Thursday November 26th, 2020
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

MAALIN KA MID AH MAALMIHII NOLOSHA NABI MUXAMED SCW

0
Monday November 02, 2020 - 16:40:06 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 234
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MAALIN KA MID AH MAALMIHII NOLOSHA NABI MUXAMED SCW

    MAALIN KA MID AH MAALMIHII NOLOSHA NABI MUXAMED SCW

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MAALIN KA MID AH MAALMIHII NOLOSHA NABI MUXAMED SCW
Acww - Horta fasax iyo nasasho Allah gartay ayaan galay waxa Cajiib ah Kitaab aan turjumay 2015 oo Ka hadlaya Nebi Muxamed Noloshiisii oo aan haleeli waayay tafatirkiisa iyo soo saaristiisa ayay ii suurta gashay in ayaamahaan fadhiyay aan dhamaystiro weliba waxuu ku soo beegmay waqti nebiga la hadal hayo iyo dhalashadiisii SCW.

Waan daabici doonaa lkn Waxaan gartay in aan halkan idiin soo dhigo isagoo WORD ah waayo macaash iyo faaiido laga raadin maayo ee in dadka la baro diintooda oo ay helaan Kutub afkooda ku qoran. Insha allah qofkii waqti helayaa hoos ha ka furto.Faraxaan Aadan Haybe Guddoomiyaha Hay'adda Shaqaalaha Dawladda ayaa sidaa yidhi

MAALIN KA MID AH MAALMIHII NOLOSHA NABI MUXAMED


SCW

Daraasad Koobaysa Qorshe-Hawleedkii Nebiga ee Maalinlaha ahaa

Waxa qoray

Dr Cabdiwahaab B.Naasir Al- Turayti

Makkah,

Waxaa turjumay

Farxaan Aadan Haybe

Hargeysa, Somaliland

Mahadnaq Qoraaga Buuga

Waxaan si qiime leh oo qoto dheer halkan uga mahadnaqayaa cid kasta oo igu dhiir gelisay qoraalka kitaabkan oo ilaahay subxaanuhuye mahad oo dhan iska leeyahay. Dabcan waxaan iyagana halkan uga mahad celinayaa dadka hoos ku suntan;

Sheekh Cabdullaah Ibn Bayyax

Dr Cabdulwahaab Ibn Sulaymaan

Dr Axmed Baraa al-Amiri

Dr Cabdullaah Ibn Muxamed al-Qutxami

Dr Sacad Ibn Cattiyah al-Qaamidi

Dr Cabdullaah Ibn Cabdulraxmaan al-Subayh

Dr Axmed Ibn Muxamed al-Saqr

Dr Saami Ibn Cabdulcassis al-Majid

Dr Cabdullah Ibn Xamid al-Sakakir

Dr Khalid Ibn Fahad al- Bahlool

Mudane Jameel Muxamed al-Farisi

Mudane Saalix Ibn Xamuud al-Fowsaan

Mudane Yaasir Ibn Badr al-Xusaymi

Sheikh Muxamuud Shaaban Cabdul al-maqsuud

Kitaabkan mid kasta dadka kor lagu xusay ka mid ahi wuu sii eegay markii nuqulka ugu horeeeya aan soo saaray. Sidaas ayay ku saxeen waxii u baahnaa sixis ka dib markay aad u eegeen iina siiyeen dhiirigelin iyo weliba talo. Si wayn ayaanan uga faa’iiday talooyinkoodii oo suurta geliyay in aan dibu sixis iyo habayn ku sameeyo hab qoraalka. Waxaanay mid kasta oo ka mid ah culimadaas iyo xubnaha kale ee sharafta mudani leeyahay ajrigiisa iyo abaalkiisa.

Ilaahayna waxaan uga baryayaa inuu ugu naxariisto dadaalka ay geliyeen kitaabkan.

 

 

 

HORDHAC

Halkani waa magaaladii timirta iyo qalbigii nuurka islaamka ka soo fufay, waa halka uu qalbiga nebigu SCW yaalay, waa magaaladiisii, dadkiisii. Waa magaaladii markuu yimi wax kastaa nuur u siyaaday. Dadkeedu way jeclaayeen soona dhoweeyeen, isaguna wuu jeclaa oo duceeyay.

Waxa ku taala Buurta Uxud oo nebigu SCW xidhiidh qoto dheer la lahaa aadna uu jeclaa, iyaduna jeclayd. Waxa lagu tilmaansan karaa magaalo uu dhex lugayn jiray, raadadkiisiina laga xusuusanayo ilaa maanta. Waxa halkan, magaalada Madiina ku yaala masaajidkiisa oo qol yar oo ku dheganaa u ahaa guri uu ku noolaa. Laakiin waxaa masaajidku ahaa madarasad, iskuul iyo jaamacad ay wax ka barteen rag iyo dumar tiro badan. Waxuu ahaa halka looga arimiyo islaamka.

Waxaynu kitaabkan ku eegaynaa shaqadii nebigu SCW qaban jiray ee maalinlaha ahayd inagoo saacad saacad u eegi doona. Si aan uga faaiidaysano qiimaha noloshiisa oo ahayd calaamad iyo badhaadhe ilaahay u soo saaray bini-aadamka. Waxaan eegi doonaa noloshiisa caadiga ah siday ahayd iyo masuuliyada Ilaahay saaray oo ah gaadhsiinta dadka diinta Ilaahay ahna in aan Allaah kale jirin Ilaahay keligiis mooyee, muxamedna yahay rasuulkiisii.

Nebigu SCW waqtigiisa waxuu ku isticmaali jiray ayaynu eegi doonaa, si aan uga helo aqoon inagoo barbar dhigayna qof kastana u kordhin doonta dibu-eegis bal sida uu waqtigiisa u maamulo iyo faraqa dhaqan ee u dhexeeya isaga iyo nebi Muxamed SCW. Nebiga SCW waxa la socday oo wax ka baran jiray asxaabta oo dhan iyagoo qorayay, xifdiyay kagana dayan jiray ficiladiisa oo dhan sababtaas ayay indhaha dadka oo dhami meel kasta ha joogee ula socdeen. Ma jirin wax gidaaro ah oo qarinayay noloshiisa u gaarka ah ee gurgiisa. Qalbiyada asxaabtiisa iyo indhahooduba sidaas ayay ula socdeen iyagoo jecel isna uu jeclaa la jirkooda iyo la joogoodaba.

Nebi Muxamed SCW waxuu ilaalin jiray sidoo kalena ka faa’iidaysan jiray daqiiqad kasta oo waqtigiisa ka mid. waxaanu aaminsanaa in daqiiqad kasta waxa dhexdeeda la sameeyo la iska xisaabin doono sababtaas awgeedna ujeedo macno leh looga faa’iidaysto.

Kitaabkan waxaan ku milicsan doonaa waayaha nololeed ee nebigeenii Muxamed N.N.K.H.A inagoo wax ka baranayna meel kasta oo uu joogo; masaajidka, guriga. Waxaynu arki doonaa isagoo hurda iyo isagoo soo jeeda oo shaqo adag ku jira. Waxaynu soo dhex mari doonaa waxyaalo badan tusaale: isagoo ilma yar laabta ku haya ama ilmo yar garabka ku sita.Waxa is waydiin leh: side ayuu nebigan qaaliga ahaa uga soo baxay fariintii ilaahay ugu soo dhiibay aadmiga? Sidee ayuu hawlihiisa shaqo isugu duba ridan jiray? Siduu maalintiisa u isticmaali jiray?

Hadaba, aan wada eegno sida diranahan; nebiga, Ilaahay rasuulkiisa, Aabaha, Saaxiibka iyo odayga uu u isticmaali jiray waqtigiisa. Taasna in aan ogaano waa sababta kitaabkan aan u qoray: Maailin ka mid ah Maalmihii Muxamed (A Day in the life of Muhamed)

Cabdul Wahaab Ibn Naasir al-Turayri

Makkah Jimce, 20/7/1431 Hijriga

Ereyga Turjumaha Kitaabkan

Ilaahay ayaa mahad oo dhan iska leh, midka aynu u nahay adoomaha, ina siiyay xikmada garashada iyo aqoonta iyo nimco badan oo aynaan halkan ku soo koobi karin balse ay ugu mudan tahay Islaamnimada. Nabadgelyo iyo naxariista ilaahay korkiisa ha ahaato nebigeenii Muxamed oo uga marag kacayno in uu ina soo gaadhsiiyay fariintii, inuu gutay amaanadii inoogana digay dhamaanteen waxa inaga horeeya aakhiro ilaa uu xaqii u yimi.

