Dr Adam Yusuf Abokor: Shaqsiyad xor ah iyo astaantii ururadda bulshadda rayidka ah ee
Somaliland.
18 th -kii Noovembar 2020, waxaa dalka Turkiga ku geeriyooday Dr Adam Yusuf Abokor oo ahaa aqoonyahan iyo hogaamiye u dhaqdhaqaaqa horumarinta bulshadda. Dr Adam wuxuu
wakhtigiisa inta ugu badan ku bixiyey ka shaqaynta arrimaha bulshadda iyo sidii ay cod u yeelan lahaayeen qaybaha bulshadda ka midka ah ee aan inta badan codkooda la maqlin
sida haweenka, dhallinyaradda, naafadda iyo bulshooyinka la hayb sooco. Dr Adam Yusuf waxa uu ka mid ahaa dhallinyaraddii aas aastay ururkii la odhan jiray UFFO
oo lagu tilmaamo dhamacdii shiday halgankii dib u xoraynta Somaliland ee SNM horseedka ka ahayd. UFFO waxa ay waxqbadka muuqda ka sameeyey cusbitaalka Hargeysa oo wakhtigaa uu ka muuqday dayac iyo daryeel la aan guud. Waxaa xusid mudan in Dr Adam uu
ahaa agaasimaha cusbitaalka Hargeisa (Hargisa Group Hospital) kaas oo xudun u ahaa hawlgalkii iyo waxqabadkii dhallinyaraddii UFFO.
Dr Adam iyo kooxdii kale ee UFFO waxaa la xidhay 1982kii, iyada oo qaarkood dil lagu xukumay, qaarkoodna xabsi daain lagu xukumay. Xabsiga waxay ku soo qaateen nolol murugo badan oo cabsi, kalinimo iyo ciqaab wadatay. Dr Adam waxa jeelkii la odhan
labaatan jirow laga soo daayey sanadkii 1989kii.
Dr Adam Yusuf Abokor waxaan ku bartay ka shaqaynta arrimaha bulshadda. Wuxuu horsed ka ahaa aas aaskii iyo unkiddii ururadda bulshadda rayidka ah ee Somaliland. Waxaa uu
kaalin weyn oo muuqata ku lahaa dhismihii iyo hanaqaadkii ururadda bulshadda rayidka ah ee Somaliland inta ugu magaca weyn. Dr Adam Yusuf Abokor waxa uu hormood ka ahaa
shaqsiyaadkii tacabka badan galiyey in ururadda bulshadda rayidka ah ee Somaliland ay yeeshaan codmidaysan iyo gaboobyo ay ku midaysan yihiin intii isku dan ahiba sida ururadda dhallinyaradda, haweenka, ururadda xuquuqul insaanka iyo naafadda. Dr Adam
wuxuu door aan la ilaawi karin ku lahaa aas aaskii iyo hanaqaadkii gaboodka dhallinyaradda Somaliland ee SONYO. Dr Adam wuxuu ka mid ahaa saaxiibadda dhallinyaradda Somaliland ee farsamo ahaan iyo aragti ahaanba ka qayb qaatay abaabulka iyo jihaynta dhallinyaradda
Somaliland.
Dr Adam Yusuf Abokor waxa uu ahaa samotalis ku xeeldheer isku soo dhawaynta iyo xalintam khilaafaadka. Waxaa aan markhaati ka ahaa marar badan oo uu kaalin xoog leh ka qaatay
xallinta khilaafaad siyaasadeed oo soo dhex galay xukuumadda Somaliland, golayaasha qaranka iyo xisbiyadda. Tusaale ahaan sanadkii 2007-dii oo khilaaf adagi dalka ka taagnaa
wuxuu ka mid ahaa shaqsiyaadkii abaabulka ka galay xalinta arrimihii taagnaa. Waxaan xusuustaa habeen aanu madaxweyne Daahir Rayaale arrimahaa ugu tagnay oo aanu wada
soconay AHU Dr Adam Yuusuf Abokor, BoobeYuusuf Ducaale, prof Saleebaan Axmed Guuleed, prof Maxamed Siciid Gees, , prof Xassan Halas, Jacfar Gaada-weyne iyo AHU
Marxuum Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye).
