Donald Trump Maku dhiiran karaa in uu duqeeyo Iran
Madaxwayne Trump wuxu weli kasamri la’yahay in doorashadii lagaga adkaaday. Wuxuse ogolaaday in xilwareejini ay dhacdo. Ayaamahan waxa lahadal hayaa in uu wereri doono wadanka Iraan.sidoo kale dawaldda Israel waxay heegan geliyeen ciidankoodi.
Trump intuu uu xukunka hayah wuxu ku kacay arimo badan oo u danaynaya Isreal laakiin kasoo horjeeda siyaasadda arimiha debedda ee maraykanka, madaxdii ka horraysayna ay iska dhawri jireen. waxaana ka mid ah Ictiraafkii Magalada Qudus in ay tahay caasimadda dawladda Israel. Ictiraafkii Buuralayda Golan Heights ee ay Suriya leedahay, Dilkii Taliyihii Ciidanka Illaalaha Tawradda Iran Gen Qasim Sulieman. Iskudaygii mashruuca looyaqaan Mashruucii qarniga.
Wuxu kale oo isku deyey in uu soo afjaro mashruuca Nuclear –ka Iran, wuxuuna kabaxay heshiis hore uu u saxeexay Madaxwaynihii ka horreeyey iyo wadamada shanta ah ee kale.
Haddaba Trump oo ah nin aan lasaadaalinkarin waxa uu ku kacayo, isla markaasna ku caan baxay taageerista indha-la’aanta ah ee Irael, iminkana ay u raacday jabkii doorashadu, waa laga filan karaa in uu ku dhaqaaqo ficillo aan miisaanayn.
Isagoo ka duulaya guulihii uu kakeenay heshiisyadii bilaashka ahaa ee uu ka dhexdhaliyey wadamada Carabta qaar kamid ah iyo Israel, waxa suurta gal ah in uu Isreal hadyad ugasii dhigo isku dayga burburinta Nuclearka Iran.
Laakiin Iran ma aha Suuriya, mana ahaan doonto waslad si yar looliqo. Ciddii damac kagalaana siwayn ayay u xisaabtami doontaa.
Qalinkii Hassan Osman
Donald Trump Maku dhiiran karaa in uu duqeeyo Iran
Donald Trump Maku dhiiran karaa in uu duqeeyo Iran