Kitaabkan ma aha kii koowaad ee aan turjumo, waxa ka horeeyay kitaabka Sabirka iyo Mahadnaqa oo uu qoray ilaahay raali ha ka ahaadee sheekha islaamka Ibn Qayyim al-Jawzziyah. Insha allah midkana noqon maayo kii ugu danbeeyay ee waxaan ilaahay ka baryaynaa inuu na siiyo sabir iyo adkaysi aanu kutub badan ugu turjino luqada af soomaaliga.Waxaan leenahay xeeladayda iyo awoodayda midna ma ahayn in ay ii suurta gasho hawsha turjumida kitaabkan balse waxay ku timi doonista Allaah oo ay ahayd awoodiisa mida suurta gal ka dhigtay.In wax la turjumaa ma hawl yara weliba in arrimaha diinta iyagoo afka ingiriisiga ku qoran afsoomaali laga dhigaa waa arin aad u dhib leh balse Alxamdulilaah, ilaahay ayaa mahad oo dhan leh. In luqada afka soomaaliga laga dhigo kitaabkan waxaan ula jeednaa in aan ummada afka soomaaliga ku hadasha uga faa’iidayno in ay helaan aqoonta diintooda oo ku qoran afkooda si ay si sahlan ugu fahmaan ugana faa’iidaystaan iyo in anagana nooga sugmo oo ka raadino ajri iyo abaal ilaahay noogu daro miisaanka xasanaadkayaga. Kitaabkan loogama jeedo in lagu helo macaash ama looma daabacayo sifo ganacsi lagu heli karo dakhli Xaashaa-Lilaah. Waxaan adkaynaynaa in aan ula jeedno ilaahay dartiisa kelliya. Waxaan ilaahay ka baryaynaa inuu nooga dembi dhaafo waxii gef iyo meel ka dhac ama turunturo ah ee aanu galay ama ka muuqda shaqada aanu qabanay ee turjumida, taasna cid kale eed kuma leh ee waa aqoontayada gaaban iyo wax shaydaan ka adeegay. Waxaan halkan uga mahad celinayaa dhamaan culimada iyo dadka kale ee gacanta ka gaystay dibu eegista iyo sixista qisooyinka, dhacdooyinka, aayaadka quraanka ah, axaadiista ku jira kitaabkan. Waxan si gaar ah mahad aan la koobi Karin u xambaarinayaa walaalkay Cabdikariim Aadam Saciid oo dib u eegay iyo qaar ka mid ah caruurtayda: Safa Farxaan, Suhayb Farxaan, Sihaam Farxaan, Salmaan Farxaan oo aayaadka ii fududaynayay halka ay quraanka kaga jiraan maadaama ay xufaad yihiin iyo Saciid Farxaan Aadan oo markaan qorayay ila joogay ishana marinayay qoraalka af soomaaliga hadba inta aan turjumo. Saciid waa 8 Jir xiligan aan turjumayo Kitaabka balse dadaalkiisa aanu iga ag tegin xilli kasta ayaa igu khasbay in aan halkan ku xuso. Waxa kale oo aan xusayaa oo u mahad celinayaa Towfiiq Farxaan Cabdi oo qaybta Tixraaca soo turjumay iyo shaqaalaha Hayada GAVO oo ugu horeeyo Agaasime Axmed Cumar Xersi oo iyaguna soo akhriyay. Ugu danbayn, waxaan ummuda islaamka ee Afka Soomaaliga ku hadasha ka codsanaynaa cid kasta oo akhrida kitaabkan in waxii qalad ah ee ay ku arkaan noogu soo gudbiyaan cinwaankayaga hoos ku qoran si aan u saxno daabacaada labaad. inshaa allah khayr wayn ayaad ka dhitaysan doonaan arintaas.

Farxaan Aadam Haybe

Hargeysa, Soomaaliland.

Arbaca, 1da July 2015

Email:farhaibe@gmail.com

Telefoonka: 00 252 63 4444431

DILDILAACA WAAGA SUBAXEED

Markuu kaaha waaberigu ka soo dhex mudho mugdiga habeenka. Xiligaas, Bilaal codkiisa eedaanka salaada subax ayaa gilgila aamusnaanta habeenka magaalada Madiina. Xiligaas Ilaahay Rasuulkiisu SCW wuxuu ku jiraa hurdadiisa habeenka badhkiisa u danbeeya, ka dib waqti dheer oo uu soo jeed ku ahaa taagni uu ilaahay ugu cibaadaysanayo salaad sunne ah habeenka intiisa badan.

Marka uu Bilaal eedaanka dhameeyo uu dadka salaada subax ugu yeedho, Nabigu hurdada ayuu ka kici jiray, waxa ugu horeeya ee uu qaban jiray waxay ahayd inuu soo qaato cadaygiisa (Miswak) kuna nadiifiyo ilkihiisa. Markaas waxuu odhan jiray:Mahad oo dhan Allah ayay sugnaatay na nooleeyay dhimasho ka dib xagiisana aanu u noqonayno.Dabadeed waxuu ka daba odhan jiray kelmadaha eedaanka ee mu’adinku ku tiraabayo tusaale;"Alaahu Akbar”Ilaahay ayaa wayn;Nabigu waxuu ka daba odhan jiray"Allaahu Akbar”marka uu mu’adinku yidhaa:"Ashhadu an la ilaaha illa Allah” macno ahaan; waxaan qirayaa in aan Allaah mooyee Alle kale jirin, Nabiguna waxuu ka daba odhan jiray kelmada ah"Wa Anna”oo la macno ah aniguna sidaas ayaan ka marag ahay. Markuu Mu’adinku yidhaa: Ashhadu anna Muxameda rasuulu Allah, oo macno ahaan ah; Waxaan qirayaa in Maxamed yahay rasuulkii Ilaahay, nabiguna waxuu odhan jiray "Aniguna sidoo kale”. Mu’adinka ayaa markan odhanaya"Haya ala Salah; Haya ala-Falaax”oo la macno ah: u kaalaya Salaada; U kaalaya liibaanta. Mid kasta waxuu odhan jiray:"Xeelad iyo awoodi ma jirto mida Allah mooyee”. Mida u danbaysa ee eedaanka waxa weeye Alaahu Akbar oo ah ilaahay ayaa wayn, sidaas ayaanu nabigu uga daba tiraabayay mu’adinka.

Nabigu waxuu raacin jiray ducadan: Allaahu ma Raba Xaqa Haadihil Dacwatul Taama, Wa Salaatu Al Qaaima, Ati Sayidanaa Muxamed Al Wasiila, Wal Fadiila, Wa Darajatul Caaliyah Alrafiica, Wa Bacas Al-Maqaamal Maxmuud Alatii Wacata, Inaka-La-Tukhlifal-Miicaad(Alahayow rabiga yeedhista dhamayska tiran iyo salaada toosan ee gaadhsiinta ee fadliga leh ee darajada sare ee koraysa iyo soo saarista la kulanka nebiga ee aad noogu balan qaaday adiguna aad tahay midka balanka oofiya).

Nabigu haduu u baahdo maydhasho jidhka ah wuu soo maydhan jiray, hadii kale oo uu wayso u baahan yahay kaliya wuu soo waysaysan jiray. Xiliyada qaar ayuu isagoon waysaysan salaada tujin jiray, markaas ayaa qof waydiiyay in ay sidaas in la sameeyaa sax tahay. Jawaabtiisu waxay ahayd: indhahayga oo kaliya ayaa seexday ee qalbigaygu wuu soo jeeday.

Laba rakcadood ee sunaha ka horeeya subaxa ayuu guriga ku soo tukan jiray, laba rakcadood oo gaagaaban oo loo maleeyo sida uu ugu dhakhsaday in aanu taagnida ku dhamaynin akhriska suurada faatixada oo ah waajib in la akhriyo.

Labadaas rakcadood ee sunaha ah waxuu inta badan akhriyi jiray 109:(1-6) aayaadka suurada Al-kaafuruun:Waxaad tidhaa gaalooy, ma caabudayo waxaad caabudaysaan,idinkuna ma caabudaysaan Allahaan caabudi,mana aan caabudin waxaad caabudeen,idinkuna hadda ma caabudaysaan Allahaan caabudi, idinkuna diintiinaad leedihiin aniguna diintaydaiyo aayaadka suurada Ikhlaas:Waxaad tidhaa (Nabiyow) Allah waa kalli( Wehelna ma leh), Waana Sayid( deeqtoon). Allah wax ma dhalin, isna lama dhalin, wax la mid ahina ma jiro112:(1-4). Marmarka qaarkood waxuu akhriyi jiray suurada Al-baqra:waxaad dhahdaan waxaan rumaynay Eebe iyo waxa naloo soo dajiyey iyo waxa lagu soo dajiyay Ibraahim, Ismaciil, Isxaaq, Yacquub. iyo Caruurtoodii iyo wixii la siiyay (Nabi) Muuse iyo (Nabi) Ciise iyo wixi laga siiyey Nabiyadii (Kale) xagga Eebahood kala gaynamayno dhexdooda, waxaan u hogaansamaynaa Eebe(2:136), iyo suurada Al-Cimran:Waxaad dhahdaa Nabiyow Ehelu-Kittabow u kaalaya kalimo (odhaah) aan u simanahay aniga iyo adinkaba oo ah inaynaan caabudin Eebe mooyee, (wax kale) oynaan lana wadaajin waxba kana yeelan qaarkeen qaar Eebayaal, Hadday jeedsadaanna waxaad dhahdaa marag noqda inaan Muslimiin nahay(3:64) Ama suurada isla Al-Cimran:Markuu ka kasay Ciise Xaggooda Gaalnimo yuu yidhi yaa iigu gargaari Eebe, waxayna dhaheen Xawaariyiintii (gargaarayaashii) anagaa ah gargaaraha Eebe (Diintiisa) waxaan rumeynay Eebe ee marag ka noqo inaan Muslimiin nahay. Eebow waan rumeynay waxaad soo dejisay waxaana raacnay Rasuulka ee nagu qor (naga dhig) la jirka markhaatiyada(3:52-53).

Nabigu wuxuu aad u ilaalin jiray oogista labada rakcadood ee sunaha ka horeeya salaada subax. Waxaanu odhan jiray; labadan rakcadood way iiga qaalisan yihiin aniga waxa aduunka gabi ahaan dul yaala iyo waxa dhex yaala oo dhan.

Marka uu labada rakcadood ee sunaha tukado, hadii ay xaaskiisu soo jeedo wuu la sheekaysan jiray si kalgacal leh.bal ka warama farxadeeda gabadh marka waagu dilaaco odaygeedu wada sheekaysi qiime iyo kalgacal leh la wadaagayo. Hadiise ay hurudo, nabigu dib ayuu ugu jiifsan jiray gogasha isagoo dhinaciisa midig dhulka marinaya ilaa ay ka gaadho xiligii salaada subax la tukanayay.

Marka Bilaal dareemo in dadkii soo wada gaadhay masaajidka, nabiga ayuu ugu iman jiray guriga, si uu salaada u tujiyo muslimiinta isaga oo leh; waa xiligii salaada rasuulkii ilaahayoow. Markaas ayuu nabigu soo bixi jiray si uu salaada u tujiyo.

