Saturday November 28th, 2020
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

Taariikh Nololeedkii Cumer Carte Qaalib (1930 ilaa 18-Nov-2020 )

0
Saturday November 21, 2020 - 10:33:10 in Wararka by Wariye Tiriko
  • Visits: 842
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taariikh Nololeedkii Cumer Carte Qaalib (1930 ilaa 18-Nov-2020 )

    Taariikh Nololeedkii Cumer Carte Qaalib (1930 ilaa 18-Nov-2020 )

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taariikh Nololeedkii Cumer Carte Qaalib (1930 ilaa 18-Nov-2020 )

Taariikh Nololeedkii Cumer Carte Qaalib

(1930 ilaa 18-Nov-2020 )

Waa Kuma Cumar Carte Qaalib ?

Cumar Carte Qaalib , waxa uu ku dhashay magaalada Hargeysa sannadkii 1930 , waxaana uu waxbarashada hoose/dhexe uu ku qaatay Hargeysa , waxa la sheegay in uu ka baxay dugsi sare oo ku yaalla magaalada Cadan ee dalka Yemen, markii dambe waxa uu wax ku bartay jaamacada Bristol ee dalka Ingiriiska .

Markii uu soo laabtay 1950-yadii waxa uu maamule ka noqday dugsi ku yaalla magaalooyinka Laascaanood , Hargeysa iyo Berbera , Ingiriiska ayuu ku noqday sannadkii 1956 isaga oo takhasus ku sameeyay waxbarashada sare , waxa uu soo laabtay sannadkii 1958 oo loo magacaabay maamule ku xigeenka dugsigii dhexe ee Sheekh , markaa dib waxa uu maamule ka noqday dugsi hoy ahaa oo ku yaalla magaalada Gabiley.

Waxa uu ka tirsanaa xisbi la odhan jiray United Somali Congress , markii ay Somaliland Ingiriiska madaxbanaanida ka heshay 26 June 1960 , waxa uu ka mid ahaa raggii siyaasada majaraha u hayey .

Markii kacaanku la wareegay talada Soomaaliya , waxa loo magacaabay wasiirka arrimaha dibeda 1969 , waxa uu noqday Madaxa gudiga golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay 1972 , Sannadkii 1972 ayuu heshiisiiyay Uganda iyo Tanzania oo dagaal iyo colaadi soo kala dhex gashay , sannadkii 1974 waxa uu Soomaaliya ku daray ururka jaamacada Carabta . Waxa uu xilka wasiirka arrimaha hayey illaa 1977.

Waxa uu madax u ahaa gudidii Bangladesh iyo Pakistan ay u saartey jamacada carabtu ee xalka ka dhigey in ay laba dawladood noqdaan.

Dabayaaqadii 77-kii waxa uu noqday Wasiirka Hidaha iyo Tacliinta Sare Soomaaliya, isagoo noqday guddoomiye ku-xigeenka Golaha Shacabka Qaranka , xilal safiirnimona hore ayuu u soo qabtay.


Dabayaaqadii 77-kii waxa uu noqday Wasiirka Hidaha iyo Tacliinta Sare Soomaaliya, isagoo noqday guddoomiye ku-xigeenka Golaha Shacabka Qaranka.

7 June 1982, Cumar Carte Qaalib iyo 6 siyaasi oo kale ayaa laga qaaday xilalkii ay ka hayeen dawladda iyo xisbigii hanti-wadaaiga kacaanka Soomaaliyeed ,

Sareeyo Guuto Ismaaciil Cali Abokor
Sareeyo Gaas Cumar Xaaji Masale
Gaashaanle Sare Cismaan Maxamed Jeelle
Warsame Cali Faarax (Warsame Juquf)
Maxamed Yuusuf Weyrax iyo
Maxamed Aadan Shekh, ayaa laga qaaday xilalkii ay ka hayeen dawladda iyo xisbigii hanti-wadaaiga kacaanka Soomaaliyeed ,

waxaana 7 February 1989 waxa lagu xukumey dil laakiin dilkiisa waxa baajiyay cadaadis ka yimi beesha caalamka iyo ururada u dooda xuquuuqda aadamaha , waxaana loogu badelay xabsi.

Waxa lagu hayey xabsi guri uu ku jiray laba sanno , bishii January 1991 , ayaa Maxamed Siyaad Barre u macaabay Ra’iisalwsaare si uu u soo dhiso dawladd wada hadal la gasha mucaaradkii USC oo gudaha u soo galay magaalada Muqdisho. Maxamed Siyaad Barre , waxa xukunka laga tuuray 26 January 1991.

