Thursday October 29th, 2020
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

Sababihii Burburka Libya & Danaha Quwadaha Iskuhaya

0
Thursday October 15, 2020 - 19:18:39 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 141
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sababihii Burburka Libya & Danaha Quwadaha Iskuhaya

    Sababihii Burburka Libya & Danaha Quwadaha Iskuhaya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sababihii Burburka Libya & Danaha Quwadaha Iskuhaya
Libya waa wadan dhaca waqooyiga Africa, waana wadan uu Alle ku manaystay keydka shidaalka 4aad ee ugu badan Africa iyo kan 10aad guud ahaan aduunka. Dalkan ayaa sidookale xuduud xaga badda Mediterranean-ka kala leh qaaradda Yurub taasoo sahashay
xiriir dhaqaale dhow oo dhexmara Libya iyo Yurub.

Waxii ka horeeyey kacdoonkii gu’ga Carbeed 2011-kii, Libya waxay aheyd wadan ka amni iyo nolol wanaagsan waqtigan. Kacdoonkii meesha looga saaray hogaamiyihii waqtiga dheer
xukumayey dalkaas ee Qaddafi ayaa siyaasad ahaan kayara duwanaa kuwii kadhacay wadamada kale. Arrintaan ayaa waxaa loo sababeyn karaa galaangalkii siyaasadeed ee Qaddafi kulahaa gobolka iyo guud ahaan aduunka, erayadiisii qayaxnaa ee kuwajahnaa wadamada khaliijka iyo reer galbeedka, taageeradiisii jabhadihii hubeysnaa ee kajiray gobolo farabadan oo caalamka ah, balaarintii shirkadda shidaalka Oil-Libya oo meesha kasaartay shirkaddo reer galbeed ah oo waaweyn iyo hankiisii ahaa inuu dhiso hal dowlad oo ay Afrika
kumideysan tahay.


Kadib dagaal qaraar oo ugu danbeyn lagu qaarijiyey Qaddafi, waxay inta badan dadku ku wareersan yihiin waxa ku dhowaad 10 sanno kadib Libya ka hortaagan hankii ahaa inay
helaan hanaan dowladnimo oo ku asteysan dimuquraadiyad oo asal u aheyd kacdoonkii meesha looga saaray Qaddafi. Hadaba, si aan u helno jawaabta arrintaas, aan markahore
cadeyno taariikhda soojireenka ah iyo gacmaha ku-kulmay Libya.
1. Saameyta xukunkii milatariga: Bulshada reer Libya oo waqtidheer kuhoos jiray hanaan kaligii talis ah, taasoo sida caadiga ah keenta inay dadku kala saari waayaan wadaniyadda, dal jaceylka, waajibaadka muwaadinnimo, taageerrida iyo mucaaradida
dowladda ama hogaamiyaha dalka ay tahay in loo muujiyo oo ugu danbeyn horseeda inay dadku u fahmaan in dalkaba ay dowladda oo kaliya leedahay ayaddana laga doonayo difaaca iyo hormarintiisa. Arrintaan ayaa sidookale keenta in muwaadiniinta
dalka markii ay waayaan fursad kale oo ay uga qeyb-qaataan talooyinka iyo isbadalka siyaasadeed ee dalkooda ay ka doonayaan inay marka danbe sahasho inay raadiyaan fursad kasta oo ay meesha uga saari karaan xukuumada ayagoo ay ku adkaato inay
kala gartaan shisheeyaha iskugu dhiibaya dabka ama caanaha iyo inay si maskax kujirto u falanqeeyaan u jeedka ay ajaanibta garbaha uga jirta ka leeyihiin dalkooda.
2. xiriirkii soojireenka ah ee Libya & Faransiiska: France waa wadan taariikh gumeysi oo mugdi ah kuleh qaaradda Africa, waana wadan had iyo goor ku xisaabtama dhoofsiga halka dhinac ah ee kheyraadka Africa ayagoo taageero u fidiya
madaxda dalalkii uu gumeystay ee fulisa awaamiirtooda islamarkaana hadii loo baahdo xilka katuura kuwa kasoo horjeesta damacooda.

