Saturday November 28th, 2020
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

Cabdi Manaanow Gadhku Gadhkaad Mooday Ma'aha

0
Monday November 16, 2020 - 17:56:47 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 322
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cabdi Manaanow Gadhku Gadhkaad Mooday Ma'aha

    Cabdi Manaanow Gadhku Gadhkaad Mooday Ma'aha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cabdi Manaanow Gadhku Gadhkaad Mooday Ma'aha

Waxaa beryahan danbe soo yeedhaysa qaylo dhaan kale oo ay dabada ka riixayo Muuse Biixi Cabdi (Wax ma yaqaan) kaasi oo ay aragti ka dhaxayso isaga iyo lacagta iyadoo isaga iyo qoyskiisa reer Biixi Cabdi ay saf ballaadhan ugu jiraan in ay afka u dhigtaan il kasta oo dhaqaale ka soo galayo iyadoo ay adeegsanayaan awooddii dawladnimo ee Somaliland iyadoo ay is feeraarintaa ka qayb qaadaanayaan cid kasta oo ka tirsan qoyska reer Biixi Cabdi ha noqdeen yarka uu dhalay ee Maxamed Muuse Biixi oo ah kan loo tirinayo qabsashada Cabdi Manaan Yuusuf iyo TVga Astaan ee uu maamulaha ka ahaa kaasi oo sida sharci darada ah xilli habeeno ah looga qafaashay magaaladda hargaysa iyadoo waliba sirdoonku hawshaa fuliyeen sababtay u fuliyeen ka sakow amarka qoyska madaxtooyaddu ahayd in mar haddi uu cadaalada ka fogaa afduubkaasi in si abaabulan loo fuliyo laguna fuliyo meel mugdi ah.

 

 

 

ku qabsashada il kasta oo dhaqaale ka soo galayo muwaadiniinjta Somaliland ay is tustay qoyskan caydha ah ee reer Biixi Cabdi sida keenista shidaalka dalka muwaadiniinta ee loo awood sheeganayo sida buurta kala jeexan oo qasab lagaga raray in ka badan 300 oo qoys ama meel kasta oo ay u arkaan ina ay ka dheefi karaan faa’ido cuddoon inaanay wax tix galin ah siinin muwaadiniin loo abuuray shaqo sida kuwa Astaan Tv oo ka badan 200 oo hablo iyo inamo isugu jira kuwaasi oo lagu ladhi doono qof kasta oo ka mid ah dhalinyaradda shaqadda abuuratay inay ay ku sii daba nool yihiin 6 qof oo kale oo qoysaskooda ka mida waayo sidaa celecelis ahaan( average) qoysaska soomalida ay tahay 6 qof. Yaase dan ka leh shaqo abuur iyo burburin hanti somaliland waxa kaliya ee uu maqlaa Muuse Biixi Cabdi (wax ma yiqaan ) waa lacag kaasi oo ah shufeerka dabada ka riixayso qoyskan caydha ah ee reer Biixi Cabdi oo aad moodo caydhii Go’a oo saban hore uu haleeshay faqri iyo wax la’aan kuwaasi oo halkaa kaliya ee ay wax ka arkaan ka tahay hunguriga.

 

Alamsay waxa uu u ahaa nin u dhashay gobolka togdheer oo taageere wayn u ahaa gobolkiisa Togdheer aadna u jeclaa lana garab taagnaa markasta in uu guusha koobka gobolad Somaliya qaado waana xilligii xukuumada Siyaad Barre dalka ka talinaysa oday Alamsay caan ayuu ahaa oo gees ilaa gees waa laga yaqaanay dalkii hore ee Somaliya la isku odhan jiray kaasi oo kal ah Somaliland iyo Somaliya hadda.

 

Haddaba maalin maalmaha ka mid ah ayaa Burco badhtankeedu waxa isku qabsaday labo nin oo arrin isku haystay kuwaasi oo ahaa Burco soo galaytiya oo dhawaan uun ku soo biiray magaalada ee aan ahayn dadkii u dhashay Burco ee ku soo koray taasi waxa ay labaddii nin tustay in uu arrinkooda dhamaynayo ninkii Alamsay ee gadhka wayn la baxay oo aad aragtidiisa moodayso sheekh caalim ah isaga oo aan haba yaraate wax shaqo ah ku lahayn sheekhnimo iyo warkeeda waxaana mid labaddii nin ka mid ahi ku tiraabay adeer aniga iyo ninkan noo garqaad waxaanu isku haynaa arrinkan,taasi oo fajiciso ku nqotay Alamsay markiibana tustay inaanay ahayn ciyaalo xaafo u dhasahay Magaaladda Burco haddi kale ay si sahal u garan lahaayen Alamsay oo ilaa riyaha Burco yaqaaneen oo cid kale ku qaldaynin oday Alamsey dabadeed waxa uu reebay weedh caan Noqoto oo qof kasta oo Alamsay yaqaanay ama maqlay magaciisa haddiiba aanu soo gaadhin aragti ahaan ama la kulmin Oday Alamsay maqalay weedhahaasi taasi oo ahayd "Adeer gadhku gadhkaad moodayso ma’aha”

 

Waxaan haddaba maqaalka ciwaan u dhigay weedhaha xambaarsan ee uu ka tagay alla ha u naxariiste oday Alamsay u qoray laba sababood oo kala ah midka hore inaan Cabdi Manaan Maxamed hogga tusaaleeyo cidda ay tahay qoyska madaxtooyada Somaliland ka doobinaysa maanta barina cidda ay yihiin, ta labaad oo ah inaan isaga ku amaano waxa uu dalkiisa hooyo oo aan cidna kalahayn ee Somaliland maal iyo maskax ba galiyay inuu shaqaalaysiiyo in kabadan 200 oo qof oo shaqaale ah oo mid kasta ay ku sii xidhnaan karaan lix qof oo kale oo qoyskiisa ah sida ay celcelis ahaan u badan tahay bulshada Somliland iyo ta soomaaliyeedba.

 

Hadda oo aan Maqaalkan dhameeyay waxa I soo gaadhay in lagu xukumay xaddi lacagga oo ah billion Somaliland Shillin iyo Xadhig ah 6 saano taaso oo la is waydiin karo muxuu ku mutaystay Cabdi Manaan Yuusuf tacaddiga inbtaa le’eg kaliya jawaabtu waa Boqortooyadda reer Biixi Cabdi ee Taajirnimo doonka ah ayaa albaabadda iskugu dhuftay TV Astaan iyo 200 ee shaqaalaha ka ahaa ee ay ku sii daba noolaayeen 6 qof oo qoyskoodda ka tirsani haddaba Muuse waa kii ninkii Mujaahid u yaqaanay iyo ninkii kalawba Somaliland guud ahaan iyo Cabdi Manaan Yuusufba waxa ay Eedeen oo Eersadeen Iimaan la’aanta reer Biixi Cabdi (Dameere) masay eedin fartooddii ay ugu codeeyeen Muuse Biix Waxmayaqaan.

 

 

Qore: Cabdi Muxumed

Cabdimuhumed60@gmail.com


Halkan Ka Daawo:Hees Cusub Oo Uu Sameeyey Abwaanka Caanka Ah Ee Abdimalik
Halkan Ka Daawo Beelaha Axmed Cali iyo Daahir Cali ee Adan Madoobe oo Kalsoonidi Kala Noqday Suldaan Barkhad Iyo Caaqilka Faahiye Xassan ee Adan Madoobe..
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
WAREYSIYO