Thursday September 24th, 2020
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

Maanso: Isdura. 1st Sep.2020. By: Maxamuud Ibrahim (Xaaji)

0
Tuesday September 08, 2020 - 20:42:31 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 184
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maanso: Isdura. 1st Sep.2020. By: Maxamuud Ibrahim (Xaaji)

    Maanso: Isdura. 1st Sep.2020. By: Maxamuud Ibrahim (Xaaji)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maanso: Isdura. 1st Sep.2020. By: Maxamuud Ibrahim (Xaaji)

Maanso: Isdura. 1st Sep.2020. By: Maxamuud Ibrahim (Xaaji)

image.pngimage.png


1.In dhoweyd ma doobiyin

2.Mana ridin hub-doorkii

3.Mana dirin farriin dedan

4.Mana durin nin daacada

5.Ma duqayn nin ii daran

6.Mana digan sidii hebel

7.Darbadaaley maan tirin

8.Deel-leyna maan furin

9.Maansadan isduraysana

10.Iyadaa isduraysee

11.Ninna kuma aan durayee

12.Deleb iyo shax weeyaan

13.Waana danab sidiisii

14.Iyo xogo dahsoonaa

15.Iyo baadhis daacada

16.Iyo dalab la saanyadey

17.Waa digniine iga gunud

18.Qalbigana u sii daa

 

19.Dharaartii deryaankiyo

20.Digtu weyni yeedhee

21.Derisyadu colloobeen

22.Dharaartii dukaamada

23.Dukum-daakum laga dhigay

24.Dharaartii la diirtee

25.Dugsiyadii la dhalan rogey

26.Dharaartii la dabar jaray

27.Kaydkiyo diwaankii

28.Dharaartii rag dacas lihi

29.Duqii talada hayn jirey

30.Deyrka uga daateen

31.Dharaartii dirsoociyo

32.Dakanadu biloowdeen

33.Dhararaatii dadnimadii

34.Loo rogay dugaagnimo

35.Dharaartii damiirkiyo

36.Damqashada la oofsaday

37.Dharaartii dikriga iyo

38.Diintii la baal maray

39.Dharaartii hablaha dedan

40.Duuflaalku beegsaday

41.Dharaartii la kala diday

42.Sida deero iyo cawl

43.Dharaartii darxumadiyo

44.Diiftu ay midoobeen

45.Dharaartuu dalkeenniyo

46.Dildillaacay qarankii

47.Ubadkay dihanaysiyo

48.Dulmar iyo ninkeedii

49.Dharaartay dayowgii

50.Dalanbaabigii dhacay

51.Midba uu doc beegsaday

52.Ee la kala dillaamee

53.Dalandoolay geeddigu

54.Yaan Daa’in tiisii

55.Sidii geel dibboodoo

56.Uu waraabe didiyiyo

57.Awr dabar la’aan dhacay

58.Anna aan dayaankii

59.Weydaartay deyrkii

60.Hayeeshee ma'aan degin

61.Derintiina maan dhigan

 

 

62.Muddo waxaan diboodoo.