Nebigu SCW masaajidka markuu soo galayo waxuu odhan jiray:Magaca ilaahay ayaan ku bilaabay nabadgalyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaato rasuulka ilaahay. Allahayoow, iiga danbi dhaaf danbiyadayda iina fur albaabada naxariistaada.Waxaan Allaha awooda badan ka magan galay, wajigiisa wayn iyo gargaarkiisa aan duugoobin shaydaanka rajiimka ah.

Marka Bilaal arko nabiga oo soo galaya masaajidka, ayuu iqaami jiray salaada si la isugu taago markaas ayay asxaabtu eegi jireen nabiga oo soo socda, dabadeedna ay dhamaan isu taagi jireen salaada oogisteeda iyagoo safaf toosan ah.

Xiliyada qaar ayuu nabigu soo gali jiray masaajidka isagoo madaxiisu biyo ka da’ayaan maydhasho uu markaa maydhay. Xilliyada adagna, waxuu soo gali jiray masaajidka, oo markaas la aqiimi jiray, sidaas ayaanay asxaabtu isugu taagi jireen salaada iyagoo safaf toosan ah, nabiguna isu taagi jiray meeshiisa si uu salaada u tujiyo. Markaas ayuu is xusuusan jiray in uu u baahan yahay maydhasho. Waxuu marxaladaas gacantiisa ku ishaari jiray asxaabta si ay u sugaan oo meeshooda u taagnaadaan. Guriga ayuu ku noqon jiray waxaanu u qubaysan jiray si dhakhso ah oo ku soo noqon jiray masaajidka, isagoo biyihii uu ku maydhay madaxiisa ka tif leeyihiin. Nabigu xaaladaas muu qarsan jirin, lamana uu yaabi jirin, sababtoo ah waxuu ahaa qof caadi ah oo noloshiisu ay la mid tahay sida habka nolosha caadiga ah ee bini-aadamka. Sida quraanku u sheegay isagoo qeexaya midka uu yahay Nabiga ilaahay u soo diray dadka;hadiiba aanu u magacaabi lahayn malag inaanu soo diro, xaqiiqdii waxaanu u muujin lahayn sidii nin (6:9)Markuu Nabigu mixraabka istaago si uu tukiyo salaada, waxuu xaqiijin jiray in safafka asxaabta tukanaysa ee isaga ka danbaysaa ay toosan yihiin. Waxuu nabigu odhan jiray "toosiya safafkiina isuna dhowaada, in la toosiyo safafka waxay ka mid tahay dhamaystirka salaada”. Dabadeed waxuu odhan jiray "Allaahu Akbar” oo la macno ah "Ilaahay ayaa wayn” marka uu leeyahay kelmadaasna, waxuu gacmihiisa kor ugu qaadayay ilaa ay la simaan garbihiisa, markaas ayuu gacantiisa midig dul saari jiray gacantiisa bidix. Dabadeed waxuu odhan jiray isagoon kor u qaadin codkiisa: "Wajigayga waxaan ku qaabilay Allaha samada abuuray samooyinka iyo dhulka anigoo ah mid toosan oo Muslim ah, kama mid ihi kuwa Allaah wax kale la wadaajiya (jiritaankiisa iyo awoodihiisa ilaahnimo). Salaadayda, gawracayga, noloshadayda iyo geeridayduba Ilaahay-rabiga caalamka ah ayay gacantiisa ku jirtaa. Cidna u shariik yeeli maayo waxaanan ka mid ahay kuwa ugu horeeya ee muslimka ah.

Markuu bisinka hoos u akhriyo, waxuu kor u akhriyi jiray suurada ugu horaysa quraanka, ee Faatixada, taas oo akhriskeeda yahay waajib in la akhriyo rakcad kasta oo salaada ah. Nabigu waxuu suuradaha u akhriyi jiray si waadix ah, isagoo aayad kasta ku hakan jiray dhamaadkeeda. Waxuu u akhriyi jiray Alxamdulilaahi Rabi Al Caalamiin "Mahad Eebaa iska leh ee barbaariyaha caalamka( Koonka),Al raxmaani raxiim"ee mid guud iyo mid gaar ahba naxariista”,maaliki yaw mi diin "ee Hanta maalinta abaal marinta (Qiyaamaha)”,iyaaka nacbudu "adiga ayuun baan ku caabudaynaa”,Wa iyaaka nasta ciin "adiga ayuun baanu ku kaalmo waydiisanaynaa”,Ihidina Siraad al Mastaqiim "ee nagu hanuuni jidka toosan(Xaqa)”,Siraada al ladiina ancamta caleyhim qayril maqduubi caleyhim wala daaliin"jidka kuwii aad u nimcaysay eedan u cadhoon lumina”.intaas ka dib waxuu akhiriyi jiray suurad kale, iyadoo rakcada hore uu dheerayn jiray halka rakcada danbana uu suurada faataxada ka danbaysa soo gaabin jiray. Inta badana waxuu akhiriyi jiray isugayn labada rakcadood inta u dhaxaysa 60 iyo 100 sadar, taasina waxa ay la xidhiidhaa sida uu jideeyay quraanku marka laga hadlayo akhrinta quraanka ee salaada subax dhexdeeda;Isu taag (oog) salaadda markay Qorraxdu suusho Ilaa madawga Habeenka iyo Quraanka (Salaada) Waabariga (subaxa) Quraanka Waabariguna waa mid la Joogee (Malaa'igta) (Sura Isra 17:78).Jimcayaasha, waxuu akhiriyi jiray Surah Al-Sajda (32) rakcada hore iyo suurada Al-Insaan (76) oo uu akhriyi jiray rakcada labaad.

Mararka qaarkood Nabigu SCW wuu qunuudi jiray/ducayn jiray salaada dhexdeeda marka uu rukuucda rakcada labaad ka soo tooso, gaar ahaan waxuu sidaa samayn jiray marka xaaladi la soo daristo muslimiinta. Waxuu nabigu, ilaahay subxaanuhuye waydiisan jiray inuu muslimiinta ka faydo kurbada iyo inuu u aqbalo guul iyo barako. Gabaygii Cabdullaahi Ibnu Rawaaxa oo ahaa Ansaarigii nabiga la socon jiray, ayaa ku sifeeyay gabaygiisa xaaladaas sidan;

"Waxa na dhex joogay rasuulkii Allaah sida uu yahay nuur shidan oo ka dhex ifaya mugdiga waaga subaxii markuu akhriyayo kitaabka ilaahay”.

Nabigu SCW, marka uu dhameeyo salaada subax, waxuu odhan jiray isaga oo halkiisa fadhiya oo qiblada u jeeda: Istaqfur-Allaah oo ah"ilaahayow denbidhaaf na sii”sadex jeer ayuu ku celin jiray. Sidoo kale waxuu raacin jiray ducadan;Alahuma anta Salaam, Wa minka Salaam Tabaarakta Rabanaa yaa dul jalaali wal ikraam. Markaas ayuu dhinaca midigtiisa u soo jeedsan jiray, mararna waxa dhacday inuu bidixda u soo jeestay. Markuu wajigiisu u soo jeediyo asxaabtiisa, waxa ugu horeeya ee maqli jireen isagoo leh;Alahayoow iga nabadgali ciqaabkaaga maalinta aad soo saarto adoomahaaga.

Nabigu CSW, waxuu markaa waynayn jiray Allaah subxaanuhuye isaga oo leh:"Allaah kaliya mooyee alle kale ma jiro, isagaa mulkiga oo dhan leh, isagaana mahadi u sugnaatay, waxkastana isagu waa mid meel marinteeda awood u leh (Laa Ilaaha Ila Allaah waxdahu laa shariika lah, lahul mulk walahul xamd wa huwa calaa kuli shay’in qadiir).Sidoo kale waxuu odhan jiray:Allaah kaliya mooyee alle kale ma jiro, waxaanu u gaar yeelaynaa cibaadada haba dhibsadaan gaaladuye.Waxa kale oo uu nabigu SCW odhan jiray:Allaahu laa maanic lamaa acdayt, walaa mucdii lamaa manacta walaa yanfacu duu jadi minka jada.Markuu intaas yidhaa ayuu tasbiixsan jiray(Subxaana Allah, Alxamdulilaah, Allaahu-akbar)waxaanu ku soo dhamayn jiray:Allaah kaliya mooyee alle kale ma jiro, isagaa mulkiga oo dhan leh, isagaana mahadi u sugnaatay, waxkastana isagu waa mid meel marinteeda awood u leh (Laa Ilaaha Ila Allaah waxdahu laa shariika lah, lahul mulk walahul xamd wa huwa calaa kuli shay’in qadiir), Allahayow waxaan ku waydiisanayaa khayrka maalintan iyo waxii khayr dhexdeeda ku jira iyo khayrka waxii la socda. Allahayow waxaan kaa magan galay caajisnimo iyo xaalada qalafsan ee xiliga gabowga, iga nabadgali cadaabta naarta iyo cadaabta qabriga”sidaas waxuu odhan jiray subaxa iyo makhribka kaliya waxuu keliya kala badali jiray kalmadaha subax iyo galab meelaha ay ducooyinka kaga jiraan.

Waxa kale oo uu odhan jiray:"Allahayow caafimaad wanaagsan ii sii jidhkayga, maqalkayga, aragayga. adiga mooyee ilaah kale ma jiro. Allahayow, waxaan kaa magan galay gaalnimo iyo saboolnimo/faqri; waxaan kaa magan galay cadaabta qabriga. Adiga kaliya mooyee Ilaah kale ma jiro”Waxuu sidaas odhan jiray saddex jeer subax iyo galabtii.

