Friday November 27th, 2020
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

Safaaradda Faransiiska Ee Magaalada Jeddah Oo La Weeraray

0
Thursday October 29, 2020 - 22:20:16 in Wararka by Wariye Tiriko
  • Visits: 934
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Safaaradda Faransiiska Ee Magaalada Jeddah Oo La Weeraray

    Safaaradda Faransiiska Ee Magaalada Jeddah Oo La Weeraray

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Safaaradda Faransiiska Ee Magaalada Jeddah Oo La Weeraray

Nin mindi watay ayaa weeraray qunsuliyadda Faransiiska ee Jiddah, wuxuuna halkaas ku dhaawacay mid ka mid ah waardiyeyaasha.

Wakaalada wararka ee AFP ayaa sheegtay in dhacdadaas oo maanta ahayd ay xaqiijiyeen saraakiisha Sacuudiga.

Daalka Faransiiska wuxuu wajahayaa cadho xoog leh oo ka dhalatay sawir-gacmeed laga sameeyay Nabi Maxamed.

Dhacdadan waxay imaaneysaa xilli uu weerar kale oo toorrey loo adeegsaday lagu qaaday kaniisad ku taalla magaalada Nice ee dalka Faransiiska, halkaas oo lagu dilay seddax qof, dhowr kalena lagu dhaawacay.

Maamulka Faransiiska ayaa weerarkaas ku tilmaamay mid argagixiso.


War qoraal ah oo ka soo baxay safaaradda Faransiiska ee Sacuudiga ayaa lagu sheegay:

"Qofka weerarka soo qaaday waxa qabtay ciidamada amniga ee Sacuudiga, isla markii uu weerarka bilowday. Waardiyaha dhaawacmay waxaa loo qaaday isbitaal, xaaladdiisana ma xumo”, ayey qoreen AFP iyo Reuters.

Booliska Gobolka Makah oo Jiddah ay ka tirsan tahay, waxay sheegeen in qofka la xiray uu u dhashay Sacuudiga, balse ma aysan sheegin dhalashada qofka dhaawacmay, sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters.

Safaaradda Faransiiska oo ku taalla Riyadh waxay si adag u cambaareysay weerarka, waxayna muwaadiniinteeda Sacuudiga ku sugan u sheegtay in ay si wayn u feejignaadaan.

Halkan Ka Daawo:Hees Cusub Oo Uu Sameeyey Abwaanka Caanka Ah Ee Abdimalik
Halkan Ka Daawo Beelaha Axmed Cali iyo Daahir Cali ee Adan Madoobe oo Kalsoonidi Kala Noqday Suldaan Barkhad Iyo Caaqilka Faahiye Xassan ee Adan Madoobe..
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
WAREYSIYO