Thursday September 24th, 2020
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

"Madaxweyne FARMAAJO Waxa Uu Sameynayo Waa Sidii Nin Gabadh Ay Kala Tageen Weli Ilmo Dhaleyso" Xasan Sheekh Maxamuud

0
Wednesday September 16, 2020 - 09:27:21 in Wararka by Burco Office 2
  • Visits: 277
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Madaxweyne FARMAAJO Waxa Uu Sameynayo Waa Sidii Nin Gabadh Ay Kala Tageen Weli Ilmo Dhaleyso" Xasan Sheekh Maxamuud

    "Madaxweyne FARMAAJO Waxa Uu Sameynayo Waa Sidii Nin Gabadh Ay Kala Tageen Weli Ilmo Dhaleyso" Xasan Sheekh Maxamuud

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Madaxweyne FARMAAJO Waxa Uu Sameynayo Waa Sidii Nin Gabadh Ay Kala Tageen Weli Ilmo Dhaleyso" Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Farmaajo in dastuurka ku xadgudbay.

Shir jaraa’id oo uu shalay galab ku qabtay magaalada Muqdisho, ayuu kaga hadlay xaaladda guud ee dalka, isagoo si gaara isu dul taagay khaladaadka dhinaca sharciga ah ee dhacayay mudooyinkii la soo dhaafay.

Xasan Sheekh Maxamuud oo xiligan kamid ah hoggaanka ugu miisaanka culus ee madasha xisbiyada qaran ee dalka, waxa uu si cad u sheegay in madaxweyne Farmaajo uu isku soo koobay dhammaan howlihii dalka ka socday.

Sida ay howlaha haatan u socdaan ayuu ku sifeeyay iney la mid tahay kali talisnimo, isagoo tusaale u soo qaatay Ra’iisul wasaare la’aanta dalka ka jirta mudo 53 maalin ah, iyadoo aan xitaa muuqan ifafaalo muujinaya iney socoto soo magacaabisteeda.

"Madaxweynuhu waxa uu sameynayo dastuurka sax kuma ahan, waxba kama duwana Madaxweynaha waxa uu sameynayo nin gabadh ay kala tageen weli ilmo u dhaleyso, xaaskii ay kala tageen oo furay asoo weli xaas ay u tahay oo kale waaye, Xukuumadda maanta jirtana waa saas, sharci maaha waa sharci darro”ayuu yidhi Xasan Sheekh.

Ugu dambeyn Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay iney dalka badbaadiyaan oo ayna ku sii eegin xaaladdan halista ah ee uu haatan ku sugan yahay, maadaama madaxweyne Farmaajo uu indhaha ka eegayo xukuumad sharci darro ah oo dalka ka jirta.


TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
Halkan Ka Daawo: FULL BARNAAMIJ Dabaaldega Ciidanka Melateriga Ee Ku Sugan Gobolka Togdheer Oo Si Cajiiba Usoo Bandhigay Awoodooda Ciidan.
DAAWO: ABWAAN AADAN DIGAALE OO GABAYO CAJIIB AH RIRIYAY KUWAAS OO ISUGU JIRA NABADA JACAYLKA IYO ARIMO KALE WARAYSI DHEER OO LALA YEESHAY
WAREYSIYO