Amarkii Cumar Carte Qaalib amray ciidanka dawlada Soomaaliya ee la dagaalmayay SNM , USC iyo SPM ayaa ahaa " dhamaan ciidamada dawlada ee jooga waqooyiga (Somaliland) waa inay isku dhiibaan SNM, kuwa jooga gobolada dhexe iyo Banaadirna waa inay isu dhiibaan jabhadii USC, kuwa jooga Bay iyo Jubbooyinkuna waa inay isku dhiibaan SPM."
waxaana uu arkayey taasi xal nabad horseedi kara oo colaadaha lagu afjaro.

Garabkii siyaasada ee jabhadii USC , ayaa Cali -Mahdi Maxamed u doortay Madaxweyne , waxaana uu isna Ra’iisalwsaare u magaacabay Cumar Carte Qaalib , oo jagadaasi hayey illaa bishii May 1993.

1993 , waxa uu ka qayb galay shirkii beelaha Somaliland ee magaalada Boorama, waxaana uu tartamay Madaxweynimo.

Somaliland ayuu ku soo laabtay sannadkii 2002, isaga oo madax ka noqday ururkii Hormood , oo ka qayb galay doorashadii dawladdaha hoose ee bishii December , ururkaasi ayaan ka mid noqon saddexdii xisbi ee ka soo baxay doorashadaasi .

Cumer Carte Qaalib waxa uu kale oo uu soo qabtay xilal dhawr ah oo kala duwan , xilkii ugu horeeyey ee uu qabto xornimada ka hor ama shaqadii waxa ay ahayd kaaliye Gudomiyaha Degmada Hargeisa " assistant District councillor " waxa uu xiligii Somalia noqday safiir, wasiirka waxbarashada , Arimaha dibada ilaa Raisal wasaare.

Carte dadka yaqaanaa , waxa ku tilmaameen in uu ahaa siyaasi karti badan oo qunyar socod ah , waxaana uu ahaa nin isku kalsoon hankiisu sareeyo.

Cumar wuxuu ahaa gabyaa, kaasoo ku gabya Carabida, suugaanta Sooamalidana waxbuu kasamayn jiray barigii hore.

Waxa xusid mudan in Cumer Carte uu waxbarasho dib uga galay dalka sucuudiga oo uu jaamacatul madiina Al islaamiya wax ka bartay taasi oo ku tusaysa dedaalka iyo shaqsiyada cumer Carte ee xaga waxbarashada iyo aqoonta , jaamacadaasi awgeed ayuu u iman kari waayey xiligii Madaxwayne cigaal geeriyooday isaga oo ahaa shaqsiyaadka kaliya ee waayo aragnimo siyaasadeed iyo aqoonba la bidayey.

Cumer Carte Qaalib waxa uu dhalay inta aan aqaano 6 wiil iyo 6 gabdhood oo maanta iyaguna dadka ay dhaleen iyo kuwa ay sii dhaleenba isa soo gaadheen .

Cumer Carte Qaalib waxa uu ahaa shaqsi diinta aad ugu wanaagsan, hadal wanaagsan naxariis badan, dad jecel, waxa uu dad badan dheer yahay in uu ahaa shaqsi ka balaadhan qabiil iyo meel hoose oo dadku u siman yihiin.

Markii uu ahaa murashaxa Madaxwaynaha sanadkii 2002 ayaan galab u tagey waxa uu iiga sheekeeyey taariikho layaab badan, isaga oo noo sheekaynaya ayaa waxa noo soo galay rag waaweyn oo wada gaboobay, waxa uu igu yidhi awoow ninkaasi gaboobay saw ma arkaysid aabihii ayaanu isku xisbi aheyn 1960kii , waa xisbigii Ubax .

Waxa uu yidhi maanta aniga magac, aduunyo iyo wax walba binu adenku jecel yahay waan soo gaadhay waanan soo taabtay, kaliya waxa i wadaa waa xil aan is leeyahay dalkaagaa iyo dadkaagaa wax baad maanta tari karaysaa ....

Alle ha u naxariisto

By; Mohamed Cabdi Jaamac ( Dhimbiil )

Muxamed Dhimbiil


 
Halkan Ka Daawo:Hees Cusub Oo Uu Sameeyey Abwaanka Caanka Ah Ee Abdimalik
Halkan Ka Daawo Beelaha Axmed Cali iyo Daahir Cali ee Adan Madoobe oo Kalsoonidi Kala Noqday Suldaan Barkhad Iyo Caaqilka Faahiye Xassan ee Adan Madoobe..
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
WAREYSIYO