 Inkastoo aysan Libya kamid aheyn wadamada uu Faransiiska guumeystay, hadana xiligii Qaddafi waxaa jiray xiriir aanan fadhin oo kuqotamay
dhaqaalaha, siyaasadda iyo amniga. Xiriirkan oo soomaray marxaladdo kaladuwan ayaa mugdi galay xiliyo ay kamid aheyeen dagaalkii sokeeye ee
dalka Chad 1980-kii oo ay Faransiiska iyo Libya lakala safnaayeen dhinacyadii iskuhayey awooda dalka Chad.
 Sidookale burburkii diyaaradii UTA-772 Flight ee 1989-kii ay kunaf-waayeen
170 qof oo 54 kamid ah ahaayeen muwaadiniin Faransiis ah taasoo sababteeda dusha looga tuuray dalka Libya oo markii danbe aqbashay
masuuliyadeeda ogolaatayna inay magdhow siiso dhamaan ehaladii dadkaas.
 Laakiin khilaafka ugu darnaa labada dhinac waxuu soo bilowday talaabadii 2008-kii Qaddafi ku balaariyey shirkadda shidaalka OIL-Libya taasoo si
dhaqso ah ugu fiday kudhawaad 20 dal oo Africa ah, arrintan oo qalqal- galisay ama meeshaba kasaartay shirkadihii waaweynaa ee wadama reer
galbeedka sida Shell, Exxon-mobil iyo Total oo laga leeyahay Faransiiska.Taalabadaan ayaa Faransiiska kunoqotay dharbaaxo lama filaan
ah oo dhanka dhaqaalaha ah.
 Faransiiska waxaa walwal xoogan ku hayey oo arrimahan barbar socday damicii iyo ololihii waqtiga dheeraa ee Qaddafi kudoonayey inuu kudhiso
‘Africa yeelata hal dowlad’ taasoo ka xoog iyo saameen badan Afrikada
maanta jirta. Midow Africa oo u sameysan qaabka Midowga Yurub kaasoo dadka iyo dhaqaalaha Africa iskaga kala-gooshaan xuduudaha qaaradda
ayadoon laweydiinayn dalkugal iyo canshuur intaba. Waxaan sidookale meesha kamarneyn yadidiilo ah dhisida Bangi-dhexe oo maalgalin kusameeya
mashaariicda Afrika taasoo horseedi karta kobac dhaqaale.
 Qaddafi ayaa sidookale lagu sheegaa inuu kudhex-milmay siyaasadda dalka
Faransiiska kadib lacago uu amaahiyey ololihii doorashada madaxweynihii
hore Nicolas Zarkozy oo tan iyo waqtigan ay dacwadeedu socoto, arrintaan oo ka careysiisay xisbiyadda iyo musharixiinta kale ee dalkaas.
 Wadarta arrimahaan is biirsaday ayaa Faransiiska aad u taabtay maadaaama uu xiriir toos ah la leeyahay 14 dal oo kamid ah wadamadii uu horey u
gumeystay ee Africa iyo wadarta 29 dal oo kamid ah wadamada kuhadla luuqada Faransiiska ee lagu magacaabo Franco-phones taasoo keentay inuu
maleego qaabkii looga taqalusi lahaa Qaddafi.
 Qaddafi oo markiisii horeba ay dowladaha reer Galbeedku qatyaan kutaag-
naayeen kadib damaciisii ahaa inuu sameysto hubka Nuclear-ka, taageeradii uu siinayey jabhadaha sida Tuareg oo diidan tamarta dhulkooda ka daabulo
Faransiisku, Farc Rebels oo xiligaas laf-dhuungashay kunoqday dowlada Mareykanku taageero ee Colombia, IRA oo dhaq-dhaqaaq hubeysan kawaday
waqooyiga Ireland ee cariga Britain, kooxihii xornimo doonka Falastiin iyo South Africa iyo kuwa kale. Waxaan meesha kamarneyn eedihii diyaaradii ku
burburtay Scotland 1988-kii ee Pan-Am Flight oo sababteeda cunaqabateyn mudo dheer socotay kadib uu aqbalay masuuliyadeeda wallow siday dad

