Saturday November 28th, 2020
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

SALAFIYA/WAHAABIYA:HALISTA UGU WEYN EE MUSLIMIINTA

0
Sunday November 01, 2020 - 13:19:22 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 293
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SALAFIYA/WAHAABIYA:HALISTA UGU WEYN EE MUSLIMIINTA

    SALAFIYA/WAHAABIYA:HALISTA UGU WEYN EE MUSLIMIINTA

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

SALAFIYA/WAHAABIYA:HALISTA UGU WEYN EE MUSLIMIINTA
Wahaabiyada ama Salafiyada, siday jecel yihiin in loogu yeero,waa xarakada ama mad-habta ugu halista badan taariikhda muslimiinta,sidaan aniga iyo dad badani qabaan.Xiriir toos ah ayaa ka
dhexeeya faafidda salafiyada iyo burburka dalka ay ku faafto.Dagaal siyaasadeed oo shaar diineed loo geliyey,dagaal diineed oo aan dhammaad lahayn,necayb,gaalaysiin,dibudhac bulsho iyo diinta oo laga
baxo ayaa haraynaya bulshada salafiyadu qabsato.Kontonkii sano ee u dambeeyey waxay salafiyadu noqotay koox diineedka ama fikirka ugu firfircoon dunida muslimka sunniga ah,suufiyada mooyee cid
hor istaagtana ma jirto.Maantana waan aragnaa inta dab ay shideen iyo burburka ay ka geysteen
dalalka ay ku faafeen. Salafiyadu wax badan bay la wadaagaan mad-habadaha sunniga,siiba Xanbaliyada oo ay fiqiga iyo
caqiidada ka qaataan.Waxay kale oo dadka ku khayaamaan ayagoo sheegta in ay mad-habta dalka
laga haysto raacaan si aan looga didin.Waxay kaloo dadka ku siraan muuqaalkooda diineed sida qamiis,cimaamad,gar weyn,surweel kor loo qaaday iyo indhashareer.Dalalka aan carabta ahayn kuwa
joogaa waxay magacooda raaciyaan "abuu” iyo "umm”,sida Abuu Axmed ama Umm Axmed,waana baaq ay isku gartaan.Halistu maaha muuqaalladaas ama mad-habta Xanbaliyada,waase waxa u goonida ah oo keenay inay magac u gaar ah yeeshaan.
Waxyaabaha u goonida ah waxaa ugu halis badan gaalaysiinta cid kasta oo aan iyaga ka mid noqon
ama durta falalkooda iyo raadinta waxa ay ugu yeeraan "dawlad islaami ah”.Tan hore,waxay ku andacoodaan inay iyagu raacaan kitaabka iyo sunnaha,cidda aan iyaga raacinna ay diiddan yihiin
kitaabka iyo sunnaha,taasoo gaalnimo ah.Muslimiinta qolo kastaa si bay u fahantay kitaabka iyo
sunnaha,waana tan keentay in la kala duwanaado.Waxay si aan habboonayn u daliishadaan aayadda 59 ee suuradda Alnisaa oo faraysa in wixii la isku khilaafo loo celiyo Alle iyo Rasuulka.Aayaddu ka
hadli mayso dad isku khilaafay sida loo fahmayo Quraanka iyo sunnada qudhooda.In dadku si kala duwan u fahmo nusuusta diinta,qolo kastana ayadu isla saxan tahay waa wax dabiici ah.Imaam Alshaafici hadal wax ku ool ah ayaa laga dhaxlay oo nuxurkiisu yahay in qof kastaa asagu isla saxan
yahay,laakiin ay dhici karto inuu khaldan yahay.Salafiyadu inay isla qummanaadaan ma xuma,laakiin
markay ku adkaystaan in keligood saxan yihiin dadka kalena gaaloobayaan hadday iyaga khilaafaan waa foolxumo iyo gardarro.Isla weynidaas waxay gaarsiisay inay isu arkaan inay joogaan meeshii nebiga(NNKA) iyo saxaabada,dadka ka duwanina meeshii gaaladii Quraysh.Waxay bannaysanayaan
dhiigga dadka khilaafsan oo loo adeegsanayo awoodda dawladda hadday talada haystaan,haddii
kalena sidii maafiyada lagu tooganayo suuqa dhexdiisa.Waana sababta Shabaab iyo ururrada kale ee Salafiyadu u xasuuqayaan dadka muslimiinta ah.Waxay ku xukumayaan inay dadkaasi


