Tuesday January 26th, 2021
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

Sawirro: Muxuu Sheekh Shariif Kala Hadlay Odayaasha K/ Galbeed?

0
Saturday November 28, 2020 - 09:32:49 in Wararka by Burco Office 2
  • Visits: 264
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Muxuu Sheekh Shariif Kala Hadlay Odayaasha K/ Galbeed?

    Sawirro: Muxuu Sheekh Shariif Kala Hadlay Odayaasha K/ Galbeed?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawirro: Muxuu Sheekh Shariif Kala Hadlay Odayaasha K/ Galbeed?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo haatan ku sugan magaalada Baydhabo ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay odayaasha dhaqanka ee deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ahaa madaxweynaha maamulkaasi, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen).

Intiisa badan waxaa shirkan diirada laguy saaray xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee 2020/2021-ka.

Sheekh Shariif ayaa u sheegay odayaasha dhaqanka in weli baahi loo qabo, islamarkaana looga fadhiyo inay soo xulaan xildhibaano u qalmo marxalada adag ee haatan lagu jiro.

"Odayaasha dhaqanku waa furaha dowladnimadeena casriga ah, baahidii la idiin qabay wali waa jirtaa oo dalka xaaladdiisa waad ka warqabtaan, waxaan aaminsanahay inaad dalka usoo xuli doontaan Xildhibaano u qalma marxaladaha adag ee dalkeenu ku jiro.” ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd.

Dhankooda qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ee madasha ka hadlay ayaa u mahadceliyey Sheekh Shariif oo haatan ah guddoomiyaha midowga musharraxiinta.

Kulamada siyaasadeed ee ka socda Baydhabo ayaa ku soo aadaya, iyada oo lagu sii dhowaanayo doorashada Somalia oo isugu jiro tan baarlamaanka iyo madaxweynaha.

 


Halkan Ka Daawo:Hees Cusub Oo Uu Sameeyey Abwaanka Caanka Ah Ee Abdimalik
Halkan Ka Daawo Beelaha Axmed Cali iyo Daahir Cali ee Adan Madoobe oo Kalsoonidi Kala Noqday Suldaan Barkhad Iyo Caaqilka Faahiye Xassan ee Adan Madoobe..
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
WAREYSIYO