Saturday November 28th, 2020
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

Kala war la'aanta Waayaha Tigreyga iyo wacyiga Da'yarta Somalida.

0
Saturday November 21, 2020 - 10:26:55 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 184
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kala war la'aanta Waayaha Tigreyga iyo wacyiga Da'yarta Somalida.

    Kala war la'aanta Waayaha Tigreyga iyo wacyiga Da'yarta Somalida.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kala war la'aanta Waayaha Tigreyga iyo wacyiga Da'yarta Somalida.

Dagaal, colaad iyo leeleel ayaa ku habsaday umadda Tigreyga labadii todaabaad ee ugu dambeyeey. Dagaalkan oo sida laga warqabo ka dhex qarxay Mucaaradka TPLF oo u taagan Jabhadda Xoreynta dadka tigraaya iyo ciidamada dowladda federaalka ah ee Ethiopia.

Dagaalkan xaaladiisa, sida u ku bilaabmay, saameyntiisa iyo afkaarta siyaasiga iyo ciidameed ee ku gedaaman waa mid dunidu isha ku hayso, halka lafa-gurayaasha iyo xeel-dheerayaasha ciidan iyo siyaasadeed ee geeska Afrikana u arkaan dab haleelay baasiin oo ay samayntiisu badiba ku faafi doonto geyiga geeska iyo dacalka bari ee qaradda Afrika.

Maqaalkan kooban kuma beegsanayo dagaalka iyo holaca sii hulaaqmaya ee ka dhacaya waqooyiga Ethiopia, balse bedelkeeda taa waxaan iftiiminayaa wacyiga dhalinyarada Somalidu halka uu taagan yahay aniga oo ku xidhiidhinaya qowmiyadda Tigray ee saaka birta naareed saaran tahay.

Badiba baraha bulshada gaar ahaan barta bulshada ee Facebook waxa ka socda dagaal afeed aan waxba laysula hadhin. Colaaddan oo dhex maraysa, hablaha iyo dhiggooda ragga Somaliyeed.

Doodu waxay khuseysa qiimaha ragga Somalidu u hayaan dhigooda Hablaha Tigreyga,ragga Somalidu waxay u weel samaysanayaan habqanka hablaha Tigreyga.

Ragga Somalidu waxay ku doodayaan qurux, dheg,dhaban iyo dhaayoba in gashaantimaha Tigreygu ka sitaan dhigooda Hablaha Somalida. Raggu waxa u ku af gobaadsanayaan faraj iyo furdaamin rabbi inu yahay dagaalka ka socda caradda fog ee Tigray oo ay ka halabsan doonaan butaacada hablaha tigreyga ee ka soo bara-kacaya baradoodii.

Dhanka haweenka Somalida waxay bixinayaan jawaab aan yarayn, iyaga oo dhankooda guntiga dhiisha isaga dhigaya.

Waxay ku hal qabsanayaan heestii ahayd.

" quruxdayaanu leenahay..

qalab kayaanu sidanaa.

Hadaydaan wax nala qaban

Ma rag qaarado kale jira baa'

Noo qoray ilaahay".

Caduur dhow-dhowdu uma dhacsana . Hal celinta dumarka waxa iyada lafteeda ku lamaan mararka qaar Isku dey u eg " annag iyo hooyadayaba lama g--din. Waxay dhankooda soo qotominayaan rag u eg innamada dharka iyo huga u suuqgeeya dukaamada waawayn ee Dolce&Gabon, shirkadda Addidas iyo dhigeeda Puma.

Waxyse laftigoodu maanka ku hayaan inaan Cabdi iyo cutiya, Waris iyo Wardheere, Muuse iyo Malyuun, Maxamed iyo Xamde in aanay kala doorsan karin in is doortaan mooyiye..

Arrintan oo hadda suuqeedu xaami yahay (trending), marka dhan laga istaago waa uun mada-daalo iyo wakhti dhumis/lumis, dhalinyarto doonayso in ay ku ayaayurato/ Laacdanto.

Hase ahaate,marka dhanka kale laga eego waa arrin werwer keeda leh, wa arrin ku tusinaysa halka da'yarta Somaliyeed maanta Wacyigoodu taagan yahay, waana calaamad dibu-udhac oo khatarteeda keenaysa sanadaha soo socda.