riddoobeen,dhiiggooduna bannaan yahay.Haddii dadku is khilaafo waxaa kala saara qolo dhexdhexaad ah,laakiin Salafiyadu ayagoo doodda qayb ka ah ayey haddana garsoore iska dhigayaan
oo dil ku xukumayaan cidda diiddan ama khilaafsan.Alle isagaa ku keliyeystey inuu dadka aakhiro ku kala saaro,ciddii sheegata inay ayadu garsoore tahayna ilaahnimo ayey sheegteen.Kala saaridda
dadka diinta isku haya waxaa iska leh cid B)loo ogyahay aqoon buuxda oo labada qolo ee is-haysaa ku kalsoon yihiin T)dhexdhexaad ah oo aan lagu xaglinayn qolo gaar ah J)cid aan laga hor imaan karin
goaankeeda.Shuruudahaas waxaa buuxin kara Alle,waana sababta uu ugu keliyeystey kala saarista dadka iskhilaafsan.Tiro male inta aayadood oo Quraanka Kariimka ah oo arrintaas caddaynaya.
Halista labaad ee Salafiyadu waa u dagaallanka waxay ugu yeeraan dawlad "islaami”ah.Taasi waa khayaano cad oo ay ku doonayaan inay awoodda faraha ku dhigaan.Sideedaba dawlad iyo islaam
isma qabsadaan.Dawladdu waa cidda haysa awoodda siyaasadeed ee dal,dawlad islaami ahna waxaa looga jeedaa dawlad Alle xilka u dhiibay.Dawladda Alle xilka u dhiibay waxay dabcan leedahay awood
ballaaran,mucaaradna laguma noqon karo.Salafiyadu waxay dawladda "islaami”u aqoonsan yihiin marka ayagu talada hayaan.Isku lifaaqa "dawlad” iyo "islaam” waa khayaano loogu talogalay in dadka