Waxaa iyaduna xusid mudan in Dr Adam uu kaalin firfircoon ku lahaa hirgalinta nidaamka xisbiyadda badan iyo doorashooyinka ee Somaliland. Waxa uu si toos ah iyo si dadban-ba ula
shaqeeyay gudiyaddii doorashooyika Somaliland ee kala dambeeyay iyo goob joogayaashii caalamiga ahaa ee doorashooyinka Somaliland indhaha caalamka ku soo jeediyey.
Doorashaddii golaha wakiiladda Somaliland ee sanadkii 2005-kii, waxaan ka mid ahaa dhallinyaraddii la shaqaynaysay goobjoogayaashii caalamiga ahaa ee loo diray goboladda
bariga Somaliland gaar ahaan Sanaag. Dr Adam wuxuu udub-dhexaad u ahaa qorshaynta, hawlgalinta iyo xidhiidhinta shaqooyinka goobjoogayaasha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga
ahba.
Dr Adam Yusuf Abokor wuxuu lahaa shaqsiyad wanaagsan iyo astaamo ka marag kacaya dadnimadiisa. Wuxuu ahaa nin degen, afgaaban oo dabeecad wanaagsan, ixtiraam badan,
dadka dhagaysta, qaybaha kala duwan ee bulshada ku xidhan, dadka oo dhamina u arkaan
inuu daacad ka yahay hawlaha horumarinta bulshadda ee uu hayey. Aniga iyo koox kale oo dhallinyarro ah oo ka mid ahaa SONYO ayaa sanadkii 2006-kii maalin
la sheekaystay gudoomiyaha jaamacadda Camuud prof Saleebaan Axmed Guuleed. Prof Saleebaan waxaanu kala hadalnay doorashadda gudidda ardayda Jaamacadda Camuud oo
wakhtigaa khilaaf ka taagnaa. Prof Saleebaan aad ayuu maalintaa noola hadlay, wuxuuna na
hoga tusaaleeyey sababaha khilaafaadka bulshadeena ku keena iyo caqabadaha dadkeena haysta. Waxaa aan si wanaagsan u weeleeyey oo hadalkiisii ka mid ahaa, " Dadka
Soomaalidda ah inta aan aqaano, nin qabyaalad iyo dano shaqsi ah ka xoroobay waxaan garayaa Dr Adam Yusuf Abokor”. Hadalkaasi saamayn weyn ayuu igu reebay, maalin kasta
oo aan Dr Adam sii bartana waan sii xaqiiqsanayey inuu yahay sidaa uu Prof Saleebaan ku
sifeeyay.
Dr Adam waxa uu qarankeena kaga tagay taariikh dahabi ah isaga oo wakhtigiisa ugu badan galiyey sidii arrimaha bulshadda horumar siman oo la taaban karo looga samayn lahaa
(social justice). Haddaba, maxaynu ku maamuusnaa oo xusuus uga dhignaa Dr Adam?.
Dr Adam wuxuu wakkhti dheer ka mid ahaa gudidda horumarinta cusbitaalka guud ee Hargeisa oo uu ilaa hadda la shaqaynayey. Sidaas darteed, waxaan soo jeedin lahaa in Dr
Adam Yusuf Abokor loogu magac daro cusbitaalka guud ee Hargeisa ama qaybo ka mid ah
cusbitaalka.
Ilaahay waxaan uga rajaynayaa in uu Dr Adam ugu deeqo janatul fardawsal aclaa, inaga iyo qoyskiisa oo dhana samir iyo iimaan inaga siiyo.
Qallinkii: Dr Mohamed Yusuf Aw Ali (Culimo), London, UK.
Email: mculimo2@gmail.com.
Dr Adam Yusuf Abokor: Shaqsiyad xor ah iyo astaantii ururadda bulshadda rayidka ah ee Somaliland.
Dr Adam Yusuf Abokor: Shaqsiyad xor ah iyo astaantii ururadda bulshadda rayidka ah ee Somaliland.