Saturday November 28th, 2020
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

Kayse Cabdi Yuusufow siyaasi Hadafkaa Wanaagsan Gaadhsiiya Ayay Somaliland la dahay Mudo 60 Sano Ah ee Maxaa Talo Ah?

0
Monday November 09, 2020 - 19:39:31 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 311
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kayse Cabdi Yuusufow siyaasi Hadafkaa Wanaagsan Gaadhsiiya Ayay Somaliland la dahay Mudo 60 Sano Ah ee Maxaa Talo Ah?

    Kayse Cabdi Yuusufow siyaasi Hadafkaa Wanaagsan Gaadhsiiya Ayay Somaliland la dahay Mudo 60 Sano Ah ee Maxaa Talo Ah?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kayse Cabdi Yuusufow siyaasi Hadafkaa Wanaagsan Gaadhsiiya Ayay Somaliland la dahay Mudo 60 Sano Ah ee Maxaa Talo Ah?
Aan Marka hore Eebe u waydiiyo marxuum Cali Khaliif galaydh inuu Jannatul Fardowsa geeyo oo Samir iyo iimaan ka siiyo qoyskii uu ka baxay iyo dhamaan ummada
somaliland.Intaa kadib waxaan akhriyay waraysi uu wargayska Dawan ka qaaday Kayse Cabdi Yuusuf oo ay ka wada tirsanaayeen ururka Khaatumo Cali Khaliif Galaydh oo uu
Cali oday iyo hogaamiyaba ugu ahaa, ma qabo Cali Khaliif, Kayse Cabdi Yuusuf iyo in badan oo kale oo u dhalatay gobolka Sool ama bariga Somaliland haddii Sanaag ama Selel
ama Awdal oo had iyo jeer saluug ka qaba sida ay Somaliland tahay iyo wadada ay ku socotaa inaanay ahayn mid sax ah oo taladii cid maroorsatay taasi oo haddii farta si fiican
loogu fiiqo inay tahay beesha dhexe oo loo tiriyo in ay tahay beesha ugu badan tiro ahaan dadka reer Somaliland ama inta wada dagta ee gumaystihii Great Britain wada
gudoonsiiyay gobanimadii daleesha la dhigay hase ahaate inta saluuga ka qabtaa marna ma is waydiisay in badan oo kale in ay Somaliland ka maqan tahay oo aanay waxba ku lahayn xagee se ay ka ogyihiin beelihii walaalaha ahaa ee reer Somaliland Gabooye ,Yibir amase
Tumaal oo aan wax allaale wax ay ku leeyihiin saddexda gole ee wakiilo, guurti amase Xukuumadeed aanay jirin taasi oo calaamad u ah in aanay Somaliland marnaba ka
taagnayn Somaliland siman oo la wada leeyahay.


Waan ku raacsanahay kayse hadalkiisa ahaa "inay doonayaan Somaliland wanaaagsan oo loo siman yahay oo la wada leeyahay gees ka gees dhaqaalaha, siyaasada iyo
dawladnimada haddii taa la helana guul ayay noo ahayd haddii la waayana waxaan u araagna inay guuldarro u tahay Somaliland oo dhan .

Waa sax oo wax laaxin ah hadalkaa kayse ku jiraa majiro dhamaanteen waxaan wada rabnaa Somaliland isku dhan oo loo siman yahay, hase ahaate kaysow kama qatana oo
kaliya ardaayada reer Sool Sanaag bari Selel iyo Awdal inkastoo aanay ula sinayn beesha
dhexe oo markasta aad aragto janjeedh wayni dhan kasta oo dhaqaale ,siyaasadeed, ama
dawladnimo aanay u dheeli tirnayn sidii saxda ahayd ee Somaliland isku dhami ku jiri lahayd.Haddana aan su’aal ku waydiiyee ka waran Somaliland ay kawada qatan yihiin
saddexda ardaa ee Gabooye,Tumaal iyo Yibir? oo aanay xataa ku haysan 1% dhamaan Somaliland taas Ayaan jeclaan lahaa bal in uu isna wax ka yidhaahdo marka uu bar-bar
dhigo ardaayada reer Sool ama Sanaag bari iyo kuwo kale sida Awdal iyo Selel halkaas oo ay ka soo bixi kartaa dood ah in la helo Somaliland loo siman yahay oo mid sax ah
hareerahana la wada hayno.

