Friday September 18th, 2020
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

Xukummada Madaxweyne Muse Biixi Oo Shirkad Ajanabi ah oo Musuq Maasuq Ku Caanbaxday ADUUNKA ku Wareejisay Haamahi Shidaalka Berbera

0
Tuesday September 08, 2020 - 16:48:07 in Wararka by Shaqaalaha Burcoonline News
  • Visits: 757
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Xukummada Madaxweyne Muse Biixi Oo Shirkad Ajanabi ah oo Musuq Maasuq Ku Caanbaxday ADUUNKA ku Wareejisay Haamahi Shidaalka Berbera

    Trafigura Group Pte shariikaddii Aabaha u ahayd musuqa, wax is dhaaf

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Trafigura Group Pte shariikaddii Aabaha u ahayd musuqa, wax is dhaaf


 

London (Burcoonline) 8. 09.2020 Trafigura Group Pte shariikaddii  Aabaha u ahayd  musuqa, wax is dhaaf dhaafinta iyo laaluushka suuqyada  qaybinta saliidda (the Energy supply markets) , ayaa waxaa lagu wareejiyay haamahii shiidaalka ee Berbera.

Trafigura Group Pte waxaa laga leeyahay dalka Singapore, bishii May ee sannadkan 2020 ayaa haayadda u qaabilsan dalka maraykanka la socodka agabka la dhoofiyo ee loo yaqaano The Commodities and Futures Trading Commission (CFTC) waxay ku soo oogtay shariikadda Trafigura Group Pte musuq-maasuq, wax is daba marin iyo inay laaluushto madaxda dalalka soo koraya si ay uga helaan qandaraasyo.


Wergeyska Guardian ee ka soo baxa dalka ingiriiska ayaa dhawaan wuxuu daabacay fadeexad weyn oo ay u bixiyeen (The car wash), taasi oo madaxda shariikaddani Trafigura Group Pte ay lacago malaayiin dollar ah ku siiyeen madaxda 14 dal oo ay ka mid yahiin dalal ku yaalla Koonfurta Ameica iyo qaaradda Afrika.

3 dii bishani September, 2020, ayaa markab shiidal wada oo  lagu tilmaamay inuu yahay kii ugu weyna taariikhda abid ee  ee shiidaal keena dekedda Berbera  wuxuu ku soo xidhay dekedda Berbera, markabkan ayaa wuxuu u raranyahay shariikadda  Trafigura Group Pte,, sida wergeyska afka xukuumadda Somaliland ku hadla ee Dawan sheegay, markabka ayaa wada shiidaal cadadkiisu dhanyahay 14000 metric tone oo naafto ah.

Hore looma shaacin in shariikad ilaa heerka caalami ah markab shiidaal oo u rarani uu Berbera ku soo xidhanayo, mana jirin heshiis qandaraas oo hore xukuumadda Somaliland ula gashay  Trafigura Group Pte oo si cad loo soo bandhigay. 

Haddaba waxaa isweydiin leh:

1. siday ku dhacday in shariikad baadhitaan musuq-maasuq ku socdo ay ula wareegeen haamahii shiidaka ee dekedda Berbera?

2. Sidee loo bixiyay qandaraaska ay xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi ku siisay Trafigura Group Pte inay la wareegto haamaha shiidaalka?

3. Halkuu ka dhacay tartanka qandaraaska Trafigura Group Pte ay la gashay shariikadaha kale ee shiidaalka keena?

4. Ma jira musuq maasuq iyo wax is daba marin ku saabsan qaabkii Trafigura Group Pte ku timid Somaliland

Dhawaan la soco

References

1. Guardian newspaper UK <https://www.theguardian.com/world/2020/may/31/trafigura-investigated-for-alleged-corruption-market-manipulation>

2. Financial Times UK <https://www.ft.com/content/7e528ea2-a630-11e9-984c-fac8325aaa04>

3.Britannica UK <
https://www.britannica.com/event/Petrobras-scandal>

4. Wergeyska Dawan Hargeysa <https://wargeyskadawan.com/2020/09/03/markab-shiidaal-badan-sida-oo-berbera-ku-soo-xidhay/>
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
Halkan Ka Daawo: FULL BARNAAMIJ Dabaaldega Ciidanka Melateriga Ee Ku Sugan Gobolka Togdheer Oo Si Cajiiba Usoo Bandhigay Awoodooda Ciidan.
DAAWO: ABWAAN AADAN DIGAALE OO GABAYO CAJIIB AH RIRIYAY KUWAAS OO ISUGU JIRA NABADA JACAYLKA IYO ARIMO KALE WARAYSI DHEER OO LALA YEESHAY
WAREYSIYO