Saturday November 28th, 2020
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

Saameynta uu Dunida Islaamka ku-yeelan karo Joe Biden

0
Monday November 09, 2020 - 19:32:11 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 264
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saameynta uu Dunida Islaamka ku-yeelan karo Joe Biden

    Saameynta uu Dunida Islaamka ku-yeelan karo Joe Biden

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saameynta uu Dunida Islaamka ku-yeelan karo Joe Biden
Guud-mar
Joseph Biden ayaa la xaqiijiyey inuu ku guuleystay xilka madaxweynenimo ee dalka mareykanka asagoo guul taariikhi ah kagaaray madaxweyne Donald Trump oo ay siweyn u
loolameen. Biden waa rug-cadaa kusoo gaamuray siyaasadda dalka Mareykanka, asagoo xilka aqalka sare ee senatorka dalkaas kumatalay deegaanka uu kasoo jeedo ee Delaware
lagasoo bilaabo sannadkii 1972-2009-kii, markaas oo loo doortay xilka madaxweyne
kuxigeenka dalkaas. Biden oo taqasus-kiisa waxabarasho uu yahay sharciga, ayaa mudadii uu ahaa mudane
katirsan aqalka sare lagu bartay codkarnimo iyo inuu heli ogyahay doodaha kalfadhiyada,
asagoo meel adag ka istaagay dagaaladii Mareykanku kawaday Vietnam taageerayna in lagasoo saaro ciidamada Mareykanka dalkaas, sidookale waxuu ahaa gayfane u ololeeya xaquuqda aadanaha, helida adeeg caafimaad oo lacag la,aan ah, dhowrista deegaanka iyo
qaadista canshuur loo siman yahay oo laga qaado dadka tujaarta ah iyo saboolkaba. Biden ayaa dhanka kale xiligii uu kamid ahaa gudiga siyaasada arrimaha dibeda ee aqalka


sare aad ugasoo horjeeday dowladii midab takoorka ee ka arriminaysay dalka South Afrika, asagoo aad u dhaliili jiray siyaasada arrimaha dibeda Mareykan ee kuwajahan S/Afrika.
Biden ayaa sidookale markii hore aad u taageeray qorshihii lagu weeraray Iraq ee meesha looga saaray Saddam Hussein balse markii danbe ku sifeeyay qalad weyn oo lagu dhacay. Kahor inta uusan kuguulaysan ololaha doorasho ee xilka madaxweynimo 7-dii November
2020-ka, Biden waxuu xilka madaxweynenimo iskusoo sharaxay sannadadii 1987-dii balse ololihiisa ma noqon mid najaxa, markale 2008-dii waxuu iskusoo sharaxay doorashada
xisbigiisa markan wuu awoodi waayey inuu u babac-dhigo ololihii musharaxiintii kula

