Thursday October 29th, 2020
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

BUDHCADA BOOBKA CAADAYSTAY IYO CABASHADA DADWEYNAHA

0
Friday October 09, 2020 - 09:43:12 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 159
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    BUDHCADA BOOBKA CAADAYSTAY IYO CABASHADA DADWEYNAHA

    BUDHCADA BOOBKA CAADAYSTAY IYO CABASHADA DADWEYNAHA

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

BUDHCADA BOOBKA CAADAYSTAY IYO CABASHADA DADWEYNAHA
Waxaaan Ka Mid Ahay Dadka Muwaadinka Ee Kasoo Guryo NoqdayWadanka Debadiisa,Sanadkii Ugu Danbeeyay Waxaan Deganaa MagaaladaHargeisaOo Aan Aan Ganacsiyo Kala Duwan Ka Sameeyay.

Badiyaa Waxa Ii Caado Ah In Habeenkii Kolka Aan Tago Guriga Aan Deganahay, Aan Kaga Soo Tago Baabuurkayga, Kadib Waxaan Usoo Lugeeyaa Dhanka Dhaadhaca Hoose Ee Suuqa Ilaa Agagaarka Masjidka Cali Mataan,Halkaas Oo Aan Kadib Socdaal Danbe Ka Bilaabo Si Aan Toos Xaafadaydii Oo Ku Taalla Xawaadle Ugu Hoydo,

Taasi Waxay Ii Noqotay Balwad Ama Caado Habeen Kasta Oo Aan Fursad Haysto,Maxaa Yeelay Waxaan Ka Dhigtaa Jimicsi Maadaama Aan Maalintii Inta Badan Ku Socdo Baabuur.

 

Hadaba Waxaa Ayaan Darro Ah In Mudadaasi Sanadka Ah Habeen Kasta Oo Ka Mid Ahaa Aan Kula Kulmo Jidkaasi Oo Isagu Ah Kani Ka Bilowda Goobtii Flimada Ee National Senimaha Loo Yiqiinay Isla Markaana Taga Radio Hargeysa, Dhacdooyin Aad Iyo Aad U Argagax Badan Oo Sida Loo Rumaystaa Ay Aad U Adag Tahay.

 

Waxyaabaha Jidkaasi Ka Dhaca Oo Aan Filayo In Aanay La Qabin Qaybaha Kale Ee Magaalada Waxa Ka Mid In Tacadi Iyo Dhibaato Weyn Ay Ka Geystaan Koox Budhcad Dhalinyaro Is Kaashatay Oo Dhac Iyo Boob Joogto Ah U Geysta Dadwaynaha Jidkaasi Lugaynaya Ama Gaadiidka Saaran,

Iyadoo Budhcadaasi Dhalin Yarada Ahi Qofka Lugaynaya Khaastan Haweenka Ka Boobayaan Mobilada Iyo Waxyaabaha Kale Ee ay Sitaan,Halka Kuwa Gaadiidka Saaran Siiba Kolka Baabuurku Ku Socdo Speedka Gaaban Ay Dhac Iyo Boob, Kaasi La Mid Ah U Geystaan,Waxa Uu Qofku Sitana Ka Dhuftaan,Ka Dibna La Fakadaan.

Badiyaa Hawenku Ma Helaan Cid ka Caawisa dhibaatadan, Halka Ragga Laftigoodu Inta Uu Joojinayo Baabuurka Tuugadu la dhacmaan Wixii Ay Ka Qaateen,Waxaanay Tuugadu Inta Badan Isu Qaybiyaan Dhawr Qof Oo Midkoodba Dhinac U Ordo,Taasi Oo Sababta, In Qofkii Daba Ordayay Ee Wax Laga Qaatay Kala Garan Waayo Kan Uu Yahay Tuugii Wax Ka Boobay Iyo Dhanka Uu U Orday,

Tusaale Ahaan Sadexdii Habeen Ee Ugu Danbeeyay Waxaan Kula Kulmay Laba Gabdhood Iyo Wiil Dhalin Yaro Oo Jidkan Lagu Dhacay,Dadkuna Ku Buuqsan Yahiin.

Labada Gabdhood Waxa La Ii Sheegay Inay Mid Kastaaba La Socotay Baabuur Gooni Ah ,Oo Laga Dhuftay Mobile Qaali Ah,Halka Wiilkuna Uu Socod Lug Ah Ku Marayay Jidkaasi,

Dadkii Goobta Joogay Waxay Noo Sheegeen Isla Goobtaasi Oo Ah Inta U Dhaxaysa Isbitaalka Xayaat Ilaa Traffic Lightska In Saacado Ka Hor Boob Loogu Geystay Sidani Oo Kale, Afar Haween Haween Ah, Oo Midkood Ilmo Yar Gacanta Hayso, halka labo ka mid ahi baabuur la socdeen Lagana Qaatay Mobilo Qaali Ah,sidaasna ay Tuugadii Kula Tagtay.

In Kasta Oo Sida La Ii Sheegay Cabasho Badan Dadweynuhu Ka Gaadhsiiyeen Ciidamada Ammaanka,Waqtiyo Kala Danbeeyay Oo Ku Siman Ilaa Waagii Xukuumadii Hore,Hadana Mar Qudha Maysan Dhicin In Ciidanka Amnigu Wax Tallaabo Ah Ka Qaadaan Budhcadda Dhibka Joogtada Ah Ka Geysata Jidkaasi.

Arrinta Kale Ee La Yaabka Lehi Waxa Weeye Sida Aanay Wax Gacan Ah U Siinin Qofka Halkaasi Lagu Dhaco, Shacbiga Ku Sugan Amaba Ka Ag Dhow Goobahaasi.

Khaastan Raggii Oo Dhooban Dariiqa Ayaan Wax Caawimo Ah Siinin Haweenka La Boobayo,Umana Qabtaan Tuugga, Balse Taasi Lidkeeda Waxay Dhacdada Ka Noqdaan Daawadayaal,Aniguse Waan Ka Geystay Intii Karaankayga Ah Xilliyo Aan Kusoo Beegmay Xaaladaas Iyadoo Aan Hal Waqti Nasiib Wanaag Ku Guulaystay Inaanu Qabano Tuuga Kana Qaadno Mobilkii Uu Ka Dafay Gabadha.

(Ummad Aan Isu Naxariisan Allena Uma Naxariisto)

Xilliyada Qaarkood Waxaad Arkaysaa Tuugtii Oo Sii Ordaysa, Haweenkii Wax Laga Qaatayna Goobta Ka Muusanaybayaan, Askari Wadada Ku Lugaynaya Oo Halkuu Baacsan Lahaa Budhcadii Horay Socodkiisa Isaga Sii Wadanaya,Oo Aan Danba Ka Lahayn,Isagoo Aad Mooddo Inuu Aaminsan Yahay Haddii Aan Madaxdaadii Ku Arkaynin Maxaa Ku Gelinaya Mashruucaasi.

Goobtan Ehelka U Noqotay Dhaca Iyo Boobka Dadweynaha Ayaa Dhacda Xuddunta Ama Badhtamaha Caasimada,Kaaga Sii Darane Waxa Qadar Aan 500 Oo Talaabo Ka Badnayn U Jira Saldhigga Dhexe Ee Hargeysa, Hadaba Sidaasi Awgeed Ma La Odhan Karaa Waxay Fashil Iyo Weji Gabax Ku Tahay Ciidanka Amniga Khaastan Poliiska Oo Ka Gaabiyay Waajibaadkii Amni Ee Ay Masuulka Uga Yihiin Shacbigooda, Mase Noqon Kartaa Tu Su’aal Gelin Karta Hadiiba Xaalka Badhtamahii Caasimadu Caynkaasi Tahay Amniga Shacbiga Xaafadaha Darafyaduna Toloow Maxay Noqoni.

si kastaba ha ahaatee pooliska somaliland waxaa la gudboon inay qaadaan hawlgal ay wax kaga qabanayaan dhibaatada barriisatay bulshada caasimada gaar ahaan goobahaasi aanu sioo tilmaanay taliyaha booliska somaliland oo mudadii uu xilka hayay muujiyay dedaal muuqda oo la taaban karo ayaa dadwaynuhu si mug leh uga dhowrayaan inuu boobkaasi soo afjaro,isla markaana gacanta lagu soo dhigo tuugada caadaystay boobka ummadda hantidii budhcadaasi ka dhacday dadwaynaha.

 

Cabdi Xasan Idiris (muruq) Hargeysa



 
 
 
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
Halkan Ka Daawo: FULL BARNAAMIJ Dabaaldega Ciidanka Melateriga Ee Ku Sugan Gobolka Togdheer Oo Si Cajiiba Usoo Bandhigay Awoodooda Ciidan.
DAAWO: ABWAAN AADAN DIGAALE OO GABAYO CAJIIB AH RIRIYAY KUWAAS OO ISUGU JIRA NABADA JACAYLKA IYO ARIMO KALE WARAYSI DHEER OO LALA YEESHAY
WAREYSIYO