Xilligaas, adeegayaasha guryaha Madiina oo dhan ayaa u iman jiray Nabiga SCW, iyagoo sida weel biyo ku jiraan, si nabigu ugu tufo cashar, iyagoo ka codsan jiray inuu gacantiisa u galiyo biyaha. Waxuu gacantiisa galin jiray biyaha ku jira weel kasta oo loo dhiibo. markasta xilliga salaada subax waa loo keeni jiray haba ahaato xilli qaboobe, Nabigu SCW wuu barakayn jiray biyaha isagoo gacantiisa galinaya.

 

Waaberiga subaxnimo iyo Xaalka Nabiga

Marka nabiga iyo asxaabtiisu ay dhamaystaan salaada iyo ducadooda, waxa ay isu soo dhowayn jireen safafkooda iyagoo ku soo ururaya nabiga halka uu fadhiyo oo ah halkii uu salaada ku tukaday. Isagoo xagooda u soo jeeda soona qaabilaya asxaabta, waxa uu iftiinka waagu qabtaa wajigiisa nuurka badan. Nabigu SCW, waxuu lahaa waji aad iyo aad u qurxoon oo nuur badan, qof kasta oo u fiirsada wajigiisuna waxuu ka dheehanayay runta waxa lala soo diray, sida uu ku sifeeyay Cabdullaahi Ibnu Sallaam oo yidhi:"Markaan ka bogtay wajigiisa, waxaan dhab u aqoonsaday in aanu ahayn waji beenaale”

Nabigu SCW, waxuu bilaabi jiray wacdi sida uu wariyay Al-Irbad Ibnu Siriyah: Maalin ayuu nabigu SCW salaadii subax ka dib noo jeediyay wacdi ka oohiyay indhihii dadka dareenka iyo sida wacidgaasi u warwar geliyay. Mid dadka ka mid ah ayaa nabiga waydiiyay: rasuulkii ilaahayow wacdigaagu maanta waxuu u ekaa sidii qof sogaati ah, markaa maxaad na odhan lahayd? Waxuu nabigu SCW ku yidhi:waxaan idinkula talin lahaa inaad ilaahay ka baqataan iyo inaad dhagaysataan oo adeecdaan hogaankiina haba ahaado adoon madow ahe. Kuwiina sii noolaadaa waxay arki doonaan waxyaalo badan oo khilaaf ah. Ka fogaada waxyaalaha aan saxa ahayn, waxay idinku hogaamin baadi. Midkasta oo idinka mid ah oo sii noolaadaa ha ku dhegenaado sunahayga iyo sunnaha khulufada, kuna dhegenaada taas.Wacdiga nabigu SCW, had iyo jeer muu ahayn mid aad u dheer oo soo noqnoqda. Waxuu ahaa mid degen oo aanay asxaabtu ku daalin kana caajisin.

Marka ay asxaabtu ku soo ururaan agtiisa, waxuu odhan jiray ma jiraa qof xanuunsanaya si aan u soo booqano? Hadii ay ugu jawaabaan maya, waxuu odhan jiray ma jiraa qof dhintay oo la aasayo si aynu uga qayb galo aaskiisa?

 

Waxuu sidoo kale su’aali jiray, hadiiba uu jiro qof uu tebayo oo maqan.Waxa jirtay gabadh madow oo masaajidka nabiga nadiifin jirtay, nabiguna SCW wuu tebay maalin, markaas ayuu asxaabta su’aalay. Waxaa loo sheegay in ay geeriyootay. Nabigu SCW, wuu ka cadhooday isagoo leh: Maxaad iigu sheegi waydeen? Waxaanay u muuqatay in ay asxaabtu u arkayeen arin iska fudud, waxaanay ugu jawaabeen: Rasuulkii Ilaahayow waxay dhimatay habeenimo waana la aasay, waxaananu dhibsanay in aanu hurdada kaa toosino. Nabigu SCW, waxuu waydiistay asxaabta inay tusaan qabrigeedii, sidaas ayuu ku tegay qabrigeedii, waanu ku tukaday una duceeyay.

Maalin ayaa nabigu SCW, ogaaday in Saxaabiga Taabit Ibnu Qays Ibnu Shammas maqan yahay. Markaas ayuu waydiiyay isagoo leh, maxaynu u arki waynay Taabit, ma xanuun ayaa haleelay? Sacad Ibnu Macaad ayaa u jawaabay isagoo leh; Rasuulkii ilaahayow anigaa la jaar ah kamana maqal wax war ah oo sheegaya inuu buko. Sacad ayaa tegay si uu u soo eego waxaanu ka helay gurigiisii isagoo ooyaya albaabkana xidhay. Sacad waxuu waydiiyay maxaa kugu dhacay? Taabiit waxuu yidhi arin aad u xun ayaan sameeyay. Allaah ayaa yidhi;Kuwa xaqa rumeeyow ha ka saraysiinina codkiinna codka Nabiga, hana kula jahrina (qaylina) hadal sida qaarkiin qaar ugula jahro (qayliyo) si aan camalkiinnu u burin idinkoon ogayn (49:2).Waxaan ahayn nin cod dheer leh, markaa waxaan ka baqay codkaygaa dheer awgiis in uu iga buriyo camalkayga iina horseedo cadaab. Markaas ayaa Nabigu SCW ku yidhi, Taabit adigu kuwaas kama mid tihid. Waxaad u noolaan doontaa si fiican si fiicana waad u dhimanaysaa, waxaanad ka mid tahay dadka janada.

Halkaas waxaynu ka arkaynaa sida nabigu SCW ula socday xaalada asxaabtiisa, isagoo midna aan ilaabi jirin. Midkasta oo ka mid ah asxaabtu waxuu lahaa kaalin iyo malko u gaar ah. mid kasta oo ka mid ah asxaabtu marka ay la joogaan nabiga SCW waxay ahaayeen qaar qiimo wayn leh, kuwa maqana lama ilaawi jirin. Arintaasi waxay tilmaan iyo calaamad u tahay hogaaminta fiican iyo xoojinta isku xidhnaanta dadka iyo muujinta dareenka loo hayo qof kasta oo bulshadaas ka mid ah.

Salaada subax ka dib, waxuu nabigu waydiin jiray asxaabtiisa riyooyinkooda, isagoo leh: hadii mid idinka mid ah uu xalay riyooday ha ii sheego si aan u fasiro. Sidaas ayay ugu sheegi jireen riyadooda, isaguna ugu fasiri jiray mida wanaagsan ee khayr u leh. Tusaale uu wariyay cabdulaahi binu salaam waxuu yidhi:waan riyooday waqtigii nabigu SCW noolaa. Riyadayda waxaan ku arkay aniga beer balaadhan oo qurux badan dhex jooga, dhexdeeda waxa ku yaala tiir bir ah. Tiirkaasi waxuu ku taagan yahay dhulka madaxiisuna cirka ayuu gaadhsiisan yahay. Halka u saraysa tiirka waxa ku taal goobo. Waxa la igu yidhi fuul/kor tiirka. Waxaan idhi ma fuuli/kori karo. Qof shaqaale ah ayaa ii yimi oo kor ii qaaday, markaas ayaan fuulay ilaa aan gaadhay goobadii oo aan qabsaday. Waxa la iisheegay in aan xejisto. Markaas ayaan toosay, anigoo u haysta in goobadii gacanta iigu jirta. Sidaas ayaan nabiga SCW, ugu sheegay riyadaydii. Waxaanu yidhi: beertu waa islaamnimada, tiirkuna waa tiirka islaamka, goobaduna waxa ay tilmaan u tahay haysashada diinta. Macnaheeduna waa inaad haysanayso islaamnimada ilaa aad ka dhimanayso. Cabdullaahi Binu salaam waxuu ahaan jiray Raabi yuhuudi ah, waxaanu soo islaamay markii uu nabigu Madiina tegay. Cabdullahi waxuu noolaa 35 sanno nabiga SCW markuu dhintay ka dib. Xiligaas kooxo dad ah ayaa diinta ka baxay oo weliba dagaal kala hor yimi maamulkii islaamka, laakiin Cabdilaahi Bin salaam sidii uu nabigu ku fasiray riyadiisa wuu adkaystay islaamnimadiisii ilaa uu ku dhintay.

Maalin ayaa nabigu SCW, ka codsaday asxaabtiisa in ay riyadooda la wadaagaan si uu ugu fasiro. Nin ayaa markaas yidhi:Rasuulkii ilaahayow waxaan riyo ku arkay daruur roobaad laakiin subag iyo malab da’aysa. Dadkuna waxay u dhiganayeen gacmahooda waxa u da’aya. Dadka qaar in badan ayay ka qaadanayeen, halka qaar kalena in yar ka qaadanayeen. Waxa kale oo aan arkay xadhig samada ka soo laalaada ilaa dhulka soo gaadhay. Waxaan arkay adiga oo haysta xadhigaas oo kor u fuulay/koray. Nin kale ayaa isna soo koray oo haysta xadhiga isagoo meel sare taagan, sidoo kale nin kale ayaa soo koray oo isna meel sare taagan, nin sadexaad ayaa qabsaday xadhigii markaa ayuu go’ay. Markaas ayaa loo guntay sidaas ayuu ku koray.

Abu-Bakar ayaa yidhi: rasuulkii ilaahayow ii ogolow in aan fasiro, rasuulkuna wuu ka aqbalay. Markaas ayuu Abu-bakar RC yidhi: Daruurtu waa islaamnimada iyo hadhka ay dadkeeda siiso. Malabka iyo subaguna waa quraanka, maadaama quraanku yahay macaan iyo mid dhamaystiran. Dad inta badan ka qaatay waxa kuwa bartay quraanka in badan halka kuwa waxa yar ka qaatayna yihiin kuwa quraanka in yar ka bartay. Xadhiga samada ka soo laalaadayna waa runta aad adigu nabiyow noogu yeedhayso, ilaahay ayaana darajedaada kor yeelay runtaas awgeed, markaad ayaa nin qaadanayaa xadhigaas oo kor u baxayaa, hadana nin kale ayaa imanaya oo isna qaadanaya oo kor u baxaya halka nin kalena wuu qaadanaya markaas ayuu ka go’ayaa oo u guntamayaa oo isaguna kor u baxayaa. Rasuulkii ilaahayow ii sheeg in aan si saxa u fasiray iyo in kale. Rasuulku waxuu yidhi: Sax ayaad sheegtay qaybo halka qaybo kalena ka qaldan yihiin. Abu-Bakar RC, ayaa yidhi ilaahay ayaan kugu dhaarshee ii sheeg kuwaan qalday. Rasuulka ayaa yidhi ha I dhaarinin.

