Thursday October 29th, 2020
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

Muuse Biixi oo Soo -dhawayn Lagaga Hortegayo "isla Goobtii uu Ka Celiyey Ugaas DOODI,Iyo Dareenada Ku Xeeran

0
Friday October 09, 2020 - 23:54:34 in Wararka by Wariye Tiriko
  • Visits: 1295
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi oo Soo -dhawayn Lagaga Hortegayo "isla Goobtii uu Ka Celiyey Ugaas DOODI,Iyo Dareenada Ku Xeeran

    Muuse Biixi oo Soo -dhawayn Lagaga Hortegayo "isla Goobtii uu Ka Celiyey Ugaas DOODI,Iyo Dareenada Ku Xeeran

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muuse Biixi oo Soo -dhawayn Lagaga Hortegayo "isla Goobtii uu Ka Celiyey Ugaas DOODI,Iyo Dareenada Ku Xeeran Muddo bil ah baa laga joogaa maalintii Ugaaska Guud ee Beelaha Gadabuursi Ugaas Cabdirashiid Ugaas Dooddi loo diiday inuu
Gadabuursiga Somaliland booqdo, islamarkaana loo adeegsaday rasaas iyo ciidanka qaranka oo isku dayay inay toogtaan balse ay ciidamada Ethiopia badbaadiyeen.

Muddo bil ah ayaa laga joogaa wakhtigii uu madaxwaynihii hore ee Somaali land mudane Daahir Rayaale Kaahin ugu baaqay Madaxwayne
Muuse Biixi inuu raalligalin ka bixiyo weerarkii iyo bahdilaaddii ugaaska Gadabuursi. Haseyeeshee Muuse waxba kamuu soo qaadin baaqii

Rayaale. Taa baddelkeeda waxa uu usoo diray nin kaari ka ahaan jiray suuqa gawaadhida Hargaysa oo si darbi jiifnimo ah u aflagaadeeyay
madaxwayne Rayaale.

Qiyaas ahaan labo bilood ayaa laga joogaa ku dhawaaqistii kacdoonkii Awood qaybsiga ee ka hirgalay gobollada galbeedka, iyaga qudhooda
dhegahaa laga furaystay oo iyada oo xildhibaannadoodii golayaasha Barlamaanka iyo Guurtida ka maqanyihiin ayaa la ansixiyay inaan loo
joojin doonin.


Weli taariikhda may dhicin in beel Soomaaliyeed loo diido Ugaaskooda, oo ay weliba beel kale oo la mid ahi u diiddo, iyaga oo arkayana ku hor
rasaasayso, waana waxa uu Madaxwayne Rayaale ku tilmaamay "dhacdo ugub ah" iyo "jid aan bannaanayn".

Si kastaba ha ahaatee, Ugaas Rashiid waxa loo cuskaday celintiisa, digniin ay qoreen rag ay ka midyihiin Suleimaan Axmad Guuleed iyo
madaxwayne xigeenkii hore Cabdiraxmaan Aw Cali oo isla maalmihiiba kalyuhu fadhiisteen kadibna loola cararay dalka dibaddiisa. Ugaaska waxa lagu shaabbadeeyay inuu yahay argagixiso nabad diid ah oo qas iyo rabshad u socda' laakiinse taasi marmarsiinyo u noqon mayso qof
Soomaali ah oo dhaqan yaqaan ah, dawlad iyo madaxna warkeeda reeb.
Iyada oo waxaasoo dhan la ogyahay, welina aan laga heshiin , ayaa waxa maanta Borama laga qabanqaabinayaa soo dhawayn ballaadhan oo loo
samayn doono Madaxwayne Muuse Biixi oo aan weli raalligelintii Rayaale ka dalbay bixin, tabashooyinkii reer Galbeedkana kaga jawaabay
xaqiraad iyo iska indho tir.

Madaxwayne Muuse waxa laga hayaa "Samaroontu way kibirtay waxba kama maqna, haddii ay iswaalaanna dalku ciidan buu leeyahay", Taasoo
ka dhigan xasuuqaan u cusboonaysiin.

Gadabuursiga oo ah beesha qudha ee Soomaaliyeed ee aan makhaayadaha iyo goobaha furan ka xafiiltamin, loona yaqaan beel la
haysto ayaa muddo 30 sannadood ah ku hoos jirta taliska beesha Isaaq oo ku maamula siyaasaddii gumaysiga laga dhaxlay ee (Qaybi oo xukun).

Isku soo wada duuboo, booqashadan daandaansiga ah yaa ammaankeeda sugaya? Kumannaan dhallinyar ah oo Ugaaskoodii lagu
hor toogtay, kacdoonkoodiina la yasay, Haddii ay falcelin sameeyaan yaa
u babac dhigi kara?

Reer Awdal way ka ilbaxeen wasiirro loo soo diro oo yidhaahda jilibkeenna ayaa Hargaysa laga jecelyahaye an is muujinno, waxana la
sheegayaa in guux badan oo dhinaca dhallinyarta ahi jiro, lagana cabsi qabo in la carqaladeeyo booqashada madaxwayne Biixi oo wakhti
xasaasi ah ku soo beegmaysa.



-----------Dhammaad----------- -
 

TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
Halkan Ka Daawo: FULL BARNAAMIJ Dabaaldega Ciidanka Melateriga Ee Ku Sugan Gobolka Togdheer Oo Si Cajiiba Usoo Bandhigay Awoodooda Ciidan.
DAAWO: ABWAAN AADAN DIGAALE OO GABAYO CAJIIB AH RIRIYAY KUWAAS OO ISUGU JIRA NABADA JACAYLKA IYO ARIMO KALE WARAYSI DHEER OO LALA YEESHAY
WAREYSIYO