63.Aan duleedka meeraba

64.Waxaan cadho daraaddeed

65.Dibnahayga ruugaba

66.Wixii aan sidii diin

67.Aan diraaco soomaba

68.Wixii aan war doorliyo

69.Ku ii daran dhegeystaba

70.Waxaan damaca uurkiyo

71.Isku tolo dantaydaba

72.Waxaan doonistaydiyo

73.Da’da xeer u kala qoro

74.Wuxuu dookh i hago iyo

75.Wuxuu calafku diidaba

76.Waxay dihato laabtiyo

77.Waxay runi duduucdaba

78.Ceel dawray waal hore

79.Dawlis waxaan u tuuraba

80.Dig waxaan istaagiyo

81.Debci waxaan idhaahdaba

82.Waxii aan durduriyiyo

83.Darandoorri waxaan galo

84.Waxaan dawanka yeedhshiyo

85.Waxaan dega idhaahdaba

86.Danbar waxaan ka leefiyo

87.Waxaan dhaqayo duugaba

88.Sidii dibigii doollood

89.Waxaan dadab u boodaba

90.Waxaan tebo dalkeeniyo

91.Derbi wuxuu nakala xidho

92.Anoo duudda sare iyo

93.Dusha fooqa oogada

94.Daymada jalleecada

95.Isha doojinaayoo

96.Inta duusha samadiyo

97.Daawanaaya haaddoo

98.Shimbiruhu duryamayaan

99.Saw dabayl udgoon iyo

100.Laaydh debecsan maan urin

101.Saw dareen nuglaa iyo

102.Dacar iyo ladh may kicin

103.Saw doog ma xadantayn

104.Iyo nabar dahsoonaa

105.Saw maalin dabadeed

106.Nafta dood lamaan gelin

107.Saw doonisteedii

108.Durba uma hoggaansamin

109.Saw degelkii kuma furin

 

110.Weligii dekaan iyo

111.Safar daal ma waayee

112.Nin dal dheer u haajirey

113.Isna dayma-daymiyo

114.Didmadaa u sii dheer

115.Xaajadu delleganaa

116.Isdiidooyin badanoon

117.Ku dayoobay badanaa

118.Wax is duraya badanaa

119.Is duqayntu badanaa

120.Duurxulistu badanaa

121.Dabin qoolan badanaa

122.Diric sheelan badanaa

123.Dadku qoonsii badanaa

124.Duryan iyo war badanaa

125.Diradiruhu badanaa

126.Isku digasho badanaa

 

127.Malaa waad dayoowdiyo

128.Waabad yara duqaysiyo

129.Shaki baa i dubuq yidhi

130.Ha degdegin misna is idhi

131.Malaa xaajo dedan iyo

132.Waxa jira duruufo’e

133.Mar is idhi durduro orod

134.Dubur hawd ka sii aad

135.Marna idhi dan ha u gelin

136.Duni beer ka raran iyo

137.Dabayaaqo weeyee

138.Dabciyoo haddana dhigay

139.Kana eegay daan kale

140.Duqii reerka hagayiyo

141.Ninkii ugu da’ weynaa

142.Daaskiisii beegsaday

 

143.Goor duhura weeyaan

144.Waa salaaddii dabadeed

145.Waxaan idhi Ducaaloow

146.Daacadnimo xogta isii

147.Maxaa helay dadkeenii

148.Miyaa layna kala dilay

149.Miyaa layna degel rogay

150.Mise duulal kale iyo

151.Jiman baa dalkii degey

152.Ma anaa is daba maray

153.Mise dooni-jirey-arag

154.Iyo doorarkii sula

155.Yaan daba socdaayoon

156.Doon doonayaa keli?

 

157.Wuxuu yidhi Dakaanoow

158.Duqa beesha ugu weyn

159.Iyo Maammo Dahaboba

160.Midna hoos wax uma dayo

161.Ugumana uu daadego

162.Anna inaan wax dooxiyo

163.Hayga filan war daalacan

164.Waanse kuu yar dedayaa

165.Dulucdee ha gaagixin.

 

166.Waxaan idhi bal soo daa

167.Ilaah daa’inkeennii

168.Kuuma uu darraanine

169.

 

170.Wuxuu yidhi Dakaanoow

171.Wiil yohoow dalkeenii

172.War hooy daraf ilaa daraf

173.Xaqii waa la duudsiyey

174.Dusha baadilkaa yaal

175.Dadkaa saa ku raalliya

176.In la deedafeeyiyo

177.Diidmana warkeed daa

178.Waana doorashee garo!

 

179.Waxaan idhi Ducaaloow

180.Miyaan cidi ka diirayn

181.Maxaa loo dugsanayaa

182.Meeyey doorkii odaynimo

183.Duubcastii maxaa helay

184.Adigiyo da’daadii

185.Dibnihiyo afkiinnii

186.Ma gabeen dareenkii

 

187.Wuxuu yidhi digtoonoow

188.Ninka duubka noo sida

189.Dulmi weeye magacii

190.Dabar iyo hogaan iyo

191.Maba laha dastuur xidha

192.Ogoow debecu waa’u ceeb

193.Anigiyo Digaaliyo

194.Dab-la-riday Cigaal iyo

195.Odaygii Dabreeyiyo

196.Dacar iyo Warfaabaa

197.Ugu tegey dacwiyo hadal

198.Iyo dood wedkeed galay

 

199.Waxaan idhi bal soo daa

200.Ilaah darajadiisiyo

201.Deeq kuuma waayine

 

 

202.Wuxuu yidhi xiska u daa

203.Diin baa god goray galay

204.Goray baa god diin galay

205.Iyo waa is daba meer

206.Is diidooyin weeyee

207.Siday isu dabraayaan

208.Ugu fiirso dulucdana

209.Hana didin sidii adhi

210.Hana dudin sidii gaban

211.Hana duwin ujeeddada

212.Sidii nimankii debedaha

213.Ha ku sigannin dabinnada

214.Iyo godadka wada dedan

215.Hadalkiyo duxdiisii

216.Iga qabo war dalab tiran

 

217.Dirindiir wax beertiyo

218.Ayax doog dhalaan ahay

219.Dogob midhaha saariyo

220.Danbas ololayaan ahay

221.Biyo kor u dillaamiyo

222.Dab dhaxana yaan ahay

223.Wax dabayshu sidatiyo

224.Daadxoor biraan ahay

225.Maaleey dingiigtiyo

226.Dacar malab ah baan ahay

227.Doomaar hadh weyn iyo

228.Damal qaawan baan ahay

229.Dhunkaal la isku duro iyo

230.Dawo sun ah ayaan ahay

231.Jiilaal la daaqiyo

232.Doog abaar ah baan ahay

233.Dulin aan wax cunin iyo

234.Shilin doobir laan ahay

235.Dibjir xoolo badanliyo

236.Doob xaas leh baan ahay

237.Nimaan diinta baranoo

238.Dikriyaaya yaan ahay

239.Diktoor aan wax dhiganoo

240.Wax daweeya yaan ahay

241.Nin dadkiisa boobiyo

242.Hogaan daacadaan ahay

243.Sheekh deggan agtiinnoo

244.Xaqa daaha yaan ahay

245.Nin dadkaba u roonoo

246.Dila maatadaan ahay

247.Runtu nimay ka durugtoo

248.Been ku daaban baan ahay

249.Nin samuhu damqaayoo

250.Xumo doonayaan ahay

251.Nimuu dacas ku biiroo

252.Daal u jeellan baan ahay

253.Nin dabaalanaayoo

254.Dac dhex jiifa yaan ahay

255.Duunyada nin neceboo

256.Daar ka buuxsadaan ahay

257.Nin dhisaaya deyr oo

258.Duminaaya baan ahay

259.Nin darmaan dhaqaayoo

260.Qayl la daajiyaan ahay

261.Nin dameero hoystoo

262.Fardo daawadaan ahay

263.Doon badweyn nin saaroo

264.Dejinaaya baan ahay

265.Nin dhaqaaya duunyoo

266.Dugaag siinayaan ahay

267.Nin jacayl damqaayoo

268.Misna dudaya yaan ahay

269.Nin ugaadh dabaayoo

270.Misna didinayaan ahay

271.Nin hagaaya duuloo

272.Kala diraya yaan ahay

273.

 

274.Nin dillaac tolaayoo

275.Dawaar haysan baan ahay

276.Nin durbaan tumaayoo

277.Ilaaq diidayaan ahay

278.Nin dar ceel agjoogoo

279.Oon dayeeyey baan ahay

280.Nin diyaarad korayoo

281.Dhulka duulayaan ahay

282.Nin difaac adkaystoo

283.Is duqaynayaan ahay

284.Nin isagu is doortoo

285.Isu doodayaan ahay

 

286.Nin hal doora yaan ahay

287.Nin xukuma dalkaan ahay

288.Dadka nin u tashaan ahay

289.Anuun baa dabka u shida

290.Anaa dunida oo idil

291.Uga raadsha deeqaha

TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
Halkan Ka Daawo: FULL BARNAAMIJ Dabaaldega Ciidanka Melateriga Ee Ku Sugan Gobolka Togdheer Oo Si Cajiiba Usoo Bandhigay Awoodooda Ciidan.
DAAWO: ABWAAN AADAN DIGAALE OO GABAYO CAJIIB AH RIRIYAY KUWAAS OO ISUGU JIRA NABADA JACAYLKA IYO ARIMO KALE WARAYSI DHEER OO LALA YEESHAY
WAREYSIYO