Sunday November 01st, 2020
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

GUNTI furan/Maanso

0
Thursday October 15, 2020 - 19:24:12 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 133
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    GUNTI furan/Maanso

    GUNTI furan/Maanso

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

GUNTI furan/Maanso
caydaruus muumin cabdilaahi

waa maanso Ka hadlaysa soomaalida iyo gumaysiga cusube haysta gidegoodba iyo sida ay umoogan yihiin aanay uba dhaadayn waxa Jira iyaga ayaa isku jeeda laakiin cadowgoodu waa mid


GUNTI FURAN


aaway geesiyaashi?

gaar ahaan barbaartii

dalkan gaarka u lahaa?


gaadhkiisa qaban laha

gidigeedbaa soomaal

waakaa gumaytuhu

guluf wayn kuqaadee

gebi dheer katuuree

midba gaar u haystee

gumuc iyo rasaasiyo

gamasaha u qaybshee

cabdiyow garaadsame

boqorkeeni geeskee

sidee guul u hanana?

goobkastaba dadbaa Jira

garankara wacyiga Jira

dabadeed gorfeeye

xaajadan guracanee

maankeeni gadatiyo

waxan galabta dhacayee

soo galay dhulkeeni

maxaa lagu gorfeeyaa?

gabashadu nafkuu male

adoo geeri sugayee

godku uu hurtila yahay

gadhka iyo labada jilib

inta laysu geeyo

mara Lama gandoodsado

talaa Kula godboonee

galkiyo seefta Kalabood



galbanoo is aragnee

sidee guul u hanana?

anaa gaabinaayo

anaa gabay dalkeygee

cadow IMA gumaasteen

haday gabano joogaan

u guntada dhulkeenoo

gacmah isqabsanayaa

waa jibkeena gacalow

sow maynu gudaneen ?


anigaa is gumeeyoo

nin dantiisa gaarka ah

u gucleeya maantiyo

cadowgaygi gudihiyo

gungunaaf siyaasiga

geedkaa ma gaadhaha

gartaydii u dhiibtee



guunyaday oo dhaqan

geellayga oo dhalay

gaawihiisu culanyahay

miyaa galab ladhici laha?

go.ninkii huwadayee

gamayee iska jiifsaday

gunti furan lib kuma helo


ruux aragti gaabani

cabdow guul makeenee

markaan guurtideeniyo

golayaal aqoonlihi

barbaartoo is gurataa

hubka ay gurtaane

talo laysla gudub dhigo

gabdhaa iyo haweenkiyo

hablaa guudka loodabay

guubaabo kiciyaan

ayey guushu imanoo

gudban noqon warkeenuye



cabdiyow gumaystuhu

waqti gaaban kuma tago

taladiisu waa guun

godobtiisu waa meel

gun inaad u noqotuu

jecelyahay gabraartuhu

gooh yeedhka qaylada

waa libin u gaadhe

Ka gigii hashaado

gayax maran afreeyoo

godolkeedaba u diid

halkii uu kasoo gudey

guul ooman ugu celi

cabdiyow gumaystaha

guyaal iyo guyaalbaa

godintiyo hangoolkiyo

muruq lagu garaaca

gaajo iyo haraadbaa

gelimiyo habeeniyo

godol loo adkaystaa

garmaqaata yaashiyo

kuwa garasha liidka ah

ayaa soo gelbinayoo

jecel dhaqan gadoonkee

cabdow giibabkaa badan

gaashaan Ka xidho oo

adba garo u jeedada

biyahaba guntoodu

meelbay Ku gororaan





by Caydaruus muumin

allaa mahad leh
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
Halkan Ka Daawo: FULL BARNAAMIJ Dabaaldega Ciidanka Melateriga Ee Ku Sugan Gobolka Togdheer Oo Si Cajiiba Usoo Bandhigay Awoodooda Ciidan.
DAAWO: ABWAAN AADAN DIGAALE OO GABAYO CAJIIB AH RIRIYAY KUWAAS OO ISUGU JIRA NABADA JACAYLKA IYO ARIMO KALE WARAYSI DHEER OO LALA YEESHAY
WAREYSIYO