Saturday November 28th, 2020
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

Xeerarkii Qaranku Ma waxay Noqdeen Xalay dhalay

0
Friday November 13, 2020 - 09:37:25 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 177
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xeerarkii Qaranku Ma waxay Noqdeen Xalay dhalay

    Xeerarkii Qaranku Ma waxay Noqdeen Xalay dhalay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xeerarkii Qaranku Ma waxay Noqdeen Xalay dhalay Dhismaha qaran aan taageero helin,waxay ka ahayd dunida mid yaab leh dal kamida dalalka geeska afrika ee ay colaaduhu ka halcanayaan siduu uu ku noqon lahaa qaran dhisma oo sameeya horumar ku soconaya xawaare kooban,se waxay shacabka iyo madaxda qarankani halgan adag u galeen sidii aynu u dhisan lahayn dalkeena,waana guusha aan maanta kuwada faanayno inaynu ku nool nahay dal aynu inagu leenahay dhamaanteenba inagoo kamideysan dhismihiisa,horumarintiisa dawladnimo.Wax kastaa wey burbureen sida uu dalkeenu u burburay oo kale,waxaana wali kamuuqata wasaaraddaha iyo haayadaha dawladu in aanay dhisin xeerarkii iyo qaab dhismeedkii qeybta ka ahaa shaqooyinka ay qaranka u hayaan,waxaan u rajeynayaa masuuliyiinta loo wakiishay inay dhameystiri doonaan insha allah. Waajibaadka muwaadinka saran ayey kamid tahay inuu tallo,dhiirigelin iyo taageeraba ku darsado dalkiisa uu la jecel yahay inuu horumar gaadho,waxaan qoraalkan kusoo bandhigi doonaa sharciyada ay u cuskadeen Guddida Anshaxa Ee Wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha jamhuuriyada Somaliland xulka kubadda cagta gobolka Togdheer ma yihiin kuwo waafaqsan xeerarka Xidhiidhada kubadda cagta dunida,Qaaradda afrika iyo haddii ay jiraan xeerar qoran oo ay wasaaraddu diyaarisay in lagu dhaqmo. Sannadkii 1994kii, markii la aasaasay Wasaaradda Waxbarashada,dhallinyarada iyo ciyaaraha jamhuuriyada Somaliland oo xilligaasi ahaa laba wasaaradood oo isku jiray,waxay soo qabteen shaqooyin qaran oo mudan in loo galiyo diiwaanka taariikhda ee dalkeena,waxay kusoo shaqeeyeen duruufo ay adag tahay in lagu dhiirado,wey ku amaanan yihiin waxqabadkaasi ay soo qabteen.ilaahay haka abaalmariyo inta nool, intii dhimatayna haw naxariisto janooyinkiisana hawgu deeqo,waxay ahaayeen geesiyo curiyey isdhexgal bulsho iyo isbarasho dhexmartay dhallinyarada jamhuuriyada Somaliland.Bilowgii ciyaaraha jamhuuriyada Somaliland waxay ahaayeen kuwo lagu bilaabay gobolo kooban yadoo ayey sabab u ahayd dhaqaalaha dalka oo waagaasi yaraa laakiin sannadba sannadkii uu ka danbeeyey,waxaa si rasmiya garoomada dalka yimi lixda (6 gobol) Ee ku qoran dastuurka qaranka lifaaqiisa koobaad. Laga soo bilaabo sannadkii 2011 kii,waxaa kasoo muuqday Saaxada ciyaaraha goboladda dalkeena 14 gobol iyadoo tiradii hore ee goboladda Oo ahaa 6 gobol lagu soo daray 8 degmo doorasho oo lasiiyey magaca gobolnimo,waxaana si cad loo baalmaray dastuurka qaranka Oo qeexay tirada gobolada ee dalkeena.Dhanka kale,waxaa meesha ka baxay isdhexgalkii laga filayey ciyaaraha dalka.sannadahaasi,wixii ka danbeeyey waxaa yaraatay awoodii gobolada waaweyn ee dalka.Muddo badan ayey Khuburada ciyaaruhu ka digayeen laakiin,waxay Masuuliyiintii wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha U kala danbeeyey u muuqdeen kuwo ka dhago adaygay inay wax ka qabtaan tayada ciyaaraha ee lumeysa. Isbadel kasta oo looga dan lahaa in lagu horumariyo ciyaaraha,lana curiyo isdhexgal dhallinyaro Oo waaraya,wuxuu noqday mid xukuumadihii u kala danbeeyey dalkeena Ee ka dhashay xisbiga kulmiye ay dayaceen u jeedadii ay ciyaaruhu lahaayeen,waxaan filayaa inay aqoon daro ka tahay shuruucda dusha loo saarayo ciyaaryahanada dalka ee khaladaadka sameeya yadoo aan wax digniin ah lasiinayn ama lagu qaadayo xeerar aan hore loogu sheegin.  