Halkan waxaa laga dheehan karaa sida axsaabta Rasuulka ay riyooyinkoodu uga turjumayeen shaqada ilaahay ay u hayaan ee ah diintooda iyo camalada lagu adoonsaday. Waxaana la yaab ah in soo jeedkoodana ay ahaayeen qaar dhamaystira cibaadada oo ku foogan halka markay hurdaan waxa caqligooda ku soo dhacaa riyo ahaan uu u badnaa mid la mida soo jeedkooda waxa ay ku warwar sanaayeen dhamaystirkeeda.

Samurah ayaa wariyay in xilli nabigu waydiiyay bal inay jirto cid riyootay, waxaan ku nidhi ma jirto Rasuulkii Ilaahayow. Waxuu ku jawaabay;xalay waxaan arkay laba nin oo igu soo socda, gacanta ayay i qabteen ilaa ay i geeyeen dhulka barakaysan”” xadiisku wuu dheeraa si faahfaahsan ayaanu uga hadlay xaaladaha dadka ay ku waajibtay cadaabta rabi iyo sababta loo cadaabayo. Waxa kale oo xadiisku ku jirta arimo kale oo iftiiminaya aakhiro iyo xaalkeeda.

Maalmaha qaar wada sheekaysiga asxaabtiisa waxay ahaayeen qaar uu nabiguna ka qayb qaato sheekada ama uu dhagaysto waxay ka wada hadlayaan. Waxay ka hadli jireen xaalkoodu siduu ahaa islaamka ka hor, waxay qaban jireen jaahiliyadii iyo sida ay uga xun yihiin waxyaalaha aan runta iyo qiimaha lahayn ee ay samayn jireen. Sidoo kale waxay ka sheekaysan jireen qiimaha wayn ee islaamnimadu u keentay iyo iftiinka iimaanka. Marka ay sheekooyinkaas is waydaarsanayaan waa ay ku qosli jireen jaahilnimadoodii islaamka ka hor markaas nabiguna SCW wuu dhoola cadayn jiray. Nabigu SCW, masaajidka ayuu ku nagaan jiray ilaa ay cadceedu ay si dhamaystiran u soo baxdo.

Markay cadceedu soo baxdo ayuu nabigu CSW u dhaqaaqi jiray dhinaca gurigiisa. Markuu ka baxayo masaajidka waxuu odhan jiray:"waxaan ku bilaabay magaca allaah, nabadgalyo iyo naxariisina korkiisa ha ahaato rasuulkiisa. Allahayow iga dhaaf danbigayga iina fur albaabada naxariistaada”

Marka uu gurigiisa galo, ugu horayn waxuu cadayi jiray ilkihiisa si uu u nadiifiyo afkiisa daahirka ahaa. Wuu salaami jiray ehelkiisa isagoo leh: "Assalamu Caleykum; nabadgalyo korkiina ha ahaato. Side tihiin, xubnaha qoyska guriganow? Markaas ayuu qofkasta oo guriga jooga halkiisa ku booqan jiray isagoo salaamaya una ducaynaya. Kaliya marka uu booqanayo waxa uu dhaafi jiray qofka uu arko isagoo salaad ku jira. Waqti badana may ahayn inta uu salaamayo qof kasta una ducaynayo.

Waxa la wariyay inuu nabigu SCW mar u galay qolkii Juweeriyah iyadoo cibaado ku jirta, markaas ayuu ka baxay si ay u wadato salaada iyo ducada.

Inta uu gurigiisa joogo, marka uu u baahdo cunto wuu waydiisan jiray isagoo leh: miyay wax la cunaa yaalaan? Hadii wax yaalaan waa loo keeni jiray. Inta badana waxay ahayd cunto fudud sida timir, caano la qalajiyay ama Hays (timir, caano iyo subag la isku daray) ama caano kaliya ama sharaab laga sameeyay timir ama malab mudo biyo lagu daray. Hadii aanay waxba oolin, marka loo sheego, waxuu odhan jiray maanta waan iska soomanaanayaa.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Dib ugu noqoshada masaajidka

Marka uu nabigu SCW uu soo jaangooyo booqashada xaasaskiisa, waxuu dib ugu noqon jiray masaajidka. Marka ugu horaysa ee uu galo, laba rakcadood oo gaagaaban ayuu ku tukan jiray meel u dhow tiir ka mid tiirarka masaajidka oo la odhan jiray Tiirka Muhaajiriinta kaas oo ku dhex yaalay badhtanka goobta barakaysan ee Rowdada. Inta badan nabigu SCW goobtaas ayuu ku tukan jiray salaadaha sunaha ah.

Rowdada ayuu fadhiisan jiray isagoo dhabarka ku haya qolka Caasha oo ku dheganaa masaajidka. Halkaas ayay ku soo ururi jireen asxaabtu, waana kulan iska caadi joogto ah oo qof kasta oo raba inuu wax waydiiyo nabiga ama wax ka ogaado diintiisa ama u socda nabigu ugu iman jiray. Kulankaasi marba si ayuu ahaa dhinaca tirada asxaabta waxaanay ku xidhnayd xaalada. Marka ay yihiin tiro yar, waxay samayn jireen wareeg kooban oo nabiga SCW ku wareegsan, hadii ay asxaabtu badan yihiina waxay u fadhiisan jireen laba saf oo midna midigta ka maro midna bidixda si qof kasta oo qariiba ama cusub oo u socda nabiga SCW ama qof su,aal u hayaa uu u fadhiisan karo agtiisa.

Marka uu Nabigu SCW la fadhiyo asxaabtiisa waxuu ahaa mid hadalkiisu xikmad ku dheehan tahay, korna aan codkiisu u dheerayn ahayna mid hooseeya. Waxay ahaayeen weedhaha uu isticmaali jiray qaar kooban oo qofkastaa fahmi karo, sababtaas awgeedna, qof kastaa wuu jeclaysanayay inuu dhagaysto marka uu hadlayo.Caasha Bintu Abubakar (ARHA) ayaa tidhi: Rasuulka ilaahay uma hadli jirin si hadal badnaan ah sida idinku aad u hadashaan. Waxuu u hadli jiray si cad oo qof kasta oo dhagaysanayaa uu xafdiyi karo weedhaha uu ku hadlay.

Inta badan waxuu nabigu SCW dooran jiray aaraah is waydaarsiga, isagoo ku bilaabi jiray su’aal. Su’aasha marka uu waydiiyo waxa xikmadeedu ahayd in uu xiiso galiyo asxaabtiisa si ay u helaan jawaabta. Sida mar uu yidhi: ma idiin sheegaa midka danbiyada waaweyn ugu xun? Waxay yidhaahdeen: Rasuulkii Ilaahayow noo sheeg.Waxuu yidhi:in Ilaahay lala wadaaajiyo cid kale jiritaankiisa, in aan loo samo falin waalidka iyo dhaarta beenta ah.Tusaale kale; waxuu ahaa mar uu waydiiyay: ma taqaaniin qofka faraha madhan ee musalafay? Waxay yidhaahdeen waa qofku marka aanu haysan lacag ama hanti. Waxuu yidhi qofka faraha madhan bulshadayda waa qofka maalinta qiyaamaha la imanaya camal badan oo fiican sida salaad, sako, soon, sadaqad, laakiin intuu noolaa aduunkii waxa uu sameeyay danbiyo kan ayuu caayay, mid kale oo uu ceebeeyay, si sharci daro oo wax kaga qaaday qof, qof uu dhaawacay, mid kale oo uu dilay.qof kasta oo cidii uu waxyeelay ka mid ah waxa la siinayaa qayb ka mid ah ajrigiisii. Hadii camalkiisa fiicnaa/ajrigiisu dhamaado inta aanu wada bixin waxii uu gaystay waxa la soo qaadayaa danbiyada dadka uu wax u gaystay, oo isaga loo diiwaan galiyaa sidaas ayaanu naarta ku galayaa.

Maalin kale nabigu SCW, waxuu asxaabtiisa waydiiyay: waxaad ii sheegtaan geedka u dhigma sifaha muslimka. Ma soo daadiyo caleentiisa, waxaanu bixiyaa midho xilli kasta. Waxay asxaabtiisii sheegeen noocyo badan oo dhir ah, laakiin markasta oo ay geed magacii sheegaanba waxuu nabigu SCW ku lahaa ma aha midkaas.Cabdulaahi ibnu Cumar oo markaas ugu yaraa tobanka asxaabi ee la joogay ayaa inkasta oo uu garanayay inuu geedka timirta ah yahay, waxuu eegay dadka nabiga la joogay ee su’aasha la waydiiyay oo ay ku jireen Abu-bakar iyo isaga aabihii Cumar ibnu khadaab, sababtaas ayuu uga xishooday oo isaga aamusay. Markaas ayaa nabigu sheegay in uu yahay geedka timirta.

Waxuu nabigu SCW ku celin jiray sadex jeer markii arin sheegayo, si uu u hubiyo in siday tahay loo fahmay ama uu adkeeyo ahmiyada iyo faa’iidada waxa uu sheegay. Tusaale; markuu ka hadlayay denbiyada waaweyn waxuu ku daray beenta loo badheedho iyo dhaarta waanu ku celceliyay ilaa dadku jeclaystay inuu joojiyo, iyadoo u dareen qaba khatarta arintaas ay leedahay.

