Saturday November 28th, 2020
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

Komishanka Doorashooyinka Somaliland Oo Dib U Furay Diiwaan Gelinta Codbixiyayaasha

0
Saturday November 21, 2020 - 14:18:56 in Wararka by Wariye Tiriko
  • Visits: 321
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Komishanka Doorashooyinka Somaliland Oo Dib U Furay Diiwaan Gelinta Codbixiyayaasha

    Komishanka Doorashooyinka Somaliland Oo Dib U Furay Diiwaan Gelinta Codbixiyayaasha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Komishanka Doorashooyinka Somaliland Oo Dib U Furay Diiwaan Gelinta Codbixiyayaasha

Koomishanka doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay diiwaan gelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka Somaliland oo la filayo in dhammaadka bishan dib uga bilaabanto dalka.

Munaasibadii  dib loogu furayey diiwaan gelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka Somaliland oo lagu qabtay Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka qayb galay xubnaha Koomishanka doorashooyinka qaranka, Hoggaamiyeyaasha Xisbiyada, Xukuumadda iyo ururrada bulshada, taliyaasha Ciidamadda Qaranka iyo Booliska.

Diiwaan gelinta ayaa ujeeddadeedu tahay sidii ay isu diiwaan gelin lahaayeen dadkii aan hore isu diiwaan gelin, kuwa imika gaadhay wakhtigii ay qaadan lahaayeen kaadhadhka diiwaan gelinta iyo kuwa Kaadhadhku ka lumeen amma laba jeer wax ka badan is diiwaan geliyey ee kaadhku ka xumaaday.

Wejiga 1aad ee dib u furista diiwaangelintuna wuxuu 29ka Nov. 2020 ka bilaabmayaa guud ahaan Gobolka Awdal, degmada Sallaxley, degmada Balligubadle iyo degmada Gabiley.


Halkan Ka Daawo:Hees Cusub Oo Uu Sameeyey Abwaanka Caanka Ah Ee Abdimalik
Halkan Ka Daawo Beelaha Axmed Cali iyo Daahir Cali ee Adan Madoobe oo Kalsoonidi Kala Noqday Suldaan Barkhad Iyo Caaqilka Faahiye Xassan ee Adan Madoobe..
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
WAREYSIYO