badan rumeysan yihiin ujeedku ahaa sidii uu uga tanaasuli lahaa damaciisa hubka Nuclear-ka, taasoo ugu uu ku badashay in laga qaado cunaqabateynta.
 Shirqoolkii mudada dheer la doonayey in meesha looga saaro Qaddafi waxaa hirgaliyey kacdoonkii hubeysnaa ee ciidamadiisa iyo dad shacab u badan ay iskaga hor imaadeen 2011-kii, taasoo durbadiiba Faransiisku kuqaaday
duqeyn xaga cirka ah oo markii danbe loogaliyey shaati ururka NATO ah laguna burburiyey ciidamadii, hubkii iyo saadkii ciidamada Qaddafi ugu
danbeyna lagu qaarijiyey.

Libya-da maanta
Libya maanta waa wadan uu amnigiisa iyo dhaqaalihiisu aad u liito aysana kamuuqan ifafaalo uu waqti dhow kusoo kaban karo. Libya oo sidaan soo sheegnay leh keydka shidaalka 4-aad ee Africa iyo midka 10-aad guud ahaan Aduunka awoodna u laheyd
dhoofinta in kabadan 1.6 million fuusto oo saliid ah maalin kasta waxii ka horeeyey kacdoonkii lagu riday Qaddafi, maanta waxay xarumihii ganacsiga, waxbarashada
iyo caafimaadka u xiranyihiin koronto la,aan ay sabab u tahay gabaabsiga shidaalka. Hadaba, arrintaan ayaa loo sababeynayaa fashilka kuyimid kacdoonkii lagu tuuray Qaddafi iyo danaha is diidan ee wadamadii hogaanka u qabtay siyaasadda dalkaas.
Siyaasadda Libya waxaa waqtigan horboodaya oo isku hardinaya jeneral Khalifa Haftar oo waqtigan gacanta kuhaya bariga iyo qeybo badan oo kamid koonfurta,
halkaasoo ah goobaha ugu badan keydka shidaalka Libya asagoo taageero kahelaya wadamada iskutaga Emirate-ka, Masar, Russia iyo Faransiiska. Dhanka galbeedka Libya oo ay kutaalo caasimada dalka ee Tripoli waxaa gacanta kuhaya dowladda
Qaramada Midoobay aqoonsan tahay oo uu hogaamiyo Raysul-wasaare Fayez al-
Sarraj oo garab kahelaya dowladaha Turkey-ga, Qatar iyo Talyaaniga. Hadaba waa maxay danaha wadamadaan ka leeyihiin Libya?
 UAE waa dal horumar muuqda kasameeyey waxsoosaarka saliida iyo dhanka ganacsiga, gaar ahaan dhanka dekadaha taasoo ka badbaadisay saameyntii
sicirka saliida kuyeeshay wadamada saliida hodanka ku ah sida dhigooda S. Arabia. Wadanka Emirate-ka oo aan waxii ka horeeyey kacdoonkii ka curtay
wadamada Carabka aanan looga baran faragalinta qaawan ee arrimaha
siyaasadda, milatariga iyo dhaqaalaha ayaa dardar culus lasoo baxay ayagoo garabsanaya dalka S.Arabia. Arrintaan ayaa loo sababeynayaa damaca
fashilin lagu sameeyo dareenkii isbadal doonka siyaasadeed ee ay ku haminayeen da,yarta dalalka Tunisia, Masar, Libya, Syria iyo Yemen.
Xulufadda ay horkacayaan Emirate-ka iyo S.Arabia oo cabsi ka qaba inay kusoo fidaan isbadal-doonka siyaasadeed ayaa durba ku guuleystay inay
fashiliyaan kacdoonkii dalal Masar, Yemen, Libya iyo kan ugu danbeeyey ee Sudan. Cabsida ugu weyn ee Emirate-ka iyo S.Arabia ayaa ahaa awooda iyo
abaabulka uu xisbiga Aqwaanul-Muslimiin ka lahaa kacdoonka Carabta oo uu

