Friday November 27th, 2020
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

Magacyadda 4 Dal Oo Lacagta Ugu Badan Ku Bixinaya Doorashada Soomaaliya

0
Thursday October 29, 2020 - 10:30:31 in Wararka by Burco Office 2
  • Visits: 783
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Magacyadda 4 Dal Oo Lacagta Ugu Badan Ku Bixinaya Doorashada Soomaaliya

    Magacyadda 4 Dal Oo Lacagta Ugu Badan Ku Bixinaya Doorashada Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magacyadda 4 Dal Oo Lacagta Ugu Badan Ku Bixinaya Doorashada Soomaaliya

Ololaha doorashada Soomaaliya ee 2020/2021-ka ayaa si weyn uga socdo waddamada dariska la ah Soomaaliya, waxaana la sheegayaa in dowladaha qaar ay lacag ku bixinayaan sidii ay usoo saari lahaayeen siyaasiin ay isku aragti yihiin si ay berri uga helaan danahooda gaarka ah.

Siyaasiinta ayaa ololahooda doorashada ka wada dalalka Qatar, Turkiga, Imaaraadka iyo Kenya, waxaana dhowr jeer safaro ku kala tagay siyaasiin badan halka qaarkoodna ay Soomaaliya usoo dirteen wakiillo la kulama madaxda Qaranka.

Waddamada Imaaraadka Carabta iyo Kenya ayaa damacsan in Villa Somalia doorasho uga saaraan Madaxweyne Farmaajo islamarkaana ay halkaas geeyaan siyaasiin ku aragti ah maadaama uu Farmaajo dagaal siyaasadeed weyn uu la galay dowladahaan, halka dowladaha Qatar iyo Turkiga ay dhankooda lacag malaayiin doollar ah Soomaaliya gelinayaan si ay Farmaajo ugu sii hayaan ama qof kale u keenaan, haddii ayna qorshahooda koowaad ku guuleysan.

"Dowladaha Kenya iyo Imaaraadka ma jiro qof ay isku raacsan yihiin laakiin waxay ka siman yihiin aragtida ah in Farmaajo booska baneeyo, halka Qatar iyo Turkiga ay ka siman yihiin Farmaajo sii joogo ama qof kale keensadaan, labadaan dowladoodna waa isku aragti waliba iska war qaba,” ayuu yidhi Nuur Shariif, oo ah aqoonyahaan bartay siyaasadda, dalkana xog ogaal u ah.

"Muqdisho wax olole ah miyaa ka socda?, ololihii doorashada waxay u weecdeen dibadda mar kastana siyaasi gadaal ay ka riixeyso dowlad kale waxba dalkan uma galo, waan soo aragnay haddana waan aragnaa in Qatar dalkan siday rabto ka yeelaneyso marka Soomaalida uma fiicno sidaan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Nuur Shariif.

Magaalada Muqdisho waxaa soo gaaray wafuud ka socoto dowladaha carabta qaarkood oo taageersan madaxda Soomaaliya ee hadda talada heyso halka mucaaradka qaarkoodna ay dalalkooda ugu tageen.

Sidoo kale qaar kamid ah madaxdii hore ee dalka ayaa ku sugan wadamada dariska waxeyna wararka ugu badan sheegayaan in ay kulamo la qaadanayaan madaxda dowladaha ay martida u yihiin si ay ugu guullaystaan doorashada Soomaaliya.


Halkan Ka Daawo:Hees Cusub Oo Uu Sameeyey Abwaanka Caanka Ah Ee Abdimalik
Halkan Ka Daawo Beelaha Axmed Cali iyo Daahir Cali ee Adan Madoobe oo Kalsoonidi Kala Noqday Suldaan Barkhad Iyo Caaqilka Faahiye Xassan ee Adan Madoobe..
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
WAREYSIYO