Thursday October 29th, 2020
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

Saylici Miyuu Fahmay Shaxda Mise Muuse Waa uu Muquuniyay?

0
Thursday October 15, 2020 - 19:14:54 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 225
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saylici Miyuu Fahmay Shaxda Mise Muuse Waa uu Muquuniyay?

    Saylici Miyuu Fahmay Shaxda Mise Muuse Waa uu Muquuniyay?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saylici Miyuu Fahmay Shaxda Mise Muuse Waa uu Muquuniyay?
Sida aynu ka wada dharagsanahay waxaa muddo soo jiitamay is qabqabsi ku saabsanaa cidda noqonaysa gudoomiyaha afraad ee Xisbigga Kulmiye malaha iminka waxa uu noqday Xisbiga Firdhiye e` taasi oo ay fooda isku dareen Wasiir
Saajin iyo Madaxwayne ku xiggeenka Saylici. Kuwaasi oo ka wada yimi Gobolka Awdal hase ahaatee loo maaro waayay muddo kadib markii ay dhex galeen cid
kasta oo la filayay inay soo af-jari karto murankaas. Murankan ayaa halka uu ku sal lahaa la fahmi waayay iyadoo uu dad badani ka diimoon yihiin.. Waxaase aakhirkii tanaasul sameeyay ama lagu qasbay inuu tanaasul sameeyo Saylici oo aanan ogayn inuu khiddada fahmay iyo inuu u baqday Kursiga Madaxwayne ku xigeen oo uu is yidhi kaagan uun ka laalaad yaan laguugu iman oo aan lagu odhan waxaa lagu
tartamayaa Madaxwayne ku xiggeenimadda lafteeda.


Haddaba aan isku dayo inaan iftiimiyo bal waxa murankan dheeraaday dhaliyay iyo cidda daaha dabadiisa ka hagaysa. Arinkaas oo laga yaabo inaanu wax tibaaxa ka hayn Madaxwayne ku xiggeenka laftiisu oo ay ka diimoon tahay.
 
 
Waxaa arrinkaa hoosta ka hurinayay oo dabka hoosta ka shidayay Madaxwaynaha aan la mahadin waa Muuse Biixi Cabdi (Dameere) iyadoo uu xanbaarsanaa Wasiir Saajin. Muuse ayaa sabab u ahaa murankaas dabada dheeraaday, isaga ayuun baa
na go’aamiyay in Kursiga Saylici ku fadhiyay ee Gudoomiyaha Afraad lagu tartamo kuwa kalena aan la taaban ee ay sidaa iska ahadaan. Taladiisu waa la
Jiifiyaana banaan la joojiyaana banana.

Shaxdan uu Muuse ciyaarayaa waa mid aad u balaadhan. Waa qorshe dheer oo ka duulaya in meel kasta oo shilling ka so baxayo, lehna macaash cudoon hadii ay noqoto TV, shidaal, Dhul iyo meel kasta oo il dhaqaale leh ay soo hoos gasho oo ay gacanta ku dhigaan reer Muuse Biixi. Wasiir Saajin ayaa isaguna ah wakiilka Muuse
u qaabilsan baayacmushtariga xaraanta ah ee ay Muuse iyo qoyskiisu u soo tafaxayteen. Meel kasta oo il dhaqaale leh uma aabbo yeelayaan wax kale oo kasta dal iyo dad Saajinna waa gacan yaraha hawlahaa fududeeya.Waxaana la odhan karaa waa Wasiir fududeeyaha arrimaha baayacmushatri ee qasabka ah ee qoyska reer Biix Cabdi Dameere loona wado Madaxwayne ku xiggeenka mustaqbalka
Kulmiye ama firdhiye doorashadda danbe haddiiba uuku guulaysto. Wasiir saajin waa fududeyaha hawlaha ganacsigaa qasab ku macaash ka ah ee
Muuse, rumayso ama a harumaysan. Mana laha raganimo uu wax ku diido. Arinkan saylicina isaga ayuun baa faray oo ku yidhi cumaha iska laalaadi. Arinkiiba waxa uu ku soo ururay xilahaaga soo kaxayso sidii oo aan maamul iyo dawladi meesha ka
jirin waar hablo ayaa la is waydiisanayaa mmeday dawladnimaddii Somaliland ee la soo dhisayay mudada 30 sanno ahayd ka hor intii anuu Saylici ku dhawaaqin intii uu
is dhiibay.

Inkastoo uu adeedsaday erayga ah inuu tanasulay, runtuse waa in la muquuniyay oo uu is yidhi waar bal kursigaagan uun ku mitid hadiiba lagugu nabad galiyo. Halka uu Saajin afgobaadsi been ah inoo akhriyay sida waa odaygaygii oo aan deegaaan ka
soo wada jeedno iyo hadalo aan nuxur badan lahayn. Isku soo wada xooriyoo halka loo wado saajin waa Madaxweyne ku xigeen inuu u
noqdo Muuse Biixi term ka labaad. Waa hadiiba ay dhacdo oo uu ku guulaysto uma
eega oo indhaheedii ma laha e’ Waxaan jecelahay inaan maqaalkan ku soo ururiyo in hadii uu jarta fahmay Saylici
iyo haddii kale ba lagu tashaday in loo boqro Saajin inuu noqdo Madaxwayne ku xiggeenka Muuse Biixi Cabdi (Dameere) doorashadda soo socota haddii ay ku guulaystaan iyo in birta la sii waydaariyo Saylici. Saajin hawl wayn ayuu u hayaa
muuse waana boqrnaha Biixi ee Madaxwayne ku xigeeenkiisa termka labaad iyo fududeeyaha hawlahaa baayacmushtar qasabka ah ee qoyska reer Biixi Cabdi Dameere ku foogan yihiin hadda ee ahayd wixii uu mudada dheer inoogu sheekaynayay waxaan uga mid ahaa SNM inaan soo celiyo gobanimaddii ka luntay dadka reer Somaliland 60 sanno ka hor taasi oo noqotay taa Dameero loo sheeg.

Qore: Cabdi Muxumed
cabdimuhumed60@gmail.com
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
Halkan Ka Daawo: FULL BARNAAMIJ Dabaaldega Ciidanka Melateriga Ee Ku Sugan Gobolka Togdheer Oo Si Cajiiba Usoo Bandhigay Awoodooda Ciidan.
DAAWO: ABWAAN AADAN DIGAALE OO GABAYO CAJIIB AH RIRIYAY KUWAAS OO ISUGU JIRA NABADA JACAYLKA IYO ARIMO KALE WARAYSI DHEER OO LALA YEESHAY
WAREYSIYO