Mararka qaarkood nabigu SCW waxuu si kedis ah su’aal u waydiin jiray asxaabtiisa tusaale ahaan; mar ayuu waydiiyay: midkiinee maanta sooman? Dhamaantood umay diyaar garoowin su’aashaas maadaama aanay soomanayn. Hadiiba ay ogaan lahaayeen in nebiga Allah uu waydiin doono su’aashaas dhamaan way soomi lahaayeen. Markaa dhamaantood way aamuseen abubakar oo kaliya ayaa yidhi: aniga ayaa sooman rasuulkii ilaahayow. Rasuulku waxuu mar kale waydiiyay: midkiinee maanta soo booqday qof xanuunsanaya? Mar kale ayay dhamaan wada aamuseen oo sidoo kale abubakar ayaa yidhi: anigaa maanta qof xanuunsanaya soo booqday. Rasuulku su’aal kale ayuu hadana ku waydiiyay asxaabta: midkiinee maanta raacay jinaasad/ mayd qof dhintay? Dhamaantood way ka aamuseen, Abu bakar ayaa yidhi anigaa raacay maanta qof dhintay aaskiisa. Markaas ayuu waydiiyay; midkiinee sadaqad la baxay manta, si la mida ayay uga aamuseen Abubakar mooyee Dabadeed nabiga ayaa yidhi: hadii mid idinka mid ahi afartaa shay oo sameeyo maalin kaliya dhexdeed, waxa hubaal ah inuu janada galayo.

Nabi Muxamed SCW, mararna waxuu hadalkiisa ku kabi jiray tusaalayaal si macnaha looga bogto. Mar waxuu sawiray goobo dhexda ay kaga taal layn dheer o toosan oo dhinacyada gaadhsiisan. Markaas ayuu laynkana ka sii jeexay layman yaryar oo dhinacyada kaga yaal. Markaas ayuu waydiiyay asxaabtiisa isaga oo leh: ma taqaanaanwaxa sawirkani yahay? Waxay ugu jawaabeen Allaah iyo rasuulkiisa ayaa og. Waxuu ugu jawaabay: laynka dhexe ee toosani waa qofka biniaadamka ah. laymanka gaagaaban ee dhinacyada kaga yaalaana waa xaaladaha adag ee ku gadaaman qofka. Waxaanay kaga imanayaan dhinacyada oo dhan, hadii mid uu ka gudbo mida kale ayaa heleelaysa. Goobaduna waa dhamaadka noloshiisa taas oo qabanaysa marka ugu danbaysa. Laynkan ka danbeeya goobada waa rajadiisa. Waxaanu rajaynayaa waxyaalo ka baxsan noloshiisa kuwaas oo geeridu uga soo horaynayso.

Halkaasna waxaynu ka arki karaa xikmada iyo aqoonta durugsan ee nabiga SCW Allaah siiyay ee isugu jirta waxbaris, toosin iyo badbaadin dadka uu uga digayo cadaab daran. Nabigu SCW kaliya tilmaamo muu bixin jirin ee sidoo kale waxuu ku dari jiray wada sheekaysi si qofka uu wax u sheegayaa uu uga qayb qaato habka wax barista. Runtii habka waxbarista nabigu waxuu ahaa qaab hodan ku ah erey bixinta sidoo kalena ay ka muuqato aqoon dheeraad ah oo suurta galinaysay in qofka wax ka baranayaa aanu ku daalin sidoo kalena fahamkiisa kor u qaadaysay.

Waxa hababkaas wax barista qayb wayn ka ahaa salaada iyo ducooyin uu markasta nabigu SCW dembi dhaaf rabigiis kaga baryayo. Waxaanay taasi dareen wayn siin jirtay asxaabtiisa iyagoo ogsoon in nabigu SCW mar kasta cadaynayay fulinta amarka Allaah iyo dalabka dembi dhaafkiisa isagoo ku muujinaya tasbiix, taxmiid iyo tahliil iyo weliba duco ahaan.

Waxay asxaabtu ka tirin jireen ilaa 100 jeer/mar ee uu yidhaa Alahayow ii dembi dhaaf (Astiqfurulaah) ama duco u dhiganta.

Caruur yaryar ayaa marar loo keeni jiray isagoo xiligaas ku dhex jira shaqadii subaxa ee masaajidka dhexdiisa. Markaas ayuu u ducayn jiray, isaga oo soo qaadaya timir uu afka ku calaaliyo oo inta uu jilciyo markaas ayuu dhanxanaga ama ciridka ugu dhejin jiray si ay u dheecaamiyaan. Waxaanu caruurta dhalatay ee loo keeno u bixin jiray magac una ducayn jiray.

Hal arin ayaan tusaale u soo qaadanaynaa oo ka mid ah midka kor aan kaga hadalay.Abu Usayd Maalik Ibn Rabiicah Al Saciidi ayaa nabiga u keenay ilmo u dhashay oo wiil ah, Al-Mundir, nebigu SCW, waxuu dhigay ilmihii agtiisa isagoo aabihiina ag fadhiya. Markaa nabiga waxuu mashquul ku ahaa arin uu sugayay. Abu Usayd ayaa tilmaam bixiyay markaas ayaa qof qaraabadiisa ka mid ah ilmihii qaaday kuna celiyay gurigii. Nebiga ayaa soo jeestay isagoo leh mee ilmihii? Abu Usayd ayaa yidhi: rasuulkii ilaahayow gurigii ayaan u diray. Nabigu waxuu waydiiyay magaciisa ii sheeg? Aabihii ayaa magac sheegay, markaas ayaa naebigu ka diiday isaga oo leh ha ugu yeedhin kaas ee waxaad ugu yeedhaa Al-Mundir. Sidaas ayaa Abu Usayd ugu magac bixiyay wiilkiisii Al-Mundir.

Nabiga waxa marar loo keeni jiray timirta ugu horaysa ee bislaata xilliga gurashada, timirtuna waxay ahayd midhaha ugu mudan ee khudrad ahaan dadka Madiina ay isticmaalaan. Waxaanay ahaayeen qaar farxad iyo raynrayn muujiya xiliga midhaha timirtu u bislaato gurasho. Markaas ayay nebiga u keeni jireen. Markuu wax ka qaato ayuu odhan jiray ducadan: "Allahayow noo barakee midhahayaga oo barako gali kuwa magaaladayada; allahayow noo barakee mid yar iyo badanba. Allahayow Ibraahim waxuu ahaa adoonkaagii, saaxiibkaa iyo nabigaagii. Aniguna waxaan ahayn adoonkaagii iyo nabigaagii. Waxuu kuugu tukaday Makka aniguna waxaan kuugu tukanayaa Madiina si la mid ah sida uu kuugu tukaday Makkah iyo labanlaabkeed. Markaas ayuu u yeedhi jiray ilmaha ugu yare ee goobta jooga oo timirtii uu gacanta ku hayay siin jiray.

Mararna waxa kaftan farxad ay ku ladhan tahay dhex mari jiray asxaabta iyo Nabiga SCW. Ma ahayn Nabigu SCW mid waji kakan, mana ahayn mid dhibsada sheekada iyo su’aasha aqoon korodhsiga ah ee mid ka mid ah asxaabtiisu waydiiyo. Maalin ayaa isaga oo nabigu dhex fadhiya asxaabtiisa oo la hadlaya waxa la joogay nin reer miyi ah (badwi). Nabiga ayaa yidhi nin raga ehelka jannada ka mid ah ayaa Ilaahay subxaanuhuye waydiisanaya inuu wax beerto. Ilaahay ayaa waydiinaya: Miyaan lagugu siin janada dhexdeeda wax kasta oo aad jeclayd? Ninkii ayaa odhanaya: Haa Rabigayow waad i siisay, laakiin waxaan jecelahay wax beerista. Markaas ayuu siidhkii ku tuuray ciida oo beertay, isha bidhiqdeeda ayaa geedkii ku baxay oo dheeraaday oo midho badan soo saaray, midhahaas oo gurashana u bislaaday. Dhirtuna waxay leegtay sida buuraha oo kale janada. Ilaahay ayaa adoonkiisii ku yidhi: waa kaas waxaad i waydiisatay Ina- Aadamow. Ma jiro wax ku raali galinayaa. Markii uu nabigii dhameeyay hadalkii, ayaa ninkii badwiga ahaa yidhi: Rasuulkii Ilaahayow, Ilaahay ayaan ku dhaartee qofka sidaa odhanayaa waa Quraysh ama Ansaar. Iyagaa jecel wax beerista. Anagu hadii aanu nahay badwida, waxba kuma falo beeraha. Qof kastoo markaas goobta fadhiyay oo uu ku jiro Nabigu ayaa qosol la jeestay.

 

Waxay u muuqatay in kulankaasi ahaa kulamada martida cusubi la joogto nabiga SCW. Dadka safarka ahi had iyo jeer habeenkii magaalada may soo gali jirin ee duleedkeeda ayay u hoyan jireen si ay subaxa hore u soo galaan, xiligaas oo ah xiliga nabigu kulamadiisu socdaan. Safaradaa waxa ka mid ahaa mid uga yimi reer Mudar. Waxa nabiga SCW ay u soo galeen goor duhur ah markaas ayaa nabigu arkay dacdarada iyo diifta ka muuqata. Markaas ayuu wajigiisu is badalay markuu xaalkoodii arkay. Markii uu salaadii duhur tujiyay ayuu dadkii la hadlay isagoo waydiistay in ay deeq u soo ururiyaan martida. Markiiba waxa loo keenay laba shay oo ay ka buuxaan maryo iyo cunto si uu martida u siiyo.