Maxaan uga dayrinayaa wacyiga iyo waayahay dhalintan ku laacdamaysa baraha bulshada?

Hagaag, hilaadi qarinigii tagay dabayaaqadiisi,Somalida waxaa ka burburay dowladdi dhexe. Somalidu waxay mar qudha noqdeen bur iyo baaba' .

Nin walba waxa uu u dhaqaaqay jahada ku beegantay. Dunida dacaladeeda waxa mar qudha gaaray dhiilada Somalida ku habsatay. Qaxoonti,barakac, xasuuq, macaluul, dagaalo soeeye, dhaqaale burbur iyo Cururada faafaya ayaa waagaa si ba'an u sameyeey Somalida.

Xeryaha Dulcad, darroor iyo inta ku taxan xudduda Somalida iyo Ethiopia waxa buux-dhaafiyey barakacayasha iyo qaxoontiga darayaysan.

Dhanka Kenya , xeryaha Xara-dheere, dhadhaab,Seenyalay iyo kuwo kale oo badan waxa loo yagaleelay waagaa si ay hoy ku-meel gaadha ugu noqdaan qaxoontiga Somalidee daaduumay. Waad ogtahay hadaanad is-diidsiin, ilaa ammitan xeryahaasi in ay hawl galaan. Xeryahaasi waxay noloshoodii iyo mustaqbalkoodi galaafteen kumanaan iyo boqolaal Somali ah.

Maanta,dhiillada iyo dhawaaqa aan dhegaha u roonayni waxay ka imanyaan dhanka Ethiopia. Dhalinyarada Somalidu waxay moogan yihiin inaan dagaal lagu helin qaniimo iyo badhaadhe, waxaase laga dhaxlaa dhib,dhaawac iyo dhito xun oo waarta.

Garaadka dhalinyarada Somalidu badiba waxa uu is-dhaafinaya ama ka arrin la'yahay in dhaawaca gaadha bogcad Ka mida dhulka geesku noqon karto dab-iyo gaas laysku daray.

Ha moogaanaan,Geeska Afrika inuu yahay mid ka mida gobolada xudunta u ah qalalaasaha, barakaca, iyo saboolka dunida oo idil.

Sida ay sheegayso warbixin uu daabacay Nial Ferguson oo ah xeel-dheere dhanka amniga iyo colaadaha ee Geeska Afrika, "in ka babadn 1500 oo qalelaase ayaa ka dhacay geeska Africa" .

Hadaba isweydii gar ma tahay in aad u haamo-tolato hablaha duruufeysan ee maalin iyo habeen dhawaaqa madfacu ka dul yeedhayo?

Gar ma tahay, gabadha wiil keed, walaalkeed iyo ninkeediba dhaawaca iyo dhibtu la daristay in aad u halab-samaysato?

Jawaabtaa waxa u dhaafaya dhalinyarada Somaliyeed iyo wakhtiga iman.

Abwaan Gabaya-Xaddi waxa u laha.

Laxaad waa badhaadhee hadduu, ii bogsado xooggu.

Oo biixiyaha Eebahay, kay isugu beego.

Abaal badha, abaal bura, abaal bur iyo dheeraad leh.

Ninba kiisa kaan ugu bedeli, beerka ka ogsooni.

Afeef,

Maqaalkani sinaba uguma garnaqayo colaadda ka dhex aloosan Xabashida, sidoo kale dhinac saari maayo, kumana cadaynayo sax, same iyo sirgaxnaan dhinaca ku ah ama dhinaca ka ah colaada. Waxuuse khuseeyaa kaliya wacyiga Dhalinyarada Somalida iyo kala war hayn la'aanta waayaha dhalinyarada Tigraaya.

Rabbow na toosi oo na taakulee.

@Saeed 2020.


Halkan Ka Daawo:Hees Cusub Oo Uu Sameeyey Abwaanka Caanka Ah Ee Abdimalik
Halkan Ka Daawo Beelaha Axmed Cali iyo Daahir Cali ee Adan Madoobe oo Kalsoonidi Kala Noqday Suldaan Barkhad Iyo Caaqilka Faahiye Xassan ee Adan Madoobe..
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
WAREYSIYO