Burinta Xeerarka Ciyaaraha Ee Loo adeegsaday Xulka Kubadda cagta gobolka Togdheer Xeerarku,waxay leeyihiin hab adeegsiyo gaara ka hor inta aan laysku qaadin,waxaanu habkaasi farayaa cid kasta oo curisa ama keentaba xeer ay isku xukumayaan in la horgeeyo,waxna laga weydiiyo cidda xeerarkaasi loo dajinayo,haddaba xeerarka ay sheegeen guddida anshaxa ee wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Somaliland waa kuwo aan waxba ka jirin intii aan ka arkay,waxaana cadeyn U ah warbaahinta,xafiisyada heer gobol,kooxaha kubadda Cagta iyo Xulalka goboladda midna lama tusin loomana sheegin inay jiraan ama lasameynayo xeerar anshax oo ciddii ku xadgudubta lagu qaadayo.Haddii aynu meel dhow ka eegno xukunka lagu riday xulka gobolka togdheer,maaha mid waafaqsan dastuurka jamhuuriyada Somaliland qoddobka 8aad Oo sheegaya in Mudwaadiniintu ay U siman yihiin Sharciga hortiisa,waxaana inoo muuqata in goboladda Maroodi jeex iyo Xeysimo ay galeen Khalad anshax Oo ku saleysan qabyaaladda iyo kala qeybin, balse mid kamida Oo ahaa Toobabarihii Xulka kubadda cagta gobolka Maroodi jeex ,waxaa laga madnoocay ciyaaraha dalka muddo laba sanno ah,wuxuuna xaq u lahaa in lagala noqdo aqoonsiga toobabare.halka kuwii kale Oo ahaa xulka kubadda cagta iyo maamulka gobolka Xeysimo aan wax xeera lagu qaadin,taasuna waxay inoo iftiiminaysaa in aanay jirin xeerar si siman loogu qaadayo ciyaaryahanada dalka,se hadba kii la doono dusha loo saarayo xukun aan laga fiirsan. Xeerarka kale Ee ay soo xiganayeen oo ahaa xeerarka ururada Xidhiidhka kubadda cagta qaaradeena afrika Ee CAF,Xidhiidhka kubadda cagta aduunka FIFA,Xidhiidhka kubadda cagta bariga iyo badhtamaha afrika CECAFA,waxaynu cadeynaynaa in aan guddida anshaxu aanay xeerarkaasi u adeegsan siday saxda ku ahaayeen,waana khalad ay wasaaraddu ku dhacday oo looga baahan yahay inay dibu eegis iyo hubin balaadhan ku sameyso Xeerarka ay dul dhigayaan kooxaha iyo goboladda dalkeena,waxay dhammaan ururadaasi isla ogolyihiin in ka hor inta aan go’aan la gaadhin la sameeyo baadhisyo lagu xaqiijinayo waxa ka jira khaladka lagu eedaynayo kooxaha ka hor yimaada xeerarka anshaxa ciyaaraha aduunka. Khaladka Ugu weyn Ee Ay guddida anshaxa Ciyaaraha dalku ka galeen gobolka togdheer ayaa ah in aanay sheegin xeerarkii ay soo xigteen xeerka dhabta ah Ee ay jabiyeen xulka kubadda cagta gobolka togdheer,waxay dhammaan ururada aan xagga sare kusoo xusey isla qaateen xeerar baadisooc looga dhigay Xeerka Ciyaaryahanada iyo Xeerka Anshaxa,waxayna labadaasi xeer dhigayaan in ciyaaryahanada khaladka sameeya lasiiyo digniin balse,haddii ay diidaan sidaasi loogu qaado xeerarka u yaala Xidhiidhada kubadda cagta ee raacaya habka ciyaaraha Ee ay Dajiyeen Xidhiidhadaasi dunida kawada dhaxeeya.Khaladka lagu Eedeeyey Xulka kubadda cagta gobolka Togdheer,wuxuu ahaa mid guddahooda ah Oo aan lid ku ahayn hab socodka ciyaaraha dalka,mana muuqan wax qalaashe ama rabshado ah oo ay abuureen ciyaaryahanada gobolka togdheer.  Xalku Muxuu Noqonayaa Waxaan kusoo gebagabeynayaa qoraalka qodobadan oo an u arko inay noqon karaan xal iyo soo jeedino Muhiim ah oo horumar gaadhsiin kara Wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha dalka • Wasiirka Wasaaradda dhallinyarada iyo Ciyaaruhu,waa in Uu Guddi dhex dhaxaad ah Oo isugu jira Waayo aragga kubadda cagta iyo Saraakiil kasocda wasaaradda U saaro Arrinta gobolka Togdheer yadoo loo Eegayo sharciyada dunida Ee kubadda cagta. • Wasaaradda Ciyaaruhu,haddii ay dooneyso inay qurxiso Ciyaaraha dalka waa inay qortaa Xeerar dhameystiran Oo lagu maamulo Ciyaaraha kale duwan ee dalkeena waayaha dhow iyo waayaha dheerba. • Waa in Guddida Anshaxa la kala diro iyo Xidhiidhka kubadda cagta si Oo lasameeyo Xidhiidh cadaaladda iyo daacadnimo ku maamuli kara ciyaaraha dalkeena. • Garsoorayaasha iyo Kaaliyayasha kubadda cagta,waa in loo sameeyaa aqoon korodhis,loona diro toobabaro caalamiya. • Garoomada kale duwan Ee loogu talagalay in lagu qabto ciyaaraha fudud,waa in dhisme ahaan iyo farsamo ahaanba wax ka badel iyo qaabeyn lagu sameeya si kor loogu qaado tayada garoomadeena Oo loo diyaaro inay lagu qaban karo ciyaaro caalamiya. Allaa Mahad leh Sakariye Cabdikariim Maxamuud
Halkan Ka Daawo:Hees Cusub Oo Uu Sameeyey Abwaanka Caanka Ah Ee Abdimalik
Halkan Ka Daawo Beelaha Axmed Cali iyo Daahir Cali ee Adan Madoobe oo Kalsoonidi Kala Noqday Suldaan Barkhad Iyo Caaqilka Faahiye Xassan ee Adan Madoobe..
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
WAREYSIYO