Friday November 27th, 2020
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

Xakamaynta Shilalka Xawliga Xawaaraha gaadiidka Wadada Macalin Haaruun.

0
Wednesday October 21, 2020 - 22:23:21 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 201
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xakamaynta Shilalka Xawliga Xawaaraha gaadiidka Wadada Macalin Haaruun.

    Xakamaynta Shilalka Xawliga Xawaaraha gaadiidka Wadada Macalin Haaruun.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xakamaynta Shilalka Xawliga Xawaaraha gaadiidka Wadada Macalin Haaruun.
KU: WASIIRKA H. GAADIIDKA IYO WADOOYINKA
KU: TALIYAHA CIIDANKA BOOLIISKA JSL
KU: MAAYARKA MAGAALADA HARGEYSA
KU: TALIYAHA CIIDANA NABADGELYADA WADOOYINKA.
KU: GUDDOOMIYAHA XAAFADA MACALIN HAARUUN
OG: GUDOOMIYAHA GUDDIDA A. BULSHADA EE G. WAKIILADDA.
OG: WASIIRKA ARRIMAHA GUDAHA JSL.
UJEEDDO: CODSI IN DEGDEG WAX LOOGA QABTO KHATARTA
HALISTA GADIIDKA XAWAARAHA DHEER KUMA XAAFADA
MACALIN HAARUUN. OO AAN KA FOGEYN TALISKA C.N
WADOOYINKA.


Waxaan Masuuliyiinta Kor Ku Xusan, Ee Sharaf, Qiimaha Iyo Milgaha leh Xusuusunayaa, Kana Codsanaynaa, In Wax Laga Qabto, Xal deg-dega
ahna loo helo Shilalka Dhimashada, Dhaawaca, iyo Halista joogtada ah ku ah bulshadeena , waxay sida badan ka dhacaan, Waddada Bariga
Hargeysa Xaafada Macalin Haaruun (Waddad Berbera) Waxaa shilalal kaas aafada ah Geysta Baabuurta noocyadooda kal duwan oo ay uban
yihiin Booyadaha , Iska Rogooyinka, Iyo Qaadka Oo Ku Socda Xawaare 100 kmpka badan, inta u dhexeysa ka bilow Kaalinta Faraska Ilaa
Iskuulka Kuweytiga. Waa deegsiimo ay ku noo shahay Bulsho 40,000 Kun gaadheysa. Culimada odayaasha iyo waxgaradka xaafadu muddo sanado ah ayay ka hadlayeen halistaas taagan ee u baahan in lagufeeyo taaso cidkasta oo waxka qabata if iyo aakhiroba liibanayso.
Jiidaas Xawaraaha xad dhaafka ah gaadiidku ku maro waxa Ku Yaal Iskuulo, Cusbitaalo, Hoteelo Hurdo iyo Cunto, Masaajido Waaweyn,
Kaalmo Shidaal, Makhaayado, Malcaamado Iyo Goobo kumanaan
Caruurta Yaryari Ku Ciyaaraan. 

Badbaadadeeuna Dhamaanteen way ina saran tahay haba u horeeyaan Masuuliyiinta Hayadaha Kor Ku Xusani
IWaajibaad iyo Xaqa ina fuulay waxaa Kow Ka ah Sidii Loo yarayn lahaa halista khatartaas. Iyo in Laga Hortago Shilalka Gaadiidka Ee
Dhimashada ku keeni kara nolosha Dadweynaha ee uu sababa xawaaraha daralku ogaan ugu ka xeeyo baabuurka.

Waxaa kale oo xusid muddan in Arintani Sigaara U Khusaysaa Taliska Booliiska Gaar Ahaan Laanta Nabadgelyada Wadooyinka Iyo Maayarka
Caasimada Xoghayihiisa Iyo Gudoomiyaha Macalin Haaruun Ee Aagaas. Waxaa Soo Raaca Wasaaradda Gaadiidka.
Waxaanu xal u araganaa oo codsnaynaa
1. In Degdeg loo dhigo Tuuro/Askari jiifa oo Lagu Xakamaynayo Xawaaraha Gaadiidka (Speed hump reduce speed 15-20kph) Inta
U Dhexaysa Kaalinta Shidaalka Faraska, Masaajidka Tabliiqiga, Kaalinta Najax, Saraar Hotel, Kaah Hotel Ilaa Iskuulka Kuweyt.
Waxaa ugu haboon in la sameeyo Tuuro waaweyn oo la mid ah kuwa xawaaraha dhima ee laga sameeyey Abaarso, Carro yaambo,
iyo Arabsiyo. Waa hubaal inay shilka hoos u dhoigayso 90%. (Speed humps are used for reduce speed in 15-20kmp speed zones such as residential, hospitals schools and public area).
2. Waa in Wadaha Baabuurka ee Xawaaraha dheer ku socda Ku Mutaysto Xadhig Aan Iib Lahayn haduu 15-30mph ka bato
magaalada gudaheeda (Criminal Speed face Jail/extreme-speed offence,” Reckless Driving” Dangerous driving).
3. In Ciidanka Ilaalinta Nabad Gelayada Wadooyinku In Ay Gacan Adag Ku Qabtaan Wadayaasha Xawaaraha Badbaadada Halista
Ku Ah In La Xidho. Iyo Kuwa Wadooyinka Sida Khaldan Umaraya.
4. In Wadayaasha Baabuurta dadweynaha Basaska iyo Tagaasida Caasimada loo sameeyo qoshe cilmi ku dhisan oo khubaro sida
gaadiidka loo maamulo aqoon u leh loo raadiyo lana joojiyo 2000
Bus ee suuqa baakinka ka dhigtay.
5. In la helo muhindisyo takhasusus u leh habka socodka gaadiidka
(Transportation Engineers) oo ah khibrad iyo aqoon u gaara baahidaas, yaraynta sumxada gadiidka iyo hanaanka dariiqyada loo maro (way to reduce traffic jams, )
6. In Magaalooyinka gudahooda loo sameeyo Calaamadaha baabuura kala haga oo Hargeysa 1 ka tahay. Arrinkan lama xidhiidho siyaasad. Waa badbaado shacab inaynu wax qabanayno aan rajaynayo.
Halkan Ka Daawo:Hees Cusub Oo Uu Sameeyey Abwaanka Caanka Ah Ee Abdimalik
Halkan Ka Daawo Beelaha Axmed Cali iyo Daahir Cali ee Adan Madoobe oo Kalsoonidi Kala Noqday Suldaan Barkhad Iyo Caaqilka Faahiye Xassan ee Adan Madoobe..
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
WAREYSIYO