Thursday October 29th, 2020
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

KENYA Oo Ka Hor Timid In Maraykanka Uu Ciidamadiisa Kala Baxo Soomaaliya

0
Saturday October 17, 2020 - 12:01:19 in Wararka by Burco Office 2
  • Visits: 188
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    KENYA Oo Ka Hor Timid In Maraykanka Uu Ciidamadiisa Kala Baxo Soomaaliya

    KENYA Oo Ka Hor Timid In Maraykanka Uu Ciidamadiisa Kala Baxo Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

KENYA Oo Ka Hor Timid In Maraykanka Uu Ciidamadiisa Kala Baxo Soomaaliya

Dowladda Kenya ayaa ka hor timid tallaabada Mareykanka uu ciidamadiisa kagala baxayo Soomaaliya.

Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ayaa waxay sheegtay in tallaabada noocan oo kale ah ay u badan tahay inay khatar gelinayso qorshaha amni ee lagula dagaallamayo argagixisada iyo horumarinta ujeeddada guud ee bulshada caalamka.

Xoghayaha guud ee arrimaha dibadda, Kamau Macharia ayaa sheegay in Kenya ay mudooyinkii la soo dhaafay la kulmaysay dib u dhac dhaqaale kadib weeraradii kooxda Al-shabaab ka geysatay dalkeeda, oo ay ku jiraan weeraradii Westgate Mall, Dusit 2 Hotel iyo kuwo kale.

Hadalka Macharia ayaa imaanaya kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in madaxweyne Donald Trump uu ku wargaliyay la taliyayaashiisa sare inuu doonayo inuu ciidamada Mareykanka kala baxo Soomaaliya.

Qoraal uu daabacay Bloomberg ayaa lagu sheegay in tani ay u oggolaan doonto Trump inuu ka dhabeeyo ballanqaadyadii ololaha ee ahaa inuu askarta dalkooda keenayo in kasta oo Soomaaliya ay weli ku sugan tahay khatar weyn oo kaga imaaneysa Alshabab iyo Daacish.

Mareykanka waxaa Soomaaliya ka jooga 650 ilaa 800 oo askari, sida laga soo xigtay Taliska Mareykanka ee Afrika, waxaa ku jira saraakiil gacan ka geysanaya tababarka ciidamada Soomaaliya.


TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
Halkan Ka Daawo: FULL BARNAAMIJ Dabaaldega Ciidanka Melateriga Ee Ku Sugan Gobolka Togdheer Oo Si Cajiiba Usoo Bandhigay Awoodooda Ciidan.
DAAWO: ABWAAN AADAN DIGAALE OO GABAYO CAJIIB AH RIRIYAY KUWAAS OO ISUGU JIRA NABADA JACAYLKA IYO ARIMO KALE WARAYSI DHEER OO LALA YEESHAY
WAREYSIYO