loolamayey xisbigiisa ee Barack Obama iyo Hilary Clinton sidaasna ugu hungoobay mar labaad hankiisii. Kadib 8 sanno oo uu ahaa madaxweyne kuxigeen iyo 4 sanno oo diyaar
garoow xoogan ah, xubnaha iyo taageerayaasha xisbiga dimoquraadiga ayaa gartay inuu Biden yahay musharaxa ugu mudan ee la tartami kara meeshana kasaari kara madaxweyne
Trump, taasoo olole xoogan oo lagusoo jiitay mujtamaca kala diimaha, isirka iyo rabitaanka duwan ee Mareykanka kadib miro-dhalay kana dhigay madaxweynihii 46-aad ee
Mareykanka.
Doorkii maamulkii Obama iyo Biden ee dunida islaamka
Maamulkii madaxweyne Obama oo uu Biden qeybta ka ahaa ayaa dunida Islaamka la lahaa xiriir isku dhafan oo dhinac ka wanaagsan marka la barabar dhigo maamulka Trump
dhinacna aysan ka marnayn dhibaato uu kageystay dunida Islaamka gaar ahaan duqeymihii
diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee drones ka geysteen dalalka Soomaaliya, Yemen, Pakistan iyo Afghanistan kuwaa oo lagu dilay shacab kumanaan ah sida lagu sheegay
warbixino ay soo saareen hay’addaha u dooda xaquuqul insaanka. Doorkii Mareykanku kulahaa kicinta iyo taageerida kacdoonkii ka curtay wadamada Carabta iyo duqeymihii
huwanaa magaca NATO ee lagu qaarajiyey Qaddafi ayaanan sidookale lagu eed-tirin
maamulkii Obama iyo Biden. Maxay dunida Muslimka uga dhigan tahay doorashada Biden?
Dad badan ayaa aaminsan in Biden ka shaqsiyad iyo siyaasad duwan yahay madaxwenaha
laga guuleystay Trump oo ay aad u kala fogaayeen qeybo badan oo dunida Islaamka ah. Biden ayaa la rumeysan yahay inuu yahay shaqsi fahansan waaqaca aduunka jira hadii ay
tahay mid caqiido, midab iyo dhaqan, asagoo waayo aragnimo ka helay mudadii uu
katirsanaa maamulka Obama.
Xiligii ololaha doorashada Biden waxaa aad u taageeray dadka soo galootiga ah, kuwa kasoo
jeeda Latin ee Latinos-ka la yiraahdo, dadka madoowga ah iyo Muslimiinta oo dhamaantood
ka dhex arkay ololaha Biden inuu kasaari karo culeys-yada shaqo la,aaneed, faquuq, xayiraad
safar iyo isir naceyb ee kudhashay ama sii xoogeystay mudadii uu Trump xilka hayey. Biden
ayaa marar badan u balan qaaday Muslimiinta Mareykanka in marka uu ku guuleysto xilka
madaxweyne-nimo uu gabi ahaanba meesha ka saari doono xayiraadii dhanka safarka ee
saarnayd 7 dal oo Islaam ah taasoo la filayo inay dhaqan gasho marka ugu horeysa ee uu
xilka la wareego. Muslimiinta kunool Mareykanka ayaa doorashada sannadkan uga qeyb

qaatay cadadkii ugu badnaa ee dhanka cod-bixinta taasoo ay 80% dadkii xaqa u lahaa cod-
bixinta codkooda dhiibteen, waxayna muujinaysaa xiisaha iyo xamaasada ay u laheyd inay
mar codkooda ku taageeraan Biden marna meesha kasaaraan Trump.
Dadka Muslimiinta ah ee Mareykanka kunool oo 1% ka ah mujtamaca dalkaas ayaa Biden
hordhigay codsi ka balaaran mida xayiraada safarka oo ay kamid ahaayeen waxka qabashada
faquuqa iyo naceybka diinta, laalida barnaamijka kahortaga rabshadaha iyo argagixisada oo
ay Muslimiintu aaminsan yihiin inuu sigaara u bartilmaameed-sanayo dadka Muslimka ah,
kaqeyb-galinta maamulka cusub, joojinta dhaqaalaha Mareykanku siiyo Israel inta ay uga
hogaan-sameyso sharuucda caalamiga ah iyo in safaaradii Mareykanka ee loo raray Qudus
dib loogu soo celiyo magaalada Tel Aviv. Tirada dadka Muslimiinta Mareykanka ah oo aad
u yar marka la barbardhigo mujtamaca kale ayaa inta badan saameeyn kuleh inaysan
musharaxiintu siinin ahmiyad weyn aqbalaada iyo fulinta dalabaadkooda, taasoo keeni
doonta inuu Biden dalabaadkan qeyb kafuliyo qeybo badana iska indhatiro.
Marka laga tago gudaha Mareykanka, Biden ayaa la rumeysan yahay inuu dunida Islaamka
kula macaamili doono siyaasad ka dabacsan midii maamulka Trump. Waxaa laga raja qabaa
inuu Biden soo celin doono heshiiskii Nuclearka Iran oo uu wax-weyn kala socday heerarkii
uu soomaray iyo saxiixiisa, islamarkaana Iran ka qaadi doono cuno-qabateynta. Biden inuu
qaato go,aanka ah in Iran laga qaado cuno-qabateynta waxuu kala kulmi doonaa qalqaalo iyo
catoow badan oo uga imaada saaxiibada Mareykanka ee gobolka sida Israel, Sacuudiga iyo
Imaaraatka taasoo aan qudheeda sahlaneyn.
Marka loo imaado arrinta murugsan ee Falastiin, waxaa suuragal ah inuu Biden iskudayo
inuu soo nooleeyo wadahadaladii Falastiin iyo Israel balse rajada laga qabikaro inay miro
dhalaan way adag-tahay sababtoo ah Israel horey ayey u gaartay ujeedkeeda lagamana rajo
qabo cadaadis mug leh oo ka imaan doona dhanka maamulka Biden oo ku qasbi kara inay
Israel gasho wadahadal dhab ah asagoo maanka kuhaya waxii qabsaday saaxiibkiis Obama
markii uu ku fogaaday arrinta Falastiin iyo Israel.
Sidookale Biden kuma dhiiran karo inuu faraha lagalo arrinta meeqaamka magaalada Qudus
oo maamulka Trump gacanta u galiyey Israel, waxayna u badan tahay in asaga oo tixraac
kadhiganaya ga,aanka maamulkii hore uu ka gaabsado kana dhigo eed ay masuuliyadeeda
lahaayeen maamulka ka horeeyey. Arrinta meeqaamka Qudus badalkeeda Biden waxuu ku
dhiiran karaa inuu Israel ku cadaadiyo joojinta dhismaha dhulka daanta galbeed ee Falastiin
iyo inuu soo celiyo dhaqaalihii Mareykanku siin jiray maamulka Falastiin iyo hay’addaha

