Friday November 27th, 2020
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

Dagaalka Nagorno-Karabakh: Gantaallo Lagu Garaacay Magaalada Azeri Oo Lagu Dilay 21 Qof Oo Rayad Ah

0
Thursday October 29, 2020 - 09:05:45 in Wararka by Burco Office 2
  • Visits: 218
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaalka Nagorno-Karabakh: Gantaallo Lagu Garaacay Magaalada Azeri Oo Lagu Dilay 21 Qof Oo Rayad Ah

    Dagaalka Nagorno-Karabakh: Gantaallo Lagu Garaacay Magaalada Azeri Oo Lagu Dilay 21 Qof Oo Rayad Ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaalka Nagorno-Karabakh: Gantaallo Lagu Garaacay Magaalada Azeri Oo Lagu Dilay 21 Qof Oo Rayad Ah

Azerbaijan ayaa ciidamada Armeniya ku eedeysay iney dileen 21 qof oo rayad ah kaddib marki ay deegaan ka mid ah gobolka Nagorno-Karabakh ay gantaallo ku garaaceen.

Tobaneeyo kale ayaa la sheegayaa duqeyntaasi iney ku dhaawacmeen duqeynta lala beegsaday Azeri ee magaalada Barda, inta uu dagaalka socday.

Armenia ayaa eeddaasi gaashaanka u daruurtay weerarkaasi iyada oo sheegtay ciidamada Azerbaijan ay beegsadeen isbitaal ay haweenku ku umulaan.

Dagaalka gobolka Nagorno-Karabakh ka socda ayaa qarxay 27-ka bisha September.

Dhulka buuraleyda uu dagaalka ka socda ayaa heer caalami looga aqoonsan yahay inuu hoos tago Azerbaijan balse waxaa gacanta ku haya qowmiyado Armenia ka soo jeedo.

Duqeymaha ugu dambeeyey maxaa dhacay?

Afahyeenka madaxweynaha Azerbaijan Hikmet Hajiyev wuxuu sheegay xoogagga Armenia "iney adeegsadeen bam halis ah si ay dadka rayadka ee ku nool magaaada Barda ee ku taalla bartaha Azerbaijan ay waxyeello badan uga soo gaaraan."

Sawir baraha bulshada lagu baahiyey ayaa muujinaya waxyeellada duqeynta ugu dambeysay ka dhalatay sida jir dad oo googo'an iyo gaadiid gubtay iyo waddooyin burbursan.

Haweeney ku nool deegaankaasi oo lagu magacaabo Ulviyya Babayeva waxay sheegtay meel aan ka fogeen iney ku dhaceen seddex gantaal kaddibna ay goobti ka carartay oo ay raadsatay meel gabbaad ah.

"Waxaan aragnay dab iyo bam iska soo daba dhacaya," ayey tiri mar ay BBC u warrameysay.

"Hal gantaal wuxuu ku habsaday gaadhi hortaagnaa bangi, kaddibna waxaa meel walba lagu arkayey firirka bamka, burburka gadiidka iyo muraayado jajaban... bamkuna wuxuu ku dhacay xaruun dab-damis halkaasi oo uu bamku ka geystay dhimasha iyo dhaawac."

Wasaaradda arrimaha dibadda Azerbaijan waxay sheegtay askar boolis ah iyo shaqaalaha kale ee dab-damiska uu qaraxaasi dhaawaca ka soo gaaray waxaa loo qaaday isbitaalka magaalada Barda si dhaawacyadooda looga dabiibo.

Wasaaraddu waxay intaasi ku dartay duqeyntan ugu dambeysay iney ahayd mid ku xad gudubtay shuruucda caalamiga ee u yaallay arrimaha bani-aadaminimada iyo iney dowladda Armenia ay mas'uuliyaddaasi qaadato.

Dhinaca kalana mas'uuliyiinta gobolka Nagorno-Karabakh ayaa sheegay xoogagga Azerbaijan iney duqeeyeen isbitaal ay ku umulaan hooyooyinka iyo adeegya kale oo aasaasi ah oo ku yaallay magaalada Stepanakert.

Sawir muujinaya waxyeellada duqeynta ay u geysatay xaruun caafimaad

 

 

Warbaahinta Azerbaijan waxay sheegeen howlgal gaar ah oo Talaadadi la fuliyey in lagu dilay taliyaha ciidamada Nagorno-Karabakh, Jalal Harutyunyan.

Wasiirka Gaashaan dhigga Azerbaijan Mr Harutyunyan, waxay diidday iney ciidamadooda dambiya dagaal ay geysteen, balse wuxuu qirtay diyaaradaha aan duuliyaha laheen iney duqeyn la beegsadeen koox gaari sii galayo.

Xaaladda xabbad joojinta waa sidee?

Xabad joojin cusub oo uu Mareykanka soo hindisay ayaa lagu waday inay ka dhaqan gasho ciidamada Armenia iyo Azerbaijan oo ku dagaallamaya dhulka lagu muransan yahay ee Nagorno-Karabakh.

Wadahadallada Washington kaddib , Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa waxay sheegtay in labada dhinacba ay isku raaceen in la dhaqan geliyo loona hoggaansamo xabbad joojin cusub laga billaabo siddeeda subaxnimo waqtiga maxaliga ah.

Laba xabbad-joojin oo horay u dhexmartay labada dal ayaa burburay iyadoo Dagaalkana uu cirka isku shareeray ka hor heshiiska.

Weriye ka tirsan BBC-da oo ku sugan gobolkaas ayaa sheegay in weli uu dagaal ka socdo dhammaan jiidaha hore.

Ku dhawaaqidda heshiiskan xabbad joojinta ah ee cusub ayaa imanaya ka dib wadaxaajoodyo dhemaray Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda Mareykanka Stephen Biegun, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Armenia iyo dhigiisa Azerbaijan Jeyhun Bayramov.

Dhanka kale Jimcihii, labada wasiir ayaa waxay Washington kula kulmeen Xoghayaha Guud ee Arrimaha Dibadda Mareykanka Mike Pompeo.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa u hambalyeeyay dhammaan dadkii ka qeyb qaatay heshiiska xabbad joojinta.

Tani iyo inta ay dagaalladu ka billowdeen dhulka buuraleyda ee Nagorno-Karabakh waxaa ku dhintay kumannaan qof oo shacab u badan oo labada dal ka soo jeedo, halka ay kumannaan qofna guriyahooda ka qaxeen.

Ciidamo ka tirsan kuwa Armenia oo madaafiic ganaya

 

 

Xaqiiqooyin ku saabsan Nagorno-Karabakh

  • Waa dhul buuraley ah oo ku fadhiya qiyaastii 4,400 kiilo mitir oo laba jibbaaran
  • Waxaa dhulkaasi deggan Kirishtan Armeniya ka soo jeeda iyo Tarki Turkiga ka soo jeedda
  • Xilligii midowgii Soofiyeet gobolkaasi wuxuu noqday gobol madax-bannaan oo ka tirsan jamhuuriyadda Azarbajaan
  • Caalamkana waxaa looga aqoonsan yahay inuu yahay gobol madax-bannan oo ka tirsan Jamhuuriyadda Azarbajaan
  • Dagaalladi dhacay inti u dhaxeysay 1988-1994, waxaa ku dhintay ku dhawaad 30,000 oo qof halka ay ku barakaceen dad lagu qayaaso 1 malyan
  • Dagaalki 1990-yadi dhacayna kooxo gooni u goosad ah waxay qabsadeen dhulal kale oo ku yaalla xadka Azarbajaan
  • Khilaafka ayaa sii xoogeysanayey tani iyo marki la dhaqan geliyey xabbad joojinti 1994-kii
  • Turkigu si aan gabbasha lahayn wuxuu u taageeraa Azarbajaan
  • Ruushka wuxuu xaruumo militari uu ku leeyahay Armeeniya

Khilaafka muxuu salka ku hayaa?

Sannaddii 1988-kii, oo ku beegnaa ku dhawaad dhammaadkii xukunkii Midowgii Soofiyeeti, xoogagga Azarbajaan iyo gooni-u goosatada Armenia waxay billaabeen dagaal dhiig badan uu ku daatay oo sababay Nagorno-Karabakh iney Armenia gacanta ku sii hayso kadib marki ay labada dal heshiis nabadeed kala saxeexdeen 1994.

Tobannaan kun ayaa lagu dilay dagaalkaasi iyada muwaaddiniin badan oo dalka Azarbajaan ku qasbay inay ka cararaan guriyahooda.

Gobolka labada dal ay isku hayaan oo hadda ah mid madax bannaan haddana wuxuu taageero aad u weyn uu ka haystaa dalka Armeniya. Balse lagama aqoonsano qaramada midoobay oo ay ka mid tahay Armeniya lafteeda.

Sidoo kale, dhul ballaaran oo ka tirsan dalka Azarbajaanna oo ku teedsan agagaarka gobolkaasina waxaa gacanta ku haya dalka Armeniya.


Halkan Ka Daawo:Hees Cusub Oo Uu Sameeyey Abwaanka Caanka Ah Ee Abdimalik
Halkan Ka Daawo Beelaha Axmed Cali iyo Daahir Cali ee Adan Madoobe oo Kalsoonidi Kala Noqday Suldaan Barkhad Iyo Caaqilka Faahiye Xassan ee Adan Madoobe..
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
WAREYSIYO