Tuesday December 01st, 2020
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

U JEELANAANTA SHACABKA SOMALILAND HOGAAMIN IYO ARAGTIYO CUSUB IYO REJADA LAGA QABO IN URURADII SIYAASADA SOMALILAND LA FURO ;

0
Wednesday October 28, 2020 - 11:56:11 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 193
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    U JEELANAANTA SHACABKA SOMALILAND HOGAAMIN IYO ARAGTIYO CUSUB IYO REJADA LAGA QABO IN URURADII SIYAASADA SOMALILAND LA FURO ;

    U JEELANAANTA SHACABKA SOMALILAND HOGAAMIN IYO ARAGTIYO CUSUB IYO REJADA LAGA QABO IN URURADII SIYAASADA SOMALILAND LA FURO ;

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

U JEELANAANTA SHACABKA SOMALILAND HOGAAMIN IYO ARAGTIYO CUSUB IYO REJADA LAGA QABO IN URURADII SIYAASADA SOMALILAND LA FURO ;
Guud ahaan shacabka Somaliland marka aad eegto una kuur-gasho wax ay ka mideysan yihiin waxaa kow ka ah rajo beelka axsaabta siyaasada Somaliland ee maanta iyo in aanay soo wadin yididiilo wanaagsan oo qarankani ku gaadhi karo hiigsigiisa.

Waxa kale oo la isku waafaqsan yahay in axsaabta siyaasadu ay noqdeen meelo ay yeesheen shaqsiyaad halkii ay ka noqon lahaayeen axsaab siyaasadeed oo qaranku leeyahay oo aragtida iyo afkaarta gudahooga lagu soo shiilo , dimuqaradi ah , la yimaada barnaamijyo iyo qorsheyaal casri ah oo umada gaadhsiinaya horumar , isla markaana leh qaab dhismeed qaran oo qurxoon .


Marka aad eegto dadka danaynaya siyaasada 90% ka mid ahi kuma qanacsana nooca hogaamineed ee axsaabta siyaasada Somaliland , taasi oo la mid ah habka qaranka loo hagayo si uu u gaadho mustaqbalka horumar iyo meel wanaagsan , waxaana la isla qirsan yahay waxa shacbigu qabsaday mooyaane dawladnimadu in ay gaabis tahay.

Waxaa jira dareen mideysan oo la dhowrayo dhowaan in ururadii siyaasada lagu dhawaaqi doono hadii ay doorashada Somaliland ee soo socotaa noqoto mid isku sidkan oo goleyaasha deegaanka iyo wakiilada mar lawada qabanayo, taasi oo ay farsamadeeda leeyihiin komishanka doorashooyinka qaranka jamhuuriyada Somaliland.

Hadii ay sidaasi dhici waydo waxa laga rabaa in ay umada Somaliland ku qanciyaan sababta , waayo waxa laga baqayaa in ururadii siyaasada furistoodii meesha ka baxo, waa xaq siyaasadeed oo dastuurka qaranka jamhuuriyada Somaliland Qod 22naad iyo 23naad u damaanad qaaday muwaadiniinta jamhuuriyada Somaliland , sidaasi oo kale waxa si cad u qeexay Xeer No 14 oo sharaxaya qaabka ururada loo furanayo , mudo xileedka axsaabta iwm.

Arimahani dhamaantood hadii aan maanta la sii lafo gurin waa halka uu Somaliland ka iman doono murug siyaasadeed iyo mid sharci marka la gaadho sanadka 2022 oo ay kaga eeg tahay axsaabta siyaasada Somaliland mudo xileedkoodu, sidaasi oo kalena ay tahay xiligii la qaban lahaa tartanka ururada iyo axsaabta siyaasada Somaliland, iyada oo uu Xeer No 14 sheegayo in 6 bilood ka hor wakhtiga doorashada lagu dhawaaqo furistii ururada siyaasada , si la isku habeeyo oo loogu diyaar garoobo tartanka.

Muxamed Dhimbiil

Mohamed Abdi Jama
Halkan Ka Daawo:Hees Cusub Oo Uu Sameeyey Abwaanka Caanka Ah Ee Abdimalik
Halkan Ka Daawo Beelaha Axmed Cali iyo Daahir Cali ee Adan Madoobe oo Kalsoonidi Kala Noqday Suldaan Barkhad Iyo Caaqilka Faahiye Xassan ee Adan Madoobe..
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
WAREYSIYO