Thursday May 06th, 2021
Dahabshiil
Salaama Market
Youtube jobs

QISO DHAB AH, SIRTA FARXADA IYO NOLOSHA QOYSKA, QALINKII PROF. MOHAMED AHMED FARAH MATAAN (JAAFAA)

0
Saturday November 14, 2020 - 12:11:41 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 567
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    QISO DHAB AH, SIRTA FARXADA IYO NOLOSHA QOYSKA, QALINKII PROF. MOHAMED AHMED FARAH MATAAN (JAAFAA)

    Raggu waxay aad ugu mashquulaan iney wax ka ogaadaan sirta haweenka ama qaabka ay u fekeraan,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Raggu waxay aad ugu mashquulaan iney wax ka ogaadaan sirta haweenka ama qaabka ay u fekeraan,

 balse waxa laga yaabaa in haweeneydu kuu sheegto ujeeddo ka soo horjeeda arrinkaa, waxana jira siro dumarka ku gadaaman oo aaney jecleyn in raggu ogaado amase aaney uga jawaabin.

Haddii aan wax ka taabto sirahaas, dumarka, waxa ka mid ah Hinaasaha, dumarku ma jecla iney tusto ninka ay jeceshahay haddii uu dumar kale la hadlo iney ka hinaastay, waxaaney iska dhigaan kuna dadaalaan inaan laga dareemin hinaasaheeda, balse waxa la ogaadaa markuu sida fulkaanaha u qarxo.

Waxa soo raaca quruxda gabadh kasta waxey isu haysataa iney adduunka ugu qurux badan tahay, waxaa suurta gal ah inaaney jecleyn iney raggu ogaadaan in quruxdeedu IS CAJIBISEY ama isu haysato ta ilaah aduunka ku abuuray ee ugu qurux badan. Waxaa ka mid ah oo ay dumarku neceb yihiin in raggu ogaado kabaha ay xidhato lambarkeeda.

Dumarku waxay raga ku qiimeeyaan hadba kabaha uu xidhan yahay, haddii ninku xidhan yahay kabo madhay iney u qaadaneyso ninkaasi inuu yahay nin aan xoolo haysan oo caydh ah. Waxa soo raacda Sirta dumarka aaney jecleyn in Raggu ogaado miisaankeeda, waxay ka sii neceb yihiin miisaankaaga waxbaa iska dhimay, waxay dumarku been ka sheegaan dukaameysigooda ama (shopping) oo qariyaan sheyga ay soo iibsato qiimahiisa.

Haweenku waxay sirahooda la wadaagaanasxaabtooda halkay seygeeda la wadaagi laheyeen, hase ahaatee sirta farxadda noloshu waa isfaham, KALSOONI, kala danbeyn, dulqaad iyo wadatashi.



PROF, MOHAMED AHMED FARAH MATAAN (JAAFAA)
ANKARA, TURKIYA.
 

 
Guryo Cusub Oo Laga Dhisay Magaalada BURCO Laguna Iibinaayo Qiimo Jaban"
Halkan Ka Daawo:Ex-Wasiir Galaal oo dood ka jeediyey qaddiyadda gooni isu taagga Somaliland & sharciga caalamka
Halkan Ka Daawo:Siyaasi Maxamud Jaamac Galaal Oo Ka Jawaabay Dhaliilo Ay Usoo Jeediyen Masuuliyin Ka Tirsan Xukuumada
Halkan Ka Daawo:Hees Cusub Oo Uu Sameeyey Abwaanka Caanka Ah Ee Abdimalik
Halkan Ka Daawo Beelaha Axmed Cali iyo Daahir Cali ee Adan Madoobe oo Kalsoonidi Kala Noqday Suldaan Barkhad Iyo Caaqilka Faahiye Xassan ee Adan Madoobe..
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
WAREYSIYO