Thursday September 24th, 2020
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

Golaha Guurtida Oo Ansixiyey Xeer Waajibinaya In Dawladdu La Wareegto Guriga Maandooriye Lagu Dhex Iibiyo

0
Wednesday September 16, 2020 - 10:04:55 in Wararka by Wariye Tiriko
  • Visits: 241
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Guurtida Oo Ansixiyey Xeer Waajibinaya In Dawladdu La Wareegto Guriga Maandooriye Lagu Dhex Iibiyo

    Golaha Guurtida Oo Ansixiyey Xeer Waajibinaya In Dawladdu La Wareegto Guriga Maandooriye Lagu Dhex Iibiyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha Guurtida Oo Ansixiyey Xeer Waajibinaya In Dawladdu La Wareegto Guriga Maandooriye Lagu Dhex Iibiyo

Xildhibaanada Golaha Guurtida Somaliland ayaa Shalay ansixiyey xeerka la’dagaalanka Maandooriyaha, kaas oo ay hore u soo ansixiyeen Golaha Wakiiladu.

Ka hor intii aan la ansixin waxa golaha ka soo jeediyey wax ka badalka iyo kaabista lagu sameeyey Xeerkan la dagaalanka Maandooriyaha, Xoghayaha Golaha Guurtida Somaliland Cabdinaasir Beegsi.

"Farqada afraad oo u dhignayd marka hore gaadiidka lagu qabto maandooriye, ee ay Maxkamadd horteed kaga cadaatay, waxa marka koowaad lagu ciqaabayaa, ganaax lacageed oo dhan boqolkiiba labatan (20%) qiimaha gaadiidka.

Marka labaad waxa la ganaaxayaa boqolkiiba konton (50%) qiimaha gaadiidka. Marka Saddexaadna waa lala wareegayaa.”

Sidaasi ayuu u dhignaa qodobku balse waxa loo kala qaaday markii dambe; farqadaasi afraad laba farqadood oo u dhigan (b) gaadiidka dalka soo galiya maandooriye nooc kasta oo uu yahayba mid dhul, cir ama bad, ee ay maxkamadd horteed kaga cadaato, waxa marka koowaad lagu ciqaabayaa ganaax lacageed oo dhan boqolkiiba konton (50%) qiimaha gaadiidka, marka labaad waa lala wareegayaa gaadiidkaa.

Farqada labaad (t) waxay noqotay gaadiidka dalka gudihiisa lagu qabto ee ay maxkamad horteed kaga cadaatay waxa lagu ciqaabayaa ganaax lacageed oo dhan boqolkiiba labatan, marka labaad boqolkiiba konton marka saddexaadna waa lala wareegayaa.”

Xeerka la dagaalanka Maandooriyaha ayaa waxa kale oo uu dhigayaa in Guryaha lagu iibiyo Maandooriye lala wareegayo hadday Maxkamad horteed ka Cadaato.

 


TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
Halkan Ka Daawo: FULL BARNAAMIJ Dabaaldega Ciidanka Melateriga Ee Ku Sugan Gobolka Togdheer Oo Si Cajiiba Usoo Bandhigay Awoodooda Ciidan.
DAAWO: ABWAAN AADAN DIGAALE OO GABAYO CAJIIB AH RIRIYAY KUWAAS OO ISUGU JIRA NABADA JACAYLKA IYO ARIMO KALE WARAYSI DHEER OO LALA YEESHAY
WAREYSIYO