Qaramada Midoobay ee ka shaqeeya arrimaha dadka Falastiin ee uu jaray maamulkii Trump
taasoo uu Biden dunida Islaamka iyo maamulka Falastiin ku indha-sarcaadin doono.
Marka loo imaado qilaafka kadhex-aloosan wadamada Khaliijka, Biden waxuu haystaa
fursad uu kudhex-dhexaadin karo labada dhinac maadama ay dhinacyadu u haystaan shaqsi
dhex-dhexaad ka ah qilaafkooda oo aanan ka laheyn dano shaqsi misna hogaaminaya
dowlada ugu awooda weyn caalamka, balse waxaa suuragal ah in danaha ay shirkadaha
hubka sameeya ee Mareykanku kaleeyihiin sii socoshada qilaafkan uu ku qanco in sida uu
hada xaalku yahay loo daayo taasoo dan u ah dhaqaalaha Mareykanka gaar ahaan shirkadaha
hubka iibiya. Marka loo weecdo dagaalka dalka Yemen, waxaa dhicikarta inuu Biden
xulufada Sacuudiga iyo Imaaratka ku cadaadiyo inay soo afjaraan dagaalka Yemen asagoo
daliil-sanaya gabood faladii bini,aadannimo ee kadhacay dalkaas, taasna ay horseedo in
dowlad wadaag ah oo aan sal-balaaran ku fadhinin lagu maquuniyo dhinacyada iskuhaya
siyaasada Yemen.
Marka loo imaado arrinta dalkeena, maamulkii Trump waxuu shaaciyey bishii October ee
sannadkan in maamulkiisu diyaariyey qorshe lagu dhimayo tirada ciidamada Mareykanka ee
kusugan Soomaaliya taasoo 650 kamid ah 800 askari ee jooga Soomaaliya dib loogu celin
doono Mareykanka. Go,aankaas ayey dad badan aaminsan yihiin marka sifiican loo-darso
xiliga lagusoo beegay oo aheyd xili doorasho inuu ahaa mid lagu xod-xodanayey codka
qoysaska askartaan si ay codkooda u siiyaan Trump maadaama uu dib usoo celinayo
wiilashooda iyo gabdhahooda laakiin uusan aheyn go,aan qaran. Inkasta oo hadalka iyo
go,aanka madaxweynaha xilka haya miisaan leeyahay, hadana askarta Mareykanka ee jooga
dalkeena waxay qeyb muhiim ah kayihiin howl-galka guud ee ciidamada Mareykanka ee
AFRICOM, kaasoo ilaaliya maslaxada Mareykanku kaleeyahay guud ahaan qaaradda Africa
gaar ahaan wadamada istaraatijiga ah oo ay Soomaaliya ugu horeyso. Hadaba, Biden oo
taageero weyn u haya barnaamijka diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanku ka
fuliyaan wadamada ay kasocdaan dhaq-dhaqaaqyada kooxaha hubeysan waxay u badan tahay
inuu sii xoojin doono howl-galka ciidamada Mareykanka kajooga Soomaaliya wallow aysan
meesha ka marnayn sida ay iskula jaan-qaadaan dowlada kusoo baxda doorashada
Soomaaliya sannadka danbe iyo maamulka Biden.
Gunaanad
Biden sida uu kusheegay qudbadiisii aadka loowada sugaayey, ahmiyada koowaad ee
maamulkiisa xiligan ayaa ah ladagaalanka xanuunka COVID-19 oo saameyn xoogan

