Saturday November 28th, 2020
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

Nin Loo Haysto inuu "Jabsaday" Twitter-ka Trump

0
Saturday November 21, 2020 - 09:31:29 in Wararka by Burco Office 2
  • Visits: 182
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nin Loo Haysto inuu "Jabsaday" Twitter-ka Trump

    Nin Loo Haysto inuu "Jabsaday" Twitter-ka Trump

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nin Loo Haysto inuu "Jabsaday" Twitter-ka Trump

Booliska Netherlands ayaa su'aalo weydiiyay cilmi-baare ammaanka internet-ka ah oo sheegay inuu ku guulaystay gelidda cinwaanka uu Twitter ku leeyahay Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, kadib markii uu ku nasiibsaday lambarka sirta ah.

Victor Gevers ayaa bishii hore shaaciyay inuu galay cinwaanka Trump ee Twitter isagoo isticmaalay lambarka sirta ah ee "MAGA2020!".

Aqalka Cad ee Maraykanka looga arrimiyo ayaa beeniyay in taasi ay dhacday, halka shirkadda Twitter ay sheegtay in aanay hayn caddeyn muujinaysa in cinwaanka Trump loo dhacay.

Balse Gevers ayaa sheegay inuu hayo xog dheeraad ah oo uu ku xaqiijinayo sheegashadiisa. Ma uusan shaacin waxa ay tahay xogtaas, balse qofka marka uu galo cinwaanka Twitter-ka qof kale waxa uu:

  • Arki karaa, diri karaa farriimaha khaaska ah
  • Arki karaa qoraallada iyo dadka uu sida gaarka ah u keydsaday xogtooda
  • Heli karaa macluumaad ay kamid yihiin inta qof ee uu iska xayiray ama uu block saaray.

Waxa uu qofkaas la soo degi karaa dhammaan xogta milkiilaha cinwaankaas oo ay ku jiraan sawirrada iyo farriimaha.

Afhayeen u hadlay xafiiska dacwad-oogga Netherlands ayaa xaqiijiyay inay su'aalo weydiiyeen khabiirka, balse aanay wax codsi ah uga iman dhanka Maraykanka.

VICTOR GEVERS

 

 

Booliska ayaa hadda looga baahan yahay xaqiijinta in ninkan uu jabsaday cinwaanka Trump. Haddii dacwad-oogga ay u arkaan falka Gevers mid sharci darro ah, waxa uu mutaysan karaa illaa afar sano oo xabsi ah.

Gevers ayaa weriyayaasha u sheegay in 22-kii October uu "jabsaday" cinwaanka Trump uu ku leeyahay Twitter, waxaana warkan markii u horreysay tebiyay warbaahinta Vrij Nederland.

Cinwaanka Trump ee Twitter ayaa waxaa ku xiran ku dhawaad 89 milyan oo qof.

Khabiirkan ayaa sheegay in maalmo dhan uu ku dedaalayay sidii uu ku heli lahaa dadka ololaha u qaabilsan Trump si uu uga digo "dayaca" hasta cinwaanka Madaxweynaha, balse aanu ku guulaysan arinkaas.


Halkan Ka Daawo:Hees Cusub Oo Uu Sameeyey Abwaanka Caanka Ah Ee Abdimalik
Halkan Ka Daawo Beelaha Axmed Cali iyo Daahir Cali ee Adan Madoobe oo Kalsoonidi Kala Noqday Suldaan Barkhad Iyo Caaqilka Faahiye Xassan ee Adan Madoobe..
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
WAREYSIYO