Madaxweyne Biixi Wuxuu Caadaystay Marka uu Wax Qaribayo Dadka Gidaar Kale U Sawiro Si Loogu Mashquulo Sawirkaa Doorkan Ma Wuxuu Ka Jeediyay Xisbiyadki iyo Taageerayaashoodii Arinta Diiwaangalinta?
Waxeynu Arkeynaa in Ilaa iyo Maanta aanay Wali Isfahmin Dad Badan oo Kamid ah Shacabka Somaliland Khusuusan Taageerayaasha Xisbiyada iyo Soyaasiyiintoodaba Habdhaqanka Been-guurka iyo Yool Habaabinta ah ee Madaxweyne Biixi Kaas oo Marka uu ujeedo Leeyahay ama Arin Xaqiiq ah oo uu Majarahabaabinayo Ka Jeediya Indhaha Bulshada.
Hadaynu Tusaale Usoo qaadano Xisbiyadii Mucaaridka ahaa ee Ucid iyo Waddani Taageerayaashoodii iyo Siyaasiyiintoodiiba Wuxuu ku Jeediyay Hadal Been Guur ah isagoo Iska Dhigay In uu U Dagaalamayo, Odayga Aqalka Sare ee Soomaaliya Ina Xaashi Waxaana Taa Raacay oo lagu Sirey Taageerayaal Badan oo aad Moodo in uu Ka badiyay Marba hadii ay Caadifad dhaqaaqeen oo ay Sawirada Profilkooda Isticmaalka Facebook soo Dhigteen Mahdi Guuleed Waar Odaygu Laba Beenguur ayuu Yaqaanaaye, Kan uu Sawirka Kula Galo Siyaasiyiinta si uu Bulshada u Tuso, iyo Kan Hadal aan Mjnaadib aheyn uu Ku odhanayo Muddona Lagu Mashquulayo.
Waa Suurtagal in uu Isagu Isleeyahay Guulbay kuu Yihiin in Aad Shacabka Aad Madaxweynaha u Tahey Majara habaabiso Laakiin Waxey Isweydiintu Tahay Tolow Waa Noocna Mashruucan uu Shacabka iyo Xisbiyada ka Jeedinayo, ee La Majara habaabinaya?
Runtii Su,aashaasi Jawaabteedu Wey adag Tahey Laakiin Waxeynu kaga Tusaale qaadan Karnaa imisa Qof oo Soyaasi Sheeganaya oo Xisbi Katirsan ayuu Doorkan u Caraabiyay Muqdisho Wey Badan Yihiin Laakiin Marnaba Ismay Weydiin in Diiwaangalinta Doorashada Laga Jeedinayo Bulshada