Tuesday January 26th, 2021
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

Madaxweyne Geelle Oo Shaki Geliyey In DP World Ay Maalgelinayso Berbera, Kana Walaacsan In Al-shabaab Ay Awood Ku Yeelato Baarlamaanka Soomaaliya

0
Friday November 27, 2020 - 13:50:20 in Wararka by Wariye Tiriko
  • Visits: 966
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Geelle Oo Shaki Geliyey In DP World Ay Maalgelinayso Berbera, Kana Walaacsan In Al-shabaab Ay Awood Ku Yeelato Baarlamaanka Soomaaliya

    Waxa uu ka hadlay, Ujeeddada Imaaraadka ee dekedaha gobalka + Al-shabaab oo cashuurta dekedda Muqdisho iyo arrimo kale

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa uu ka hadlay, Ujeeddada Imaaraadka ee dekedaha gobalka + Al-shabaab oo cashuurta dekedda Muqdisho iyo arrimo kale


Madaxweynaha dalka Jabuuti IsmaaciilCumar Geelle ayaa sheegay in aanu illaa hadda maqal wax sheegaya in shirkadda DP World ee Imaaraadka laga leeyahay ay maalgashi ballaadhan ku samaynayso dekedda Berebra. Waxa keliya ee uu ogyahayna uu yahay soo jeedimo mashariiceed.

Madaxweyne Geelle oo waraysi siiyey shabakadda ‘The Africa Report’ oo xarunteedu tahay dalka Faransiiska, waxa uu shirkadda DP World ku dhaliilay in ay caan ku tahay in marka hore ay buuq iyo hadal hayn badan abuurto, laakiin intaas ka dib aanay waxba qaban. "Xitaa wiishka ugu yar oo kor loo taagay kuma arkaysid. Annaga ayaa taas soo ogaannay” ayaa uu Madaxweyne Geelle ku yidhi waraysigan oo ay The Africa Report faafisay Salaasadii 24-ka Noofambar.

Mar wax laga weydiiyey khilaafkii ganacsi ee u dhexeeyey dalkiisa iyo shirkadda DP World waxa uu sheegay in weli dacwaddii arrintaas la xidhiidhay ay ka socoto maxkamadda London, lagana yaabo in ay dhaqso uga bilaabato dalka Maraykanka. Waxaa se uu DP World ku eedeeyey in ay ka madax-adaygayso in ay la fadhiisato dawladda Jabbuuti si ay uga wada-hadlaan arrintan, "Lacag dooni maayaan, waayo lacag badan ayaa ay haystaan. Waxa ay doonayaan waa in kootadii hore oo kale dib loogu soo celiyo” ayaa uu yidhi Madaxweyne Geelle.

Isaga oo ku eedeeyey in uu u qarsoon yahay qorshe siyaasad-dhuleed oo ah in ay gacanta ku wada dhigaan dhammaan dekedaha gobalka. Waxaaanu wacad ku maray in Jabbuuti aanay ka mid noqon doonin shaxda ay dhigteen, dibna ugu noqon doonin heshiiskii hore u jiray.

Madaxweynaha dalka Jabuuti oo wax laga weydiiyey ururka Alshabaab ayaa sheegay in aan weli lagu guulaysan in xididdada loo siibo hoggamiyeyaashii Al-shabaab, taas oo uu tilmaamay in ay waajib tahay in la sameeyo, si wax looga qabto Al-shabaab oo uu sheegay in ay isku fidisay gacan ku hayntii dhaqaalaha, illaa heer ay gaadhay in ay noqoto nooc maafiya ah, sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynaha oo ka sii warramaya ururka Al-shabaab waxa uu sheegay in Al-shabaab ay xitaa Cashuur ka qaaddo Kontiinarrada ka soo dega dekedda Muqdisho, "Kontiinarro faro kutiris ah ayaa ka baxsada; waa ay cashuuraan, Baad bay ka qaadaan, waxna way marsadaan. Waxaa waxaas oo dhan ka sii daran in ay bi’inayaan masuuliyiinta” ayaa uu yidhi, isaga oo intaas ku daray in Al-shabaab ay ciidamadeeda ka qorato xeryaha qaxoontiga iyada oo dhalinyarada bilaa shaqada ah siinaya cunto, ka dibna ku shubaya afkaartooda, tababaro iyo hubna siinaya.

Madaxweyne Geelle waxa uu sheegay in uu ka cabsi qabo in Al-shabaab ay ku guulaysato in ay ka mid noqoto baarlamaanka soo socda ee Soomaaliya, "Doorashadii sharci-dejinta ee Soomaaliya waxaa loo muddeeyey sannadka 2021 ka. Waxaaan ka cabsi qabaa in aynu ku dambayno baarlamaan ay Al-shabaab si dadban u maamusho, waayo? waxa ay iibsan doonaan taageerada xildhibaannada” ayaa uu yidhi Madaxweyne Geelle oo intaas ku daray in aanay jirin maalin ay Al-shabaab maanta kaga khatar badan tahay gobalka oo dhan.

 


Halkan Ka Daawo:Hees Cusub Oo Uu Sameeyey Abwaanka Caanka Ah Ee Abdimalik
Halkan Ka Daawo Beelaha Axmed Cali iyo Daahir Cali ee Adan Madoobe oo Kalsoonidi Kala Noqday Suldaan Barkhad Iyo Caaqilka Faahiye Xassan ee Adan Madoobe..
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
WAREYSIYO