kuyeeshay shaqada, dhaqaalaha iyo nolol maalmeedka shacabka Mareykanka. Waxaa kale oo
looga fadhiyaa inuu xal u helo dhibaatooyinka faquuq, shaqo la,aanta iyo beegsi ee lagu hayo
dadka madoowga ah iyo soo galootiga, kuwaasoo uu balan qaad badan u sameeyey xiligii
ololihiisa. Iskusoo dumida wakiilada lasoo doortay iyo taageerayaasha xisbiyada jamhuuriga
iyo Dimuquraadiga oo aan qudheeda aheyn howl-yar ayaa xusid mudan.
Marka laga tago xal u helida arrimaha Mareykanka dhexdiisa kajira, waxaa looga fadhiyaa
inuu soo nooleeyo xiriirkii iyo wadashaqeyntii hakadka gashay ee kala dhexeeyay saaxiibada
soojireenka Mareykanka ee reer Yurub. Waxaan meesha ka maqnayn yag-leelida xiriir isku
dheelitiran oo dhexmara Mareykanka iyo China. Macaamilka dowladaha China iyo
Mareykanka ayaa aad u xumaaday waqtigii maamulka Trump taasoo horseeday inay
labadhinac galaan dagaal dhanka dhaqaalaha ah oo u badan canshuurta dulsaarta ah. China
madaxweyne kasta oo ku guuleysta doorashada Mareykanka waxay hordhigtaa hal su;aal oo
soojireen ah taasoo ah: China hal ah ama China laba ah oo lagala jeedo aragtida
madaxweynaha ladoortay ee gobolka Taiwan, jawaabtaas ayaana go,aamisa xiriirka
mustaqbal ee labada wadan. Dowlada China wali uma aysan hambalyeyn Biden ayagoo
marka hore miisaan saaraya aragtidiisa kuwajahan China.
Biden waxaa horyaala shaqo kale oo culus oo ah inuu Mareykanka dib ugu celiyo heshiisyo,
ururo iyo hay’addo farabadan oo uu maamulkii Trump go,aamiyey inay iskaga kabaxaan,
kuwaa oo ay kamid yihiin hay’adaha UNESCO iyo UNHRC oo kamid ah hay’adaha
Qaramada Midoobay, heshiiskii cimilada ee Paris Climate Agreement oo maamulkii Obama
taageero weyn u ahaa, ururka muhaajiriinta ee Global Compact for Migration iyo ururka kale
ee Trans-pacific Partnership oo ahaa urur macaamil ganacsi oo kulmin jiray Mareykanka,
wadamada pacific-ga iyo kuwa Asia.
Hadaba, marka la isku wadageeyo dhamaan howlaha culus ee looga fadhiyo Biden oo ay ugu
horeyaan kuwa kajira gudaha Mareykan, boor kajafida xiriirka wadamada Yurub iyo China,
ku laabashada heshiisyadii, ururadii iyo hay’adihii caalamiga ahaa ee Mareykanku kabaxay
xiligii Trump, ma muuqato raja badan oo ah inuu Biden wax weyn kabadali doono xaaladaha
kajira dunida Islaamka.
W/Q: Xamdi Wardhere Maxamed
Email: zudeys9@gmail.com
Facebook: Xamdi Wardheere
Halkan Ka Daawo:Hees Cusub Oo Uu Sameeyey Abwaanka Caanka Ah Ee Abdimalik
Halkan Ka Daawo Beelaha Axmed Cali iyo Daahir Cali ee Adan Madoobe oo Kalsoonidi Kala Noqday Suldaan Barkhad Iyo Caaqilka Faahiye Xassan ee Adan Madoobe..
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
WAREYSIYO