Saturday November 28th, 2020
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

Hambalyo madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland,Mujaahid Muse Biixi Cabdi,sida gobanimada leh ee uu u maamusay ,Duuliye Axmed Maxamed Xasan iyo hal soo jeedina..

0
Sunday November 01, 2020 - 13:15:01 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 280
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hambalyo madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland,Mujaahid Muse Biixi Cabdi,sida gobanimada leh ee uu u maamusay ,Duuliye Axmed Maxamed Xasan iyo hal soo jeedina..

    Hambalyo madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland,Mujaahid Muse Biixi Cabdi,sida gobanimada leh ee uu u maamusay ,Duuliye Axmed Maxamed Xasan iyo hal soo jeedina..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hambalyo madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland,Mujaahid Muse Biixi Cabdi,sida gobanimada leh ee uu u maamusay ,Duuliye Axmed Maxamed Xasan iyo hal soo jeedina.. Marka hore waxaan salaan qadarin,sharaf iyo karaamaba leh u dirayaa dhammaan shacabka xariirta ah ee reer Somaliland iyo inta maqaalkan akhrisataba.Waxaan walaalayaal meel aad joogtaanba, idinku salaamaya salaanta islaamka,asalaamu calaykum waraxmatu laaahi wabarakaatu.
Waxaan Allaha awoodda leh weydiisanayaa,inuu dhammaanteenba innaga yeelo kuwii adduun iyo aakhiraba liibaana,khaatumadana kheyr ugu khatimo,amin.

Aan u daa dago dulucuda qoraalkan iyo ujeedada aan ugu holaday qalinka.Waxaan hambalyo iyo ducaba aan u dirayaa madaxwenaha Jamhuuriyda Somaliland,Mujaahid Muse Biixi Cabdi,sida gobanimada leh,ee isagoo ka wakiila shacabka Somaliland,uu u maamuusay,u soo dhaweeyey,u karaameeyey, Biladda ugu sareysa Qaranka Somaliland u guddoonsiiyey,Duuliye Axmed Maxamed Xasan,oo damiirkiisu iyo dadnmadiisuba u ogolaan weyday inuu diyaarad ku duqeeyo shacabkii magaalada Hargeysa,balse Duuliyayaashii la midka ahaa ay maanta gacmahooda dhiigu ka gob'o laynayo,ka dib markay xasuuqeen shacab iyo maati aan waxba galabsan,xisaabtii aakhirana sugayso.


Walaw aynaan Duuliye Axmed Maxamed Xasan,khatarta uu naftiisa galiyey & abaalkiisaba aynaan marnaba gudi karin,waxaan Allaha awooda leh uga baryayaa in maalinta la qatan yahay,ee loogu baahi badan yahay,uu miisaanka xasanaadka ugu daro,kana yeelo adoomada uu Rabbi raaliga ka noqdo,adduun & aakhiraba,amin.Taa waxaan ku lingixi lahaa,soona jeedinayaa,mar haddii aynu guri uu dego dalkeena Somaliland uga dhisanayno,aynu mushahar inta uu nool yahayna u qorno,oowalaalkeen nabadaa iyo nimcadaa uu Rabigeen Tabaaraka Watacaalaa inagu arsaaqay,ha inagula noolaado.

Halna aan hawada u mariyo Duuliye Axmed Maxamed Xasan.Magaca iyo Geesinimadu,waata la kasbado maalinta xaaladu u dhaxeyso geeri iyo nolol,loona kala baxo gacan ku dhiigle iyo Geesi xaq u dirira.Waxaad muujisay Geesinimo,waxaad qaadatay go'aan adag,waxaanad kasbatay shucuurta & quluubta shacabka Somaliland.Taariikda aan duugoobin ee dalka Jamhuuriyada Somaliland,baal Dahaba ayaad kaga qoran tahay,meel walba oo shacabka Somaliland
ku nool yihiina,waxaad agtooda ku leedahay magac,sharaf,karaamo, walaalkayo ayaanad tahay.

Waxaan ku soo afmeerayaa qoraalkaygan kooban,hambalyo madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland,Mujaahid Muse Biixi Cabdi,sida gobanimada leh ee uu
u maamusay Geesiga,Duuliye Axmed Maxamed Xasan,waxaanan soo jeedinayaa,mar haddii aynu guri uu dego dalkeena Somaliland uga dhisanayno,aynu mushahar inta uu nool yahayna u qorno,oo walaalkeen nabadaa iyo nimcadaa uu Rabigeen Tabaaraka Watacaalaa inna siiyey,ha inagula noolaado.



Wabillahi Tawfiq,





Eng. Qoraa: Mohamed Ali Muse (Farshaxan)
Senior Certified Network Specialist
| CNA | CCNA | MCP | FCNSA | A+ |
31 October,2020
Halkan Ka Daawo:Hees Cusub Oo Uu Sameeyey Abwaanka Caanka Ah Ee Abdimalik
Halkan Ka Daawo Beelaha Axmed Cali iyo Daahir Cali ee Adan Madoobe oo Kalsoonidi Kala Noqday Suldaan Barkhad Iyo Caaqilka Faahiye Xassan ee Adan Madoobe..
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
WAREYSIYO