Haddaba taasi side ayay ku iman kartaa weeyi su’aaasha u baahan in Maqaalku ka jawaabo iyo dadka reer Somaliland guud ahaan si wadankeenu waa inagu filan yahay oo waliba
inaga badan yahaye, waa inuu noqdo mid sinaan dhabi ka jirto ma’aha mid dhinac ah oo Ardaa waliba ka kale ka sad bursado.

HadDaba su,aashu waxay noqonaysaa sidee taasi lagu helayaa halkeese sartu ka qudhun santahay? laga soo bilaabo 33 mudane baarlamaan ee gobanimaddii qaranka dhami ku
hantiyay u wandaafiyay Italian somalia ee ku yidhi hooya oo nagu xukuma waliba sidaad
doontaan ilaa la ogaa tii ka dhacday ee taariikhdu warisay ilaa maantana ay ku gadaaman yihiin oo ay noqotayba Somaliland taaariikhdeedi 30 sano oo Italian Somalland adoonsanasanayay iyo 30 sano oo ay aqoonsi meel u yaalo aanay wali is waydiin
raadinayso taas ayaa ah halka ay sartu ka qudhuntay Kaysow ee khaatumo iyo Khaatumo la’aan haddii aad hayso dhako sidaa aad sheegtay Somaliland dhan oo wada deeqda oo

gees ilaa gees aynu wada maalno hashii maandeeq keen adiga iyo khaatumaba haddii aanay taasi gacan adiga iyo ururka ugu jirin dee sidee hore ugu socanaysaa? Hadaad
jawaab sugan u wayday waa halkii heestii Cabdi Muxumed Amiin ee ay ku luuqaysay
Saado Cali Warsame anaa hayee inaan kugula wadaago Maqaalkam kooban. Waana sidan laga soo bilaabo1960 kii bishii 26 kii June oo ku beegnayd maalintii aynu hantinay
madaxbannaanideeni ilaa maanta waxaa inaga qaldqani waa madax la’aan mana aha madaxdu in nin kursi ku fadhiistay oo reer hebel ahi wax inoo qaban doono kuna soo
gabagbawday inuu lafahiisa iyo qoyskiisa ku koobnaado inteena kalena uu ka soo daawado fooq dheer oo aynu inagu saarnay hadiiba la taabtana inagu cabaada oo yidhaahda waxa
reer hebel loo quudhay ee lagu sameeyay inana waa haddii aynu dadwaynihii nahaye aan qoryaha u gurano dartii oo isku jabno .

Waxaan maqaalkaygan ku soo gabagabaynayaa haddii aad kaysow adiga iyo khaatumo ama qof kasta oo reer Somaliland ahi hayo Smaliland wanaagsan gees ilaa gees la wada
leeyahy oo ina wada deeqda sidii ay ku iman lahayd oo ah in la helo adeegayaal bulsho ama waxaynu ugu yeeedhno siyaasiyiin oo taas ka shaqeeya waa ay iman hadiise kale
waligeed iman mayso oo is daba wareegaa iyo reer hebelbaa reer hebel ka sad bursaday
iyo hebelbaa daaro dhaadheer ka jeexday uun baynu waqtiga ku dhamaysanaysaa eeda inta ugu badana waxaa leh siyaasiyiin ku sheega beesha dhexe kuwa kale ee xilalka lahayaana ma dhaamaan oo may keenin tu u dhaanta talo xumaanta hadaba adna aan hadalka wax
kaa siiyo adiga iyo inta reer Somaliland ah ee Maqaalkan akhriyi doonta side lagu helayaa Somaliland tan dhaanta oo ah ta ay khaatumo iyo shicibka reer Somaliland dhamaantood
doonayaan?

Qore: Cabdi Muhumed
Halkan Ka Daawo:Hees Cusub Oo Uu Sameeyey Abwaanka Caanka Ah Ee Abdimalik
Halkan Ka Daawo Beelaha Axmed Cali iyo Daahir Cali ee Adan Madoobe oo Kalsoonidi Kala Noqday Suldaan Barkhad Iyo Caaqilka Faahiye Xassan ee Adan Madoobe..
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
WAREYSIYO