Wafti kale ayaa nabiga u yimi oo ka yimi reer Abdi al-Qays, kuwaas oo ka yimi Al –Hassa oo ah barriga Careebiya. Nabigu wuu soo dhoweeyay, isaga oo leh: soo dhowaada ma noqonaysaan qaar la fogeeyo mana murugoon doontaan.

Inta badana waxay kulamadaas nabiga iyo asxaabtu ahaayeen kuwa uu marar badan ka soo qayb galay Malakul Jibriil, isagoo nabiga ugu yimi muuqaal nin isaga oo maryo cad, timihiisuna madow yihiin oo aanay haba yaraatee ka muuqan calaamad qof socoto ah. markaas ayuu nabiga wax ka waydiiyay Islaamka, Iimaanka, Ixsaanka iyo goorta qiyaamuhu dhacayo iyo calaamadaha lagu garanayo.

Sidoo kale, waxay kulamadaas Nabiga SCW iyo asxaabtiisu ahaayeen kuwa uu marar badan Dimam Ibnu Al Saclaba u yimi Nebiga si uu u arko. Dimam waxuu awrkiisii fadhiisiyay masaajidka agtiisa, markaas ayaa dadkii joogay waydiiyay isagoo leh: midkiinee ah Ina Cabdul Mudalib? Nebiga ayaa u jawaabay oo yidhi: Waa i kan. Ninkii ayaa ku yidhi su’aalo adag ayaan ku waydiinayaa, markaa yay kugu adkaanin. Nebiga ayaa yidhi: su’aal kasta oo aad hayso waad i waydiin kartaa, ninkii ayaa yidhi: waxaan kugu dhaarinayaa Ilaahay magaciisa, Allahaaga iyo midka dhamaan kuwii kaa horeeyay, adiga Ilaahay ma waxuu ku soo diray adiga oo rasuulkiisa u ah dhamaan bini-aadamka? Nabiga SCW ayaa yidhi: Ilaahay baan ku dhaartee, haa wuu ii soo diray. Ninkii ayaa markan waydiiyay nabiga inuu wax uga sheego islaamka, nebiguna wuu u sharaxay una sheegay. Ninkii ayaa yidhi: Ilaahay ayaan ku dhaartee intaas waxba ku dari maayo waxna ka saari maayo. Markii ninkii tegay ayuu nebigu SCW yidhi: Ninkani si fiican ayuu wax u bartay, hadii hadalkiisa ka run sheegayana janada ayuu galayaa.

 

Kulamadani iyo goobtuba waxay u ahaayeen islaamka halka looga arimiyo, wax lagu baro laguna maamulo arimahooda. Halkan ayuu kulan wada tashi ahi ka dhacay ka hor intii aan go’aan laga gaadhin kuwii kufaarta ahaa ee weerarka soo qaaday dagaalkii Uxud. Halkan ayaa go’aanka laga soo saaray markii la qaatay in difaac loo qodo Madiina si looga difaaco huwantii isa soo bahaystay ee kufaar iyo yuhuud wada socda ahaa. Waxyaalo badan oo maanta nolosha dadka islaamka ah meel wayn kaga jira ayaa kulamadaas soo bixi jiray, sababtuna waxay ahayd hogaamiye hore oo abid jiray iyo mid iman doona midkoodna ulama tashan doonaan sida nebigu SCW ula tashan jiray asxaabtiisa. Dabcan, nebigu waxuu raacayay awaamiirta Allaah sida Ilaahay kitaabkiisa ku sheegay:"Kala tasho arimaha kolkaad dhexdooda joogto” (3:159)

Asxaabtu waxay qaarkood kulamadaas uga qayb geli jireen si iswaydaar ah sida Cumar Ibnu Khadaab RC sheegay; Waxaan lahaa nin jaarkayga ah oo Ansaari ah oo aanu wada degenayn dusha sare ee Madina. Midba maalin ayuu ka qayb geli jiray kulamada Nebiga iyo asxaabta. Markuu ninkaasi maalin tego, aniguna maalinta xigta ayaan tegi jiray. Maalintaan tago waxaan soo noqodkayga u sheegi jiray dhamaan waxii lagaga hadlay kulamadaas, isaguna si la mid ah ayuu maalintiisa iigu sheegi jiray waxii laga hadlay markuu soo noqdo.

Nabigu SCW, waxuu kulamadaas u dhex fadhiyay asxaabta sidii mid iyaga ka mid ah mana ay jirin calaamad gaar ah oo lagaga soo soocayay ama lagaga garanayay markuu dhex joogo. Waxa laga yaabaa in nin qariib socoto ahi soo galo oo raba inuu la kulmo Nebiga SCW, balse kamuu dhex garan jirin asxaabta ilaa uu waydiiyo. Waxa suurta gal ahayd in marar lagu garto wajigiisa ifaya ee nuurka huwan. Markaana waxay odhan jireen: waa ninka wejiga cad ee ifaya ee halkaa fadhiya. Asxaabtu waxay nebiga u soo jeediyeen in ay u sameeyaan miis dhoobo ka samaysan oo hortiisa ah, si dadka martida iyo cida rabta in ay nebiga la kulantaa uga garato asxaabta, nebiguna wuu aqbalay taas, laakiin waxay ahayd sanadkii ugu danbeeyay noloshiisa qiimaha wayn u lahayd oo ah sanadkii sagaalaad ee hijriyada kaas oo loo yaqaanay sanadkii waftiyada.

Nebigu SCW, waxuu ahaa mid dhoolacadayntiisa iyo wejigiisaba si siman uga dhexeeya asxaabta oo dhan mana ahayn mid cid gaar ah keliya eega ama u dhoola cadeeya. Taasina waxay niyada asxaabta gelisay in mid weliba arko in uu yahay ka ugu dhow nebiga.

Marka cunto la keeno masaajidka isagoo nebigu dhex jooga asxaabtiisa, wuu ugu yeedhi jiray waxaanu ahaa mid la wadaaga cuntada. Samuurah Ibnu Jundub ayaa weriyay: waxaanu la joognay nebiga SCW markuu weel wayn oo ay ku jirto Tahriid (waa cuntoyinka xilligaas ugu mudnaa carabta oo ahayd rooti iyo hilib) loo keenay. Wax ayuu ka cunay isaga iyo kuwii keenay cuntada. Dadkii kalena sidaas oo kale ayay ula cuneen, iyadoo kooxba koox ka daba cunayso ilaa ay gaadhay maalinta badhtankeedii. Markaas ayaa nin waydiiyay nebiga SCW isagoo leh: cuntada ma dibaa loo soo buuxiyay? Nebiguna SCW waxuu ugu jawaabay dhulka lagama soo buuxin ee cuntada la dhamaynwaayo waa mid kaliya samada ka timi (laga soo buuxiyo).

Mar ayaa nebiga SCW, waxaa loo keenay Lax hadyad ahaan loogu keenay. Markaas ayuu reerkiisii ku yidhi: diyaariya oo kariya laxdan, rootigaana qaada oo yar yareeya kana dhiga Ta’riid. Nebigu waxuu lahaa xeedho wayn oo la yidhaa Al-qarra oo ugu yaraan afar nin qaadaan. Subaxanimadii markii nebiga SCW iyo asxaabtii ay salaadii sunaha ee subaxa badhtankiisa dhameeyeen, ayaa xeedhadii loo keenay. Dadkii ayaa ku soo ururay, waanay badnaayeen. Nebiguna wuu soo ag fadhiistay. Nin badwi ah ayaa nebiga si adag u waydiiyay: sideen u fadhiistaa? Nebiguna waxuu ugu jawaabay: Allaah ayaa iga dhigay adeege naxariis badan, igamana dhigin kaligii taliye axmaq oo madax adag. Ka cuna inta hoose cuntada oo ka taga inta sare si barakadu ugu soo degto. Markaas ayuu raaciyay: qaata oo wax ka cuna, Ilaahay midka nebi maxamed gacantiisa ku jiro ayaan ku dhaartee waxaa la idiin furo oo qabsan doontaan Beershiya iyo dhul kale. cuntadiinu way badan doontaa, dadkuna ay cunayaan iyagoon odhan bismilaah.

Kulamada noocaas ahi marna way dheeraayeen marna way gaabnaayeen, waxaanay ku xidhnayd hadba sida xaalada iyo duruufta xilligaasi yahay. Marka Nebigu SCW kulamadaas subaxa soo geba- gabeeyo, wuu istaagi jiray isaga oo leh;Allahayow adigaa xumaan ka nasahan mahad oo dhan iska leh, waxaan qirayaa in aan adiga keligaa mooyee Alle kale jirin cidna kuu shariik yeelin ilaahayow dembi dhaaf ayaan ku waydiistay iyo toobad xagaaga ah. Markaas ayaa asxaabtu kala tegi jireen oo ninba meel u dhaqaaqi jiray. Nin xoolihiisa ama ganacsigiisa raacda iyo nin gurigiisa iska taga si uu u yara seexdo.

 

Nebigu SCW, laba mid ayuu yeeli jiray; inuu gurigiisa tago si uu u yara nasto ama uu socod ku tego suuqyada Madiina, si uu cid booqasho ka dalbatay uga tago ama qof u soo booqdo iyo inuu hawl kale si uu uga qayb qaato u tago.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Dariiqyada Madiina

Socodka dariiqyada Madiina, Nebiga SCW waxay u lahayd ujeedo wayn oo muhiim u ah dacwada diinta. Socodkiisuna lama mid ahayn, mana lahayn saamaynta uu leeyahay safarada madaxda xilligan oo ay yar tahay in lagu arko suuqyada magaalooyinka iyagoo lugaynaya. Nebigu SCW, marka uu soconayo, waxa la moodayay inuu lugihiisa ka kor qaadayo dhulka, markaas ayuu hore u socon jiray isagoo si degen u talaabsanaya. Qof kasta oo arkay, waxuu aqoonsanayay in aanu daalanayn, qof caajis ahna ahayn. Markuu soo jeedsanayo, waxuu soo jeedin jiray jidhkiisa oo dhan. Asxaabtuna way ka horayn jireen ama way dhinac socon jireen. Lama arag asxaabta oo ka danbaysa nebiga markay lugaynayaan. Taasina waxay ka duwan tahay sida ay hogaamiyayaasha dunidu maanta aynu joognaa ula macaamilaan dadka la socda oo inta badan iyagu ka horeeyaan dadkuna daba hadaafaan. Nebigu SCW, marka uu lugaynayo waxuu isticmaali jiray ul ama laan timireed. Mararna waxuu qaadan jiray ul yar ama mid madax buuran. Taasina waxay ahayd caadadii carabta maadaama ushu u ahayd qalab ay wax ku qabsadaan baahina loogu qabay bulshada hawlaheeda.