kala dhexeeyo khilaaf soojireen ah. Xulufadaan ayaa sidookale shaki weyn ka qaba dowlada uu hogaamiyo Fayez al-Sarraj oo lagu xanto inuu gacansaar la
leedahay xisbiga Aqwaanul-Muslimiin.
 Russia: UAE ayaa faragalinta Libya la kaashanaysa dalka Russia oo kamid ah wadamada codka qayaxan ee Veto-ga kuleh Qaramada Midoobay kasoo
hadii loo baahdo hor-isaagi kara warbixinada xad-gudubka xaquuqul insaanka iyo mida cunaqabateynta hubka ee kuwajahan xulufadan islammarkaana
qudhiisa suuq dhanka hubka ah kadhex arka dagaalka Libya. Howl-galkaan waxaa si gaar ah Russia ugu qaabilsan kooxda Wagner Group oo ah koox
sigaar ah u abaabulan oo fulisa danaha militariga arrimaha dibada Russia
horeyna ugasoo howl-galay dalalka Ukrain iyo Syria.
 Masar oo xuduud dheer lawadaaga Libya farahana kula jirta arrimaha Libya ayaa waxaa ka arrimiya Cabdul-Fatah Al-sisi oo garab istaag siyaasadeed iyo
mid dhaqaale ka helayey UAE iyo S.Arabia tan iyo xiligii uu afganbiga ka dhacay Masar oo qudhiisa cabsi ka qaba xanta xiriirka la tuhunsan yahay inuu
kadhexjiro Aqwaanul-Muslimin iyo dowlada Fayez al-Sarraj. Al-sisi ayaa bishii June ee sanadkan ku goodiyey inuu diyaar u yahay weerar dhanka
militariga oo uu kaga hortago dowlada Libya iyo Turkey-ga hadii uu weerarkeedu soogaaro magaalada Sirta oo uu ku tilmaamay qad-cas, taasoo
aheyd kaarkii ugu danbeeyey ee laga filan karay xulufada ay horkacayso UAE, islamarkaana hakisay is balaarintii dowlada iyo dhigooda Turkey-ga.
 Faransiiska oo ujeed dhaqaale oo dhanka shidaalka ah ka leh Libya ayaa jeneral Xaftar ka caawinayey dhanka tababarka iyo saadka tan iyo 2015-kii.
Dalalka ku bahoobay NATO ayaa aaminsan in doorka Faransiiska ee Libya
uu baalmarsan yahay siyaadda NATO maadaama uu si shaqsi ah u kaashanayo Russia halkii ay aheyd inuu lasocdaa xulufadda NATO. Dalka
Talyaaniga oo ah dalkii gumeystay Libya ayna tahay in looga danbeeyo shaxda siyaasadda Libya sida looga bartay gumeystihii reer Yurub marka
faragalin lagu sameynayo dalalkii la gumeystay ayaa aad uga carooday hab dhaqanka Faransiiska maadama uu baalmarayo hab dhaqan hoosaadka Yurub.

Faransiiska oo fashil kala kulmay guuldarada Xaftar ayaa caro kala dul dhacay Turkey-ga asagoo waqtigan dagaalka u weeciyey dhanka badda
Mediterranean iyo xulufeysi ka kooban France, Israel Cyprus iyo Greece.
 Turkey-ga oo lasafan dowlada tabarta yar ee Libya oo kuyaboohaya ciidan, tababar iyo qalab milatari oo casri ah ayaa kuguuleystay inuu kadulqaado
go’doomin 14 bilood ah oo lagu hayey qeybo kamid caasimadda Tripoli islamarkaana noqday waxa afka qalaad lagu yiraahdo ‘Game Changer’.
Garab istaaga Turkey-ga oo aysan ka marneyn dano siyaasadeed iyo mid dhaqaale ayaa waxaa ugu weyn heshiiskii bariga badda Mediterranean-ka oo
lagu tilmaamo inuu kujiro keyd shidaal oo gaaraya $700-billion arrintaan oo durba ka qeylisiiyey wadamada Israel, Cyprus iyo Greece oo bishii January ee
sanadkan heshiis marin dhuun shidaal ah kala saxiixday taasoo marinkeedu kubeegan yahay goobta Turkey-ga iyo Libya ku heshiiyeen. Turkey-ga ayaa

