Thursday September 24th, 2020
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

NINKA YIDHI SOMALILAND GO'ITAAN XAQ UMA LEH WAR MOOGE DHEH-II

0
Tuesday September 08, 2020 - 20:43:52 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 327
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    NINKA YIDHI SOMALILAND GO'ITAAN XAQ UMA LEH WAR MOOGE DHEH-II

    NINKA YIDHI SOMALILAND GO'ITAAN XAQ UMA LEH WAR MOOGE DHEH-II

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

NINKA YIDHI SOMALILAND GO'ITAAN XAQ UMA LEH WAR MOOGE DHEH-II

Wuxu yidhi Maxamed Cabdille Xasan:

Xeenoow war baan kuu haa waxad tidhaa weeye!

Waanada ustaad kani ku yidhi weedh an rabo weeye.

Wadaadkii kitaabo leh in aan wan u qalaa weeye.

Ina Walanwalan oo kale in aan weger idha weeye

Wax isii hadduu yidhi in aan waran daraa weeye.

Duur xul iyo dardaarwerin sheekadu way ka soo gudubtay. Ilduuf iyo hilmaan Iyana hadalkoodba daa. Qormadii hore waxan ku iftiimiyay in ereyga "go’itaan” sidiisaba u yahay qadaf sharciyadeed ka dib markii loo kitaab deyay xaga xeerarka caalamiga ah. Wax GO'ITAAN la yidha ma jiroe' waa dibula soo-noqosho qarannimo iyo burin MIDOW mala awaal ahaa. Sidaas ayaanay u jirin xadhig la dal isu hayay.



Halkay taal sharciyadda Somaliland iyo Somalia ku midoobeen; goormaa la ansixiyay midowga?. Labada dal ee midoobayay ayaa wakiilo uga ahaa midowga la sheego?.

Halkan waxan Xuseen Axmed Warsame ugu soo bandhigayaa ja hawereerkii la kowsada maalinta 1stJuulay, 1960 iyo sida wixii la isk dhex booshaaqay uu dhaliwaayay qaran. Waa nasiib darro meesha ka dhacday waxan masuuliyaddeeda iska leh labadan kooxood ee ilaa manta ku hirdamaya hogaanka dal haligmay. Haadda ummaadii Somaliland 1960 meesha tegin, taa manta aynu arkaynu tu ka daran ayaa ka dhici lahayd oo labadan kooxood warmaha ayay isu soofaysanayeen. Waa xaqiiqo aan la dafiri Karin. Soomaali qowmiyad la’aan keli ihi qeyrkeed kama reebin, wax kale ayaa u weheliya.

Dhirbaaxo Jinna wuxu Yidhi:

Miimka gabay murtida xoogaliyo maayado is jiidha

Indhoweydba moorada suna leh moorka ka goyne

Mar haddan madaafiic rakibo mur iyo waabay leh

Midha yariyo beyd-gaabku waa inay maleegtaane

Qormadan oo ah tii labaad oo jawaab u ah hadal uu jeediyey nin la yidhaa Xuseen Axmed Warsame oo sheegay in aanay Somaliland xaq u lahayn go'itaan ilaa ogolaansho laga helo Soomaliyada konfureed. Anna halkan waxaan idiinku caddayn in kan la yidhi xaqaaga marti uga noqo isna in aanu jiritan iyo qarannimo midna xaq u lahayn!

Haddaan la is-makeekiyen ama sarajooj-ku-atixiyaadsi sheekadu ahayn, Taariikhdu markay ahayd intii u dhexaysey Bishii April 16dii ilaa isla bisha 20dii, waxa magalaada Muqdisho ku kulmay laba wefti oo ka kala tirsanaa Golayaashii Wakiilada Somaliland iyo Somalia waxana la isla qaatay in labada dal midoobaan 1da Juuly, 1960 oo hal dal oo midaysan oo la magac baxa Jamhuuriyada Soomaaliyeed halkaa lagu yagleelo.