Hadii nebigu la kulmo jaariyad oo ay gacanta qabsato, iskama waynayn jirin ee wuu la hadli jiray, raaci jiray ugana jawaabi jiray arimaha ay waydiiso. Waxaana caadi u ahayd in aanu qof gacantiisa qabsaday iska dhufan ama sii dayn ilaa qofka kale sii daayo. Nebigu wuu dhoola cadayn jiray marka uu qof la kulmo. Jariir Ibnu Cabdullah ayaa yidhi: Markasta oo aan nebiga ilaahay la kulmo wuu dhoola cadayn jiray.

Dhoolacadaynta nebigu SCW, waxay ahayd mid soo dhowayn qofka ah oo niyad ah taas oo qofka siinaysay dareen ah inuu nebiga agtiisa ku leeyahay tixgelin. Asxaabiga Jariirna waxuu u haystay in nebigu kaligii markuu arko weji furan iyo dhoolacadayn ku soo dhoweeyo waanu ka sheekayn jiray, balse nebigu SCW dadka oo dhan isku si ayuu u soo dhowayn jiray.

Cabdulaah Ibnu Al Xaaris ayaa yidhi: Ma aan arag qof ka weji furan oo ka dhoolacayn badan Nebiga Ilaahay N.N.K.H.A

Hadii uu Nebigu SCW socodkiisa dhexdiisa la kulmo dhalinyaro ama wiilal, wuu salaami jiray isaga oo wejiyadoodana gacantiisa ku masaxaya. Jaabir Ibnu Samurah ayaa yidhi: nebiga ayaa maalin socod lug ah u baxay aniga Jaabir ahina waan la socday. Wiilal ayuu la kulmay, markaas ayuu masaxay dhabanadooda mid kasta oo ka mid ah. sidoo kale anigana dhabkayga ayuu masaxay, waxaan dareemay in gacantiisu qabow tahay, udgoona sidii oo imika laga soo saaray salad cadaro ku jiraan dhexdeeda. Runtii dhabankii uu nebigu ii masaxay waxuu ahaa mid ka fiican dhabankaygii kale muuqaal ahaan.

Nebigu SCW, waxuu booqan jiray Ansaarta xaafadahooda, markaas ayaa wiilasha Ansaareed u iman jireen kuna soo ururi jireen. Nebiguna wuu u ducayn jiray, madaxa u salaaxi jiray sidoo kale salaami jiray.

Maalin ayuu nebigu SCW, waxuu soo maray qabiilka Al-Najjaar. Dumar reer Al-Najjaar aha ayaa helay markaas ayay mashxaradeen iyagoo ku heesaya;

Waxaanu nahay adeegooyinkii reer AL Najjaar

Muxamedna waa jaarka ugu fiican

Nebiguna waxuu ku yidhi:Allah ayaa og in qalbigaygu idin jecel yahay. Allahayoow barakee dhamaantood.

Maalin ayuu nebigu soo dhex maray masaajidka markaas ayuu arkay koox dumar ah oo meel fadhiya, markaas ayuu salaamay isagoo gacanta u taagaya. Nebigu SCW, hadii cid la kulmo waxuu ahaa ka hor salaama. Wuu gacan qaadi jiray oo u ducayn jiray. Marka uu qof gacan qaadana muu celin jirin gacantiisa ilaa qof kale damco inuu gacantiisa ceshado. Cadiya Ibnu Xaatim ayaa ka waramaya kulankiisii ugu horeeyay ee nebiga;aniga oo dhinac socda ayay gabadh ilmo yar haysta u dhawaaqday nebiga, iyadoo leh: nebigii ilaahayow, waxaanu rabnaa in aan kula hadalo ee noo kaalay. Wuu u tegay markaas ayuu la hadayay waqti dheer isaga oo taagan. Waxaan isku dayay in aan hore u yara socdo, markaas ayaan ka fekeray: waxaan qirayaa in aanad la dhaqan ahayn diintayda ama diintii Al Nucmaan ibnu Al Mundir (waxuu ahaa boqor kiristaan ah oo ciraaq xukumayay). Hadii aad ahaan lahayd boqor, wiil yar iyo gabadhi kuma ay joojin kareen isumana taagteen waqti dheer. Waxaan dareemay qalbigaygii oo dareen jacayl iyo soo dhowayn u galay nebiga SCW.

Maalin ayuu nebigu SCW, isagoo lugayanaya waxuu la kulmay wiil neef la qalay haraga ka saaraya balse aan aqoon u lahayn sida ugu haboon ee neefka haraga looga saaro. Nebiga SCW ayaa u tegay oo ku yidhi: bal dhinac uga istaag si aan kuu tuso sida ugu haboon ee aad haraga uga saari karto. Markaas ayaa nebigu gacantiisa dhex galiyay haraga iyo cadka laxdii la qalay ilaa uu gaadhay garabka. Waxuu ku yidhi wiilkii: sidan ayaa haraga looga saaraa wiil-yahow. Markaas ayuu ka tegay.

Waxaynu arkaynaa sida nebigu ugu han waynaa inuu bulshada la sameeyo hab wada sheekaysi ay ku jirto kalsooni ka turjumaysa run ahaanta waxa loo soo diray oo ahayd inuu dadka wax ka baro diintooda iyo dhaqanka wanaagsan. Nebigu SCW waxuu ahaa mid tusaya dadka dareenka uu u hayo iyo miisaanka ay xagiisa ku leeyihiin bini-aadamku guud ahaan.

Mar nebigu SCW waxuu la joogay guriga mid ka mid ah asxaabtiisa, markaas ayaa Bilaal u sheegay in ay tahay waqtigii salaada. Wuu istaagay oo u kacay dhinaca masaajidka. Waxuu sii maray nin la taagan weel wayn oo cunto uu karinayay ku jirto. Nebiga ayaa waydiiyay ninkii isagoo ku yidhi: karintaadii ma dhamaystirtay? Ninkii ayaa ku yidhi: waa diyaar. Markaas ayuu nebigu wax ka qaatay oo afka geliyay, waxaanu masaajidka galay isaga oo weli calaalinaya waxii uu afka geliyay.

Waxaynu halkana ka arkaynaa sida nolasha nebigu u ahayd mid fudud oo hadana miisaan dhamaystiran leh. Sidaas ayaanu nebigu ula noolaa, oo ula dhaqmayay asxaabtiisa iyo dadka aan asxaabtiisa ahayn labadaba.

Nebigu SCW marka uu qof gurigiisa ku soo booqdo muu ahayn mid toos albaabka isu taaga. Sababtuna waxay ahayd guryaha oo gudahooda waxa ku jiraa la arki karayay aadna u yaryaraa. Sidaas darteed, marka uu nebigu istaago albaabka, ugu horayn waxuu salaami jiray ehelka guriga isaga oo leh: assalaamu Caleykum Waraxmatulaahi Wabarakaat. Hadii loo jawaabi waayo, sadex jeer markuu salaantaas ku celiyo wuu ka tegi jiray.

Maalin ayuu nebigu SCW booqday Sacad Ibnu Cubaadah, markuu albaabka guriga istaagay ayuu salaamay. Sacad ayaa maqlay salaanta balse hadal hoose ayuu ku yidhi: Wa caleykum wa salaam. Markaas ayaa nebigu maqli waayay oo ku celiyay sadex jeer. Sacadna mar walba uga jawaab celinayay cod hoose. Sidaas ayaa nebigu ku tegay, markaas ayaa Sacad ka daba tegay una yeedhay nebiga isaga oo leh: Ilaahii kula soo diray fariinta runta ah ayaan ku dhaartee, rasuulkii ilaahayow markasta oo aad I salaanto aniguna waan kuu jawaabayay, waxa keliya aan doonayay in aad marar badan na salaanto kaliya doonista naxariista Allaah.

 

Soo Booqashada Saaxiibada iyo Qaraabada

Nebigu SCW, waxuu saacadaha subaxii marar soo booqan jiray saaxiibadii ama qaar ka mid ah qaraabadiisa. Tusaale; mar ayuu u baxay si uu u soo booqdo inantiisii Faadumo gurigeeda si uu u soo arko caruurteeda uu awowga u ahaa gaar ahaan Xasan Ibnu Cali. Abu Hurayra ayaa weriyay in subax isaga oo jooga masaajidka nebigu SCW gacanta qabtay oo raacay. Gacantayda ayuu hoos u xejistay oo lugaynay, iyadoo midkaayana midka kale la hadal. Markii ugu horaysay waxaanu tagnay suuqa qabiilkii yuhuuda ee reer Qaynuqaac. Waxaanu ku soo wareegnay suuqa isaga oo nebigu eega

Halkan Ka Daawo:Hees Cusub Oo Uu Sameeyey Abwaanka Caanka Ah Ee Abdimalik
Halkan Ka Daawo Beelaha Axmed Cali iyo Daahir Cali ee Adan Madoobe oo Kalsoonidi Kala Noqday Suldaan Barkhad Iyo Caaqilka Faahiye Xassan ee Adan Madoobe..
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
WAREYSIYO