Thursday September 24th, 2020
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

Fanaaniin Iyo Jilaayaal Caan Ah Oo Shaaciyay Inay Joojinayaan Isticmaalka Facebook

0
Wednesday September 16, 2020 - 08:42:23 in Wararka by Burco Office 2
  • Visits: 317
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fanaaniin Iyo Jilaayaal Caan Ah Oo Shaaciyay Inay Joojinayaan Isticmaalka Facebook

    Fanaaniin Iyo Jilaayaal Caan Ah Oo Shaaciyay Inay Joojinayaan Isticmaalka Facebook

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fanaaniin Iyo Jilaayaal Caan Ah Oo Shaaciyay Inay Joojinayaan Isticmaalka Facebook

Fanaanadda caanka ah ee lagu magacaabo Kim Kardashian West iyo toboneeyo kale oo ah dad caan ah ayaa ku dhawaqay inay joojinayaan isticmaalka cinwaanadooda baraha bulshada taasi oo ay uga cabanayaan faafidda " naceybka, borabagaadada iyo wararka beenabuurka "waxaa sidaasi bayaan ay soo saartay ku sheegtay Kardashian West.

Tallabadani ayaa qeyb ka ah ololaha Jooji naceybka oo ay soo qabanqaabiyeen dadka u ololeeya arrimaha bulshada.

Dadkan caanka ah oo ay ka mid yihiin fanaaniinta iyo jilaayaasha ayaa isticmaalka baraha bulshada joojin doona muddo 24 saacadood ah maanta oo Arbaca ah.

"Iskama fadhin karo oo kama aamusi karo iyada oo shirkadaha baraha bulslahad ay aqbalayaan faafinta naceyb iyo warar been abuur ah," ayay tiri fanaanada Kardashian West.

"Wararka been abuurka ah ee lagu daabaco baraha bulshada waxay saameyn ku yeelanayaan doorashooyiinkeena islamarkana waxay minjaxabinayan dimuqraadiyadeena," ayay intaa ku dartay.

Dadka kale ee caanka ah ee aqbalay inay ka qeyb qaataan qaadacaadan ayaa waxaa ka mid ah jilaayaasha kala ah Leonardo DiCaprio, Sacha Baron Cohen iyo Jennifer Lawrence, iyo sidoo kale fanaanada Katy Perry.

"Iskama fadhin karo iyada oo barahani bulshada ay iska indha tirayaan kooxaha iyo qoraalada fidinaya naceybka iyo wararka been abuurka ah," waxaa sidaasi barteeda Instagram ku qortay Perry.

Jilaaga Ashton Kutcher, oo ay ku xiran yihiin malaayiin qof ayaa sidoo kale ka qeyb qaadanaya joojinta isticmaalka baraha bulshada isaga oo sheegay "Aaladahan looma dhisin in naceyb iyo rabshado lagu faafiyo ".

Katy Perry iyo Orlando Bloom

 

Ololaha jooji naceybka oo xarigga laga jaray bishii June, ayaa waxaa uu ku eedeeynayaa shirkadaha Facebook iyo Instagram in aysan wax ka qaban khudbadaha naceybka iyo wararka been abuurka ah ee lagu faafinayo barahani bulshada.

Shirkadda Facebook iyo shirkadda Instagram oo uu isla hal shaqsi leeyahay ayaa waxaa dhaqaala badan ka soo galaa xayiisiinada.

Sanadkii anau soo dhaafnay ayaa la sheegay in labadani shirkadooda ay heleen dakhli dhan a $70bilyan.

Madaxda shirkada Facebook ayaa waxaa ay dhankooda marar badan balanqaadeen inay wax ka qaban doonaan hadalada naceybka ah iyo wararka been abuurka ee bartaasi lagu baahiyo.


TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
Halkan Ka Daawo: FULL BARNAAMIJ Dabaaldega Ciidanka Melateriga Ee Ku Sugan Gobolka Togdheer Oo Si Cajiiba Usoo Bandhigay Awoodooda Ciidan.
DAAWO: ABWAAN AADAN DIGAALE OO GABAYO CAJIIB AH RIRIYAY KUWAAS OO ISUGU JIRA NABADA JACAYLKA IYO ARIMO KALE WARAYSI DHEER OO LALA YEESHAY
WAREYSIYO