhan Oo Uu Madaxweynaha dalkeena Mudane Muuse biixi Cabdi oo sannadkaasi loo doortay Jagada Gudoomiye ku xigeenka koowaad Ee xisbiga Kulmiye fagaarahan kula wadaagay boqolaal kamida taageerayaasha xisbiga Kulmiye oo aan xilligaasi kamid ahaa,waxaa kamida qodobadii uu khudbadaasi ku xusid Cambaareynta Xadhig ay Xukuumadii Udub U geysatay Oday Dayr Maxamed Cilmi oo Xukuumadda Mucaaradadii ugu adkeyd kala hor yimi,kana mid ahaa Odayaashii garab istaaga iyo taageerada xoogan u muujiyey Xisbiga Kulmiye,balse markii danbe kamid ahaa xubno Culus oo xisbiga ka tagay ka dib, khilaafkii ka dhashay Jagada Musharaxa Madaxweyne ku xigeen ee xisbiga oo lagu dooranayey shirkii xisbiga ee sannadkii 2008dii lagu qabtay magaalada burco.

Mudane Madaxweyne Muuse biixi,ahna Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye,mar uu booqasho ku yimi magaalada burco,isla sannadkii 2007dii,waxaan ka xasuustaa hadaladii ku jiray khudbad uu xilli subaxnimo ah lawadaagay taageerayaasha xisbiga,waxaa kamid ahaa hadal nuxurkiisa guud u dhignaa sidan ‘’Walaalayaal reer burco,waxaanu idiin wadnaa Halgamaa iyo rug cadaa siyaasadeed doorashadan’’,wuxuuna uga jeeday Ruug cadaaga siyaasadeed ee ay doorashada madaxtooyada shacbiga hor keeni doonaan xisbigoodu inuu ahaa Mudane Axmed Siilaanyo Oo markaasi ahaa musharaxa jagada Madaxweyne Ee Xisbiga U tartamayey,waxaa haddaba,waxay weydiintu tahay xisbi aanay dhaqaale yaraani ka jirin guddihiisa,waxa ka dhigay muuqaalkiisa duleed iyo barxadii ay taageerayaashooda kula hadli jireen inay noqoto meel aan xafiis xisbi lamoodeyn ama laga guuray oo uu qashinku rasaysan yahay?
Aragti ahaan,waxaan aamisanahay in uu xisbiga leeyahay ama jiro dhaqaale qaran iyo mid gaara oo loogu talagalay in lagu maamulo,laguna daboolo baahiyaha ka jira Xaruumaha xisbiga,si lamida dhaqaalaha lasiiyo xisbiyada qaranka,Laakiin uu jiro musuq maasaq iyo isla xisaabtan la’aan,lamida sida loo muqus maasaqay adeegyadii ay Shacabka reer Somaliland ka sugayeen,una balan qaadeen xukuumadihii kala danbeeyey ee Kulmiye inay fuliyeen,se ay ku fashilmeen.
Saaxiibadii iyo isxilqaamayaashii wanaagsanaa ee xisbiga Kulmiye kaga duwanaa xisbiyada Somaliland,waxaa ka dhigay kuwo baneeyey doorkii ay ku lahaayeen Horumarinta iyo midnimada xisbigooda,ka dib markii ay warbaahinta isu soo fadhiisteen labadii dad isu xigay,musuqa hantidii Shacabka,xilka xayuubin lagu sameeyey saraakiil xisbiga naftooda usoo horay,mudnaan la’aan ay taageerayaashoodi kala kulmeen iyo Hogaankii sare ee xisbiga oo qeyb ka ah muranka iyo dayaca kamuuqda xisbiga Kulmiye,waxaan u rajeynayaa isbadel waara inay sameeyaan oo ay dayactirtaan xafiisyadooda.
■ Xalku Muxuu Noqon karaa
Waxaan kusoo Gebagabeynayaa Qoraalka Qodobadan Oo aan U arko inay Noqon karaan Xal iyo Tallooyin Muhiim U noqon kara Xisbiga Kulmiye iyo Hogaankiisaba.
• Waa In baadhitaan Cilmiyeysan lagu sameeyaan sida loo maamulay hantidii loogu talagalay xafiisyada xisbiga Kulmiye labadii sanno ee ugu danbeysay,Haddii ay jirto.
• Madaxda iyo hogaanka sare ee xisbigu,waa inay cadeeyaan dhaqaalaha Sannad laha ah ee xisbiga loo qorsheeyey,si loo ogaado musuqa ka jira xisbiga guddihiisa.
• Wasaarada Maaliyadu Waa inay la xisaabtanto Hogaanka xisbiga kulmiye.iyadoo ilaalinaysa hantida Shacabka ee bilaa xisaabta lagu cunayo.
Allaa Mahad leh
Sakariye Cabdikariim Maxamuud

https://scontent.fhga3-1.fna.fbcdn.net/v/t1.15752-9/
https://scontent.fhga3-1.fna.fbcdn.net/v/t1.15752-9/
https://scontent.fhga3-1.fna.fbcdn.net/v/t1.15752-9/
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
Halkan Ka Daawo: FULL BARNAAMIJ Dabaaldega Ciidanka Melateriga Ee Ku Sugan Gobolka Togdheer Oo Si Cajiiba Usoo Bandhigay Awoodooda Ciidan.
DAAWO: ABWAAN AADAN DIGAALE OO GABAYO CAJIIB AH RIRIYAY KUWAAS OO ISUGU JIRA NABADA JACAYLKA IYO ARIMO KALE WARAYSI DHEER OO LALA YEESHAY
WAREYSIYO