Haddaba waxa dhacday in aan qaab laba dal heshiis ku yihiin aanu habaraate jirin. Waxay arrintu guracantay waa habeenkii Ammaanadii Qaramada Midoobay ee Talyaanigu ku-meel gaadhka u maamulayey ee Soomaaliya u xuub-siibanlayd qaran madaxbannaani taam ah. Halkay Soomaaliya sida Somaliland xoriyad u helilahayd, ayaa waxa meesha kasoo baxay Qaran la yidha Jamhuuriyada Soomaaliya. Sidaa ayaanay ammaanadii Qaramada Midoobay ee Soomaaliya la odhan jirey aanay xoriyad iyo madaxbannani midna u helin.

Akhristoow u fiirso heshiisku wuxu ahaa in marka hore HESHIISKA LABADA QARAN KU MIDOOBAYAAN la meel mariyo. Taasina ma dhicin. Arrornimada 1da Juulay, lagu dhawaaqo dhalashada Jamhuuriyad Soomaaliyeed oo wareegto Madaxweyne lagu meel mariyey iyo tu kaloo iyan ka daran oo la yidhaa "Atto di Unione" ama axdigii Midowga labada dal.

Dhaqankeenii reer guuraga haddaad u yara fiirsato, marka geedi loo lalabayo ee ratiga la rarayo, ugu horeyn karbaash iyo keed ayaa marka hore la saara, ka dibna qobtol ayaa la xigsiiyaa, dabadeedna cayn iyo bayd ayaa lagu giijaa, ka dibna udbaha ayaa dhinayada lagaga xidhaa, marka xiga waa hararadii iyo wixii maacuun ah oo awrka labada dhinac lagaga tiirsho si miisaaman.

Waxan uga socdaa midowgan aan macnihiisaba heshiiska lagu ahayni sow ma aha sida Ratigaa inta wax walba gurada loo saaray oon cankii iyo baydii loo giijin dabdeedna intoo la kiciyey la damacay in uu dhaqaaqo. Kicid daayoo marka uu ruqaansadaba sow wixii korkiisa saarna dhinacyada ka daadan mayaan?

Shuruucda iyo distooraduna waa sidoo kale oo waa in sida ugu haboon loo dhammaystiraa si aan gol-daloolooyin hadhow lagu murma meesha uga soo bixin ilayn waxa la yagleelayaa waa Qaran looga golleeyahay in uu waaro oo la intifaacsado, haddii kale waa muran iyo is-maandhaaf sida hadda aynu aragno.

Sidaa darteed ayey labadii Qaran ee la damcay in la isugu qobtolo qaab guracan oon qawaaniinta dunida lagaga dhaqmo u sal-dhigi waayeen. Markay ay Soomaali Koonfureed noqotay maraboob Somaliland dacalka ka laalaada si yar oo fudud ayeynu isaga farsamayn.

Sideedaba haddii laba Qaran Midoobayaan, kan cusub ee dhaxlaya labada hore waa in laga helaa astaamihii,distooradii, shuruucdii iyo wixii heshiiso caalami mid waliba ula wadaagay dunida inteeda kale waxana si faahfaasan u qeexaya Xeer Qaramada Midoobay yaala oo la yidhaa Xeerka Heshiisayada Laba-Geesoodka ah ( UN Convention on Bilateral Agreements/Treaties.)

An mar labaad is dul taago ereyga GO'ITAAN. Ugu horeyn Somaliland dal ay ka go'ayso oo shakhsiyad qaanuuni lihi (Legal Personality) oo Jamhuuriyad Soomaaliyeed la yidhaa oo 1960 la kowsatay oo midnimo ka dhaxaysaa haba yaraatee majirto. Hal dal ayaa madaxbannani dhammeystirin helay 1960- dalkaasina waa Somaliland oo buuxisay gebi ahaanbay xxerarka caalamka lagaga dhaqmo.; ammaanadii Qaramada Midoobay dowladda Talyaanigu u maamulaysay mudada tobanka sannadood ah ee la odhanjiray Somalia may buuxin shuruudihii qarannimada (Sida Montevideo Convention on the Rights and Duties of States, signed December 26, 1933).

Ilaa maanta qarannimada ay sheegato magac-u-yaalka 'Federaalka Soomaaliya' waa tii Somaliland ee 26 jUUN, 1960. Sheegashaada wakhtigeedii wuu dhammaaday oo mid shariciyad ku salaysan ma ah; daahana weynu ka feydi dabadeedna iskuud ayey isaga huleeli iyaga oo qaawan oo mudh iyo gacan ah.


SUMADDA MAANDEEQ WAA FAR IYO LABA SHUME

Sida sooyaalka taariikhdu sugtay bishii May 2-12, 1960 waxa magaalada London ee Midowga Boqotooyada Ingriiska iyo Waqooyiga Ireland ku qabsoomay shirkii Distroorka Somaliland. Waftigii Somalilandl uga qeyb galay wuxu ka koobnaa:

  1. AHUN Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal Madaxi weftiga
  2. AHUN Xaaji Ibrahim Nuur
  3. AHUN Axmed Xaaji Ducaale
  4. Cali Garaad Jaama
  5. Maxamuud Cabdi Caraale Xog-hayntii weftiga
    Waxa xigtay Bishii Juune 23dii, 1960 war-murtiyeed ka soo baxay Aqalka Boqotooyada Ingriiska oo nuxurkiisu ahaa laga bilaabo bisha Juun 26dii, 1960 in Maxamiyada Somaliland Protecorate ee noqondoonto qaran madaxbannaan. Bishii Juun 26dii, 1960 sidaas ayey Somaliland ku noqotay dal Soomaaliyeed oo xoriyad buuxda kasbada tii ugu horeysey ka dib markii ay buuxisay dhammaan shuruuxdaha Xuquuqda Qarannimo ee Axadiga Montevideo ee dhaqan galay 26dii, 1933 oo ah sida hoos ku xusan:
  1. Lahaansho dhuleed
  2. Tiro dad ku nooshahay
  3. Leh Soohdimo cayiman (bad, Berri, iyo Cirba)
  4. Maamul dhulkiisa ka taliya
  5. Heshiisyo cid kale la gelli kara
Xoriyadda Somaliland waxa ku lamaanaa dhammaan wixi heshiis caalami aha ee Dowladda Boqortooyada Ingriisku gashay intii ay Somaliland ka talinaysay iyo horteedba laga soo bilaabo Feb 6th, 1827 ilaa June 25th, 1960. Mulkiyadda heshiisayadaa dhamman way ila manta u suganyihiin oo iska leh Jumhuuradda Somaliland ee manta jirta.
Ninkay seegtayoow maqal sir la qarinayo ma aha. Xaqa lahaanshaa dowlad la yidhaa Jamhuuriyad Soomaliyeed oo lagu wareejiyay ma jirto, sida aanay u jirin tu la yidhaa Jamhuurada Dimuqraadiga Soomaaliyeed oo kasoo farcantay Jam. Soomaaliyeed ee 1960. Kuwa ay ka mid yihiin "Transitional National Government”, "Transitional Federal Government of Somalia” iyo tan hadda heehaabaysa ee la maac baxday "Federal Government of Somalia” wuxuba waa nirgo ka tafiirmay hal asalkeedu xaaraan ahaa. Sidaa darted la ogyahay in aanay layn Waxa loo yaqaan "Shakhsiyad Qaanuni ah” ama "Legal Personality.” Iyo kuwo la yidha "Succession of States.” Sharci iyo marci kii la doonaba ha loo kitaab furo.” Waa maangade abaar ah iyo nindirri maax ka deyay!
Isla bishii Juun 27dii, 1960 Golihii Wakiilada ee Somaliland wuxu aqlabiyad ku meel mariyey xeerka tirisigiisu yahay Xeer Lambar 1 ee Juun 27dii, 1960 ee la magac baxay Xeerka Midowga Qaranka Somaliland iyo Qaranka Soomaaliya.
Haddaba ammanadii Qaramada Midoobay Talyaanigu uga wakiilka aha qaab kan Somaliland ku ka duwan oo khilaafsan shuruudihii dal qarannimo ku hanan lahaa.
  1. Ta koowaad Bishii Juun 21, 1960 sagaanshankii (90 xubnood e Glaha Wakiilada Somalia iyo labatan Soomaali ah oo lagu kordhiyey ayaa anxiyay wax lagu magacaabo "Distoorka Jamhuuriyadda Soomaaliya!”The Constitution of the Somali Republic.”
  2. Ta labaad Jamhuuriyadda Soomaaliyeed ee Dowladda Talyaanigu taajka beenta u xidhay heshiisyada caalamiga ah ee ay ku wareejisay waa inta u dhexaysa 2ndDecember 1950 ilaa 30thJuun,1960. Waxay ku koobanyihiin tobankii sannadood eek u meel-gaadhka Talyaani u xukumayay. Wixii heshiiso Dowladda Talyaanigu wakiilka uga iyaga qoran oo tiradoodu dhantahay 19 heshiis lab-geesood ayuu Talyaanigu doona in uu ku wareejiyo; hase ahata waxa loogu jawaabay in heshiisyadaa loola dhaqmi doono sida qodobka 67 ee distoorka Jamhuuriyadda Soomaaliya qeexyo.
  3. Ta seddexaad dunidu way ka warqabtaa in aanay sugnaynsoohdinta Somalia iyo Ethiopasi waafaaqsan xeearka caalamiga ah ee sohdimaha; sidoo kale Iyana soohdinta dhinac badda ee Somalia iyo Kenya iaya ma sugna oo waa taa ilaa manta laga warsugayo Maxkamadda Addunka.
  4. Sidaas ayaanay u jirin madaxbannaani ay heshay ammaanadii Talyaanigu heyay mana sheegan karto qarannimo iyo iyo dowladnimo, mar hadday buuxinweyday ugu yaraan qodobada Axdiga Montevideo ee dhaqan galay Bshii December 26th1933. Ninkii diidayoow maqal kii ay damqaysow adna badda cas biyeheeda dhanaan ka durduuro.

Fiiro gaar ah: Heshiiska Midowga Somaliland iyo Somalia ee Golihii wakiilada Somaliland anxiyayBishii Juun 27th1960 waxa ku jira qodob sheegaya in lala Midoobayo dal midaysan oo la magic bixidoona "Jamhuuriyadda Soomaaliya. Akhristoow bal iswedii in aynu qeyb ka nahay distoorka la ansixiyay Juun 21st Juun, 1960iyo kii loo ballansana in Juulay 1st 1960 lagu midoobo; iyama ayaynu ka mid noqonay? Labada midna kamaynaan midnoqon. Ciddii dacwad ka qabtaa dayax guudkiisa gantaalo ha ka soo afuufaan.

Dunidu way ka warqabtaa in soohdinta Soomaaliya iyo Ethiopia si xeerarka caalamka waafaqsan u sugna; soohdinta Soomaaliya iyo Kenya iyana si sharci ah uma sugna oo waata laga war sugayo Maxkamada Addunka.

La soco kuwa dambe waxaynu ku eegi is dhexyaacii asqadii 30thJune, 1960 iyo 1stJuly, 1960

Axmed Cali Ibrahim Sabeyse

September 7th2020.

TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
Halkan Ka Daawo: FULL BARNAAMIJ Dabaaldega Ciidanka Melateriga Ee Ku Sugan Gobolka Togdheer Oo Si Cajiiba Usoo Bandhigay Awoodooda Ciidan.
DAAWO: ABWAAN AADAN DIGAALE OO GABAYO CAJIIB AH RIRIYAY KUWAAS OO ISUGU JIRA NABADA JACAYLKA IYO ARIMO KALE WARAYSI DHEER OO LALA YEESHAY
WAREYSIYO