sidookale marka laga tago dhanka ganacsiga, fursad shaqo uga abuuray
shirkaddaha dhismaha Turkey-ga. Ugu danbeyna talaabada Turkey-gu
kutaageeray dowladda Libya ayaa dharbaaxo dhanka istaraatijiyadda ah ku ah
xulufadda UAE, Masar, Russia iyo France.
 Qatar oo doorweyn ku laheyd kicinta iyo taageeradii kacdoonkii lagu riday
Qaddafi islamarkaana aheyd dowladii Carbeed ee ugu horeysay oo aqoonsata
sharciyadda mucaaradkii kasoo horjeeday Qaddafi ayaa waqtigan lasafan
garabka dowladda Libya ayadoo kaashanaysa Turkey-ga. Doorka taageerada
Qatar ay lagu sheegaa dhaqaalaha, tababarka iyo qalabeynta ciidanka dowlada
ayadoo kaduuleysa heshiiskii sadex-geesoodka ahaa ee Libya, Qatar iyo
Turkey. Ujeedka Qatar ayaa ah inuusan najixin gulufka kooxda UAE.
 Talyaaniga oo aanan galaangal siyaasadeed, mid milatari iyo mid dhaqaale
ku dhameyn Faransiiska marka laga hadlayo gudaha ururadda Midowga
Yurub iyo NATO ayaa doorkiisa taageero ku xadiday dhanka
diblomaasiyadda iyo abaabulka shirar dib u heshiisiin ah asagoo ilaalinaya
xiriirka soo jireenka ah ee dhaqaale iyo kan xakameynta muhaajiriinta kasoo
gudba xeebaha Libya.

Gunaanad
Marka la isku wadageeyo danaha siyaasadaha isdiidan ee ku kulmay Libya, waxaa lagala
dhexbixi karaa inay adagtahay in goordhow Libya ka hanaqaado dowlad adag oo gacanta
kuwada dhigta Libya ayadda oo sida muuqata dhinacwalba ka hormarinayo dantiisa mida
shacab weynaha Libya. Waxaa kale oo xusid mudan in fashilka ku yimaada wadamada leh
qeyraadka dabiiciga ah xalkiisu ka adag yahay wadamada saboolka ah ayagoo eersada
qeyraadkooda oo usoo jiida gacmo shisheeye oo kala socda.
Hadaba, xiligaan ma muuqato rajo dhaxalgal dib u heshiisiineed oo ay wadaan QM,
Jamaacadda Carabta, Midowga Africa iyo Midowga Yurub Intaba. Sidaa darteed, waxaa la
saadaalin karaa in dhinacyadu adkeysan doonaan difaaca goobaha ay ku kala sugan yihiin, si
ay dhaqaale u helaana kuheshiin doonaan dhoofinta shidaalka dalka oo uusan dhinacna gaar u
dhoofsan Karin waqtigan maadama dhulka keydka shidaalka uu gacanta ku hayo Xaftar halka
shirkadda shidaalka qaranka Libya oo haysata sharciyada dhoofinta ay hoos-tagto dowlada.

W/Q: Xamdi Wardhere Maxamed
Email: zudeys9@gmail.com
Facebook: Xamdi Wardheere
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
Halkan Ka Daawo: FULL BARNAAMIJ Dabaaldega Ciidanka Melateriga Ee Ku Sugan Gobolka Togdheer Oo Si Cajiiba Usoo Bandhigay Awoodooda Ciidan.
DAAWO: ABWAAN AADAN DIGAALE OO GABAYO CAJIIB AH RIRIYAY KUWAAS OO ISUGU JIRA NABADA JACAYLKA IYO ARIMO KALE WARAYSI DHEER OO LALA YEESHAY
WAREYSIYO