muslimiinta looga dhaadhiciyo inay taageeraan xukun raadinta Salafiyada.Waxay dadka ugu sheekeeyaan in dastuurka keliya ee la oggolyahay yahay Quraanka,taasna waa inay meesha ka
saaraan la xisaabtan hadday talada qabsadaan,marka ay u dagaallamayaan xukunkana ku doodaan inay u dagaallamayaan in dastuurka Alle la raaco.Dad badan oo muslimiin ah oo khayr doon ah ayaa
lagu duufsaday shirqoolkaas.Alle wuxuu na faray in dadka taladu ka dhexayso wada tashadaan(Alshuuraa),dastuurkuna waa waxa lagu heshiiyo wadatashigaas.Dawladda Salafiyadu
rabto waa mid u eg boqortooyooyinkii Umawiyiinta iyo Cabbaasiyiinta oo hal nin wuxuu doono sameyn jiray,hantidana keligii iska lahaa.Waana u jeeddada magaca Salafi.Waxay rabaan inay
taariikhda gadaal u celiyaan,taasoo khilaafsan sunnada Alle dunida u dejiyey oo ah in bulshooyinku horay u socdaan,maalin kastana wax cusub kororsadaan.Salafiyadu ku guulaysan mayaan waxa ay
rabaan,waxayse ku guulaysanayaan in dalka ay ku xoogaystaan laga qaxo ama silic iyo baqdin joogto ah loogu noolaado.Diintii Alle naxariista ahayd waxay u beddeleen mid laga dhaxlo
dagaal,burbur,saboolnimo iyo dib u dhac.Taas ayaa keentay in maanta dadka adduunka qaxootiga ka
ah ay intooda badani muslimiin yihiin,dalalkoodana uga soo carareen dagaallada Salafiyada.
Waxyaabaha kale ee Salafiyadu caanka ku tahay waxaa ka mid ah la dagaallanka aqoonta dabiicadda iyo waxbarashada oo qaarkood sida Boko Xaraam xaaraamaynayo,intooda badanise yasayaan oo
dhallinyarada ku guubaabinayaan inaysan waqtigooda isaga dhumin adduunyo.Ujeeddadu waa inay helaan bulsho la duufsan karo oo wixii la doono si fudud loo gelin karo.Aqoontu waa iftiin,dadka
aqoonta lehna wax kasta lagama dhaadhicin karo.Midda kale wax horumar ah lagama yaabo inuu ka
hirgalo dal aan aqooni ka jirin,maantana dunida waxaa lagu kala hormaray waa aqoonta.Dalka
Salafiyadu ku xoogaysato laga heli mayo aqoonyahanno,intii horay u joogteyna way ka qaxayaan
haddaan ka hor la dilin.
Sidoo kale waxay aad ula dagaallamaan isticmaalka caqliga.Waxay meel kasta la taagan yihiin inaan
diinta iyo caqligu wada socon karin,adeegsiga caqliguna gaalnimo horseedayo.Waxay ardadooda
baraan hadal oranaya;haddii diintu caqli tahay,khufka hoos baa la masixi lahaa.Immisa aayadood oo
Quraan ah ayaa dadka ku boorinaya inay fekeraan oo caqli isticmaalaan.Caqligu waa iftiin,Allena
diinta wuxuu usoo dejiyey noole caqli leh.Waxaana laga sheegay nin indheergarad ah;Alle asagaa
dadka caqliga siiyey,diin caqligaas ka hor imaanaysana uma soo dejiyo.Alle wuxuu Quraanka ku
sheegay in khalqiga Alle ay ugu shar badan yihiin kuwa aan caqliga adeegsan(Al anfaal 22).
Salafiyadu waxay caqliga ula dagaalayaan si dadku u noqdo xoolo meeshay doonaan u
kaxaystaan,markay rabaanna bumbo dhexda ugu xiraan si uu ugu fuliyo danahooda gurracan oo Alle
iyo diintiisaba kasoo horjeeda.
Waayahan waxay u kala qaybsameen dhawr kooxood ka dib markii wadaaddada khaliijka ee soo
dirsaday lacagtana siiya ay qaybsameen.Waxa la isku haystaana waa waddada loo marayo si talada
loo qabsado,ee wax kale maaha,waana sababta ay dadka kale oo dhan u gaaleysiiyaan Shabaab
mooyee.Taasi waxay keentay in lala baxo magacyo cusub sida Al-ictisaam,Dam jadiid,Alshabaab iyo
kuwo kale.Ayaga ayaa hadda middi isla raadinaya,markaas ayaad maqlaysaa kuwo qaylinaya oo ka
digaya in dhiigga muslimiinta la daadsho,muslimiinta ay sheegayaanna waa iyaga ee ma ay kala jecla
dadka kale ee aan Salafiyada ahayn!
Dunida islaamku maanta waxay ku jirtaa xaalad aad u adag xag dhaqaale,siyaasadeed,milateri iyo
horumarba.Waxaa taasi dhalisay in laga qaxo dhulalka muslimiinta,malaayiin qofna ay diinta ka
baxayaan.Magaca diinta iyo dadka haysta ayaa lagu wasakheeyey dhiig lagu daadinayo magaca diinta
waana waajib qof kasta saaran inuu barto diinta inta uusan ka qayb qaadan dagaallada magaca
diinta loo adeegsanayo.Dhallinyarada diinta ka shakiday ama ka baxday waxaan kula talinayaa
inaysan u qaadan in diinta islaamku tahay sida Salafiyadu u fahamtay.Ha degdegina ee baaritaan

sameeya xataa hadday idinku qaadato noloshiinna oo idil.Alle asagaa ballan qaaday inuu hagayo
qofka run doonka ah(Al cankabuut 69),Allena ballantiisa kama baxo.
Ugu dambeyn,waxaan kula talinayaa salafiyada inay dadkooda ka mid noqdaan,oo joojiyaan
burburka dalka iyo xasuuqa dadka.Qaar badan oo idinka mid ah niyad fiican iyo xamaasad diineed
ayaa wadda,laakiin ogaada dembi la galo kan ugu weyn waa in ilaahnimo la sheegto iyo in qof si
xaqdarro ah lagu dilo.Maxaad oran lahaydeen haddii Suufiyadu hub qaadato oo dadka ku qasabto
inay suufi noqdaan?Waxaan hubaa inaad taas waalli u arki lahaydeen,kana dagaali lahaydeen.Ma
jirto koox xaq u leh inay dadka ku qasabto fikirkeeda iyo sida ay diinta u fahmeen.
Q:CabdiRaxmaan C.Xaashi
Halkan Ka Daawo:Hees Cusub Oo Uu Sameeyey Abwaanka Caanka Ah Ee Abdimalik
Halkan Ka Daawo Beelaha Axmed Cali iyo Daahir Cali ee Adan Madoobe oo Kalsoonidi Kala Noqday Suldaan Barkhad Iyo Caaqilka Faahiye Xassan ee Adan